Home Articles Somali Songs About us  

Wareysi: Maxamed Dalmar Cabdiraxmaan WardheerNews

“Dhaqaalaha Soomaaliya ma aha mid fadhiid ah sida dawladda KMG ah ”
Dalmar

Maxamed Dalmar Cabdiraxmaan
Maxamed Dalmar Cabdiraxmaan

Inkastoo dalka Soomaaliya uu burbur iyo dawlad a’aan ku jiray labaatankii sano ee aan soo dhaafnay, haddana marka aad fiirisid dhaqdhaqaaqa dhinaca ganacsiga, isgaarsiinta iyo xawaaladaha waxaa kuu muuqanaya in ay sameeyeen horumar aad u weyn.

Arrimaha aan kor ku xusnay ayaa dhammaantood ah kuwa ay ku lug leeyihiin dad gaar ahaaneed (private sector), iyadoo duruufo adag oo nabadgelyo xumo ka jirto meelo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Haddaba si aan wax uga ogaanno xaaladda dhaqaale ee waddanku hadda ku sugan yahay iyo saamaynta ay ku yeelatay dawlad la’aantu, ayaa waxaa degelka WardheerNews u suurto gashay in ay wareysi dhinacyo badan taabanaya la yeelato Md. Maxamed Dalmar Cabdiraxmaan  oo ah aqoonyahan ku takhasusay cilmiga dhaqaalaha, muddo dheerna ka mid ahaa mas’uuliyiintii Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

Mudane Dalmar oo hadda degan dalka Kanada ayaa sidoo kale waxa uu ka mid ahaa macallimiintii wax ka dhigi jirtay Kuliyaddii Dhaqaalaha ee Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed.

Mudane Dalmar waxa uu wareysigan si qoto dheer oo ku dhisan aqoon iyo waaayo-aragnimo durugsan ugu faahfaahinayaa xaaladda dhaqaale ee maanta uu ku sugan yahay dalka Soomaaliya.

Haddaba wareysigii ay WardheerNews la yeelatay aqoonyahanku waxa uu u dhacay sidan:

WardheerNews (WDN): Mudane Dalmar marka hore waad ku mahadsan tahay fursadda aad noo siisay inaan kula yeelanno wareysigan. Waxaan ku leennahay ku soo dhawaw degelka WardheerNews.

Dalmar: Waan dhawahay, idinkuna waad ku mahadsan tihiin fursadda aad i siiseen.

WDN: Marka hore waxaan jecelnahay bal inaad guud mar kooban naga siiso taariikh nololeedkaaga, siiba dhinaca waxbarashada iyo xilalka kala duwan ee aad soo qabatay?

Dalmar:  Haddaan si kooban uga jawaabo su’aashaan, waxaan ku dhashay magaalada Garoowe sannadku markuu ahaa 1944. Halkaas oo aan ku dhammeystay dugsiga hoose.  Waxbarashadayda inteeda kale waxaan ku qaatay magaalada Muqdisho. Sannadku markuu ahaa 1974, waxaan ka qalin jabiyey Jaamcadda Ummadda Soomaaliyeed, Kulliyaddeedii dhaqaalaha.  Ka dib, waxaan qaatay shahaaddada Master of Public Administration oo ay wadajir u bixiyeen Jaamcadda Ummadda Soomalaiyeed iyo State University of New York at Albany. Sannadkii 1980 waxaan ka noqday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Kuliyadda  Dhaqaalaha, macallin dhiga maaddada: Siyaasadda dhaqaalaha iyo maaliyadda  (economic and fianncial policy).

Bangiga Dhexe ee Soomaaliya waxaan ku biiray sannadku markuu ahaa 1963, waxaanan ka qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid ahaayeen, Agaasimaha Qaybta Wareegga Lacagta, Agaasimaha Qaybta Faallada Dhaqaalaha, Agaasimaha Dugsiga Tababarka Bangiyada, Kaaliyaha Agaasimaha Guud, ugu dambeeyntiina waxaan noqday  Agaasimaha Guud ee Bangiga.

Sannadkii 1990ka horraantiisii ayaa la iga wareejiyey xilkii agaasimaha guud ee bangiga, waxaana la ii beddelay Wasaaradda maaliyadda oo aan ka noqday La taliyaha Dhaqaalaha ee Wasiirka Maaliyadda. Laga bilaabo 1991, waxaan ku sugnaa dalka Kanada. Hadda waxaan degganahay magaalada Ottawa, waxaanan ka shaqeeyaa hay’ad samafal ah oo dadka qaxootiga ah u gargaarta.

WDN: Mahadsanid Dalmar. Haddii aan gudo galno wareysiga waxaa jirta in muddo labaatan sano ah aanay wax dawlad ah oo shaqaysaa ka jirin Soomaaliya. Markaa ugu horeyntii maxaad ku sifayn lahayd xaaladda iyo hannaanka dhaqaale ee hadda ka jira Soomaaliya?

Dalmar: Dhaqaalaha Soomaaliya ma aha mid fadhiid ah sida dawladda kmg ah. Waa dhaqaale  firfircoon, oo gabi ahaanba ku tiirsan qaybta gaar ahaaned (private sector). Waxa la oran karaa, meelaha qaarkood sida isgaarsiinta iyo xawaaladaha, wuxuu sameeyey horumar uusan sameyn lahayn haddii ay dawladdii hore jiri lahayd. Haseyeeshee, wuxuu dhaqaalaha Soomaaliya hadda u baahan yahay nabadgelyo iyo dawlad karti leh oo xilkas ah oo hoggaanka u qabata. Waxaan la soconnaa in la xaalufiyey deegaanka oo laga shiday dhuxul la dhoofiyo, in la dhoofiyo xoolo dheddig ah, in la keeno cunto iyo daawo dhacday, in daryeelaka bulshada danyartu ay maqan tahay, in kaabayaashii dhaqaalaha sida waddooyinka, kalliyada beeraha (canals), iyo buundooyinku ay dayactir la’aan u baaba’een. Waxaa  meesha ka maqan ciddii ilaalin lahayd danta guud.

Xarunta Bangigii Dhexe ee Soomaaliya
Bangigii Dhexe ee Soomaaliya
WDN: Maadaama aad ka mid ahayd madaxdii sare ee Bankiga Dhexe ee Soomaaliya bal waxoogaa nooga iftiimi shaqada Bankiga Dhexe iyo doorkii uu ku lahaa jaangooyada siyaasadda dhaqaalaha dalka?

Dalmar: Xilalka bangiga Dhexe waxaa ka mid ahaa inuu soo saaro lacagta qaranka ee shilin Soomaaliga ah, inuu ilaaliyo dhaqdhaqaaqa lacagta iyo amaahda, inuu kormeero bangiyada ganacsiga iyo inuu dawladda u noqdo khasnad, kalana taliyo arrimaha dhaqaalaha. Haddii la soo koobo, xilka ugu weeyn ee Bankiga Dhexe wuxuu ahaa inuu ilaaliyo qiimaha shilin Soomaaliga sida ku qeexnayd Xeerkiisa. Qiimaha shilinka waxaa lagu ilaalin karaa iyadoo la xakameeyo sicirbararka.

Haddaba, xaggeebuu ka yimaaddaa sicirbaraku. Sicirbararku wuxuu aalaaba ka yimaaddaa amaah xad-dhaaf ah oo la siiyo dawladda oo dakhligeedu ku fillaan waayey, ama dabooli waayey kharashkeeda faraha badan. Amaahdaas lagu maalgelinayo isdhinka miisaaniyadda dawladda (deficit financing) ayaa ah isha ugu weyn oo lacagta suuqa gelisa, ka dibna ku abuurta sicirbarar iyo qiimo-jab lacageed (devaluation). Iyadoo arrintaas la tixgalinayo, ayaa Xeerka Bangiga Dhexe (oo la soo saaray 1968) lagu qeexay inuusan bankigu siin karin dawladda amaah ka badan 35% dakhligeedii dhabta ahaa (actual revenue) ee sannadkii hore. Haddaba, xilligii dawladihii rayidka ahaa, Bangigu wuxuu awood u lahaa inuu dawladda u diido amaah markii la gaaro heerkii loo qoondeeyey. Xitaa saraakiisha hoose ee Bangiga ayaa ku dhiiran jirey inay celiyaan foojarada dawladda illaa dawladdu dakhli cusub soo shubto. Haseyeeshee, xilliyadii dambe ee dawladdii militariga ahayd, bangigu awood uma lahayn inuu hor istaago dalabaadka lacageed ee uga imanayey xagga dawladda oo ahaa kuwa aad u tiro badan. Arrintaasina waxay sababtay sicirbarar iyo khalkhal lacageed oo raadkoodii weli taagan yahay. Haddii si kale loo fiiriyana, waxay ina tusaaleyneysaa baahida loo qabo in Bangiga Dhexe illaa xad ka madax-bannaanaado xukuumadda markaas jirta.

WDN: Mar haddii xilligan Bangigii Dhexe iyo Wasaaradihii kale ee dhaqaalaha qaabilsanaa aanay shaqaynin saamayn intee le’eg ayay ku yeelatay horumarinta dhaqaalaha dalka iyo xakamaynta sicirbararka?

Dalmar: Sidaan kor ku soo sheegay, bangiyadii iyo wasaaraddii maalayadda ee hore sidii la rabay uma shaqayneyn, bal iyagaaba qayb ka ahaa khalkhalka ku dhacay habka lacagta. Haddaan taas ka soo tagno, waxaan oran karnaa dhaqaalaha Soomaaliya maanta horumar lixaad leh ma gaari karo haddii aan la helin hab bangiyeed shaqaynaya oo caafimaad qaba. Bangiyadu, sidaan ognahay, waxay kaalin weyn ka qaataan horumarinta dhaqaalaha. Waxay dadwaynaha, hay’adaha iyo shirkadaha ka soo uruuriaya kaydka. Kaydkaas oo isbiirsaday ayey amaahiyaan ciddii maalgelin u baahan, iyagoo aqoon u leh inay darsaan mashaariicda meelmarka ah, ka dibna waxaa tarma waxsoosaarka, waxaa bata fursadaha shaqada, ugu dambeyntiina waxaa kobca dhaqaalaha.

Dhaqaale ku salaysan habka lacagta caddaanka ah (cash-based), sida hadda ka jirta Soomaaliya, wuu hanan karaa adeeg-maalmeedka, mase gaari karo horumar lixaad leh. Laakiinse, si loo helo hab bangi oo shaqeeya, waxaa horta loo baahan yahay nabadgelyo iyo xasillooni oo ah shardiga koowaad. Waxaa kaloo loo baahan yahay dawlad karti leh oo hay’adaheedii u dhan yihiin, oo dalkoo idil ka talisa, iyo shuruuc iyo maxkamado dadka u kala garqaada. Sidaan mararka qaarkood maqalno, shilalka ugu badan ee Soomaaliya ka dhaca waa dhul la isku haysto oo la isku dilo, sababtoo ah waxaan jirin diiwaan ama qoraal rasmi ah oo sugaya mulkiyadda qofka iyo maxkamado u kala xukuma.

WDN: Burburkii Soomaaliya waxa uu sababay in ay Soomaali badan waddamada dibadda u qaxaan, waxaana taasi ka dhashay hannaanka lacag isku gudbinta ee xawaaladaha oo hadda si habsami ah uga shaqeeya dhammaan deegaanada Soomaalida gudo iyo dibadba. Haddaba nidaamka xawaaladdu sidee ayuu kuugu muuqdaa siiba doorka uu kaga jiro habka maamulka lacagta, kaalin intee le’eg se ayuu ka qaadan karaa horumarinta dhaqaalaha?

Dalmar:  Lacagta Soomaalida qurbajoogga ahi ehelkooda u diraan waxaa lagu qiyaasaa illaa hal bilyan oo doolarka Mareykanka ah sannadkii. Lacagtaas waxaa dadka si habsami ah oo degdeg ah u gaarsiiya xawaaladaha oo weliba ka qaada khidmad jaban. Haddii loo dhabbagalo, xawaaladuhu waxay fuliyaan hal shaqo oo ka mid ah hawlaha bangiyadu qabtaan, waa xawilaadda ama gudbinta lacagta (money transfer).

Markii laga hadlayo xawilaadda lacagta, xawaaladuhu waa ka karti badan yihiin bangiyada. Waxaan qabaa  inuusan jirin bangi la tartami kara xawaaladaha xagga gudbinta lacagta. Dhanka kale, xawaaladuhu hadda ma fulin karaan hawlaha bangiyada kuwa ugu muhimsan oo ah kayd uruurinta (deposit taking) iyo amaah bixinta (credit allocation), oo waxaa xannibaya shuruudaha aan kor ku soo sheegay oo ay ugu horrayso nabadgelyo la’aan.

Mar haddii xawaaladuhu aanay u shaqeyn karin sidii bangi dhammeystiran, iima muuqato kaalin iyaga u gaar ah oo ay ka qaadan karaan horumarinta dhaqaalaha. Waa uun shirkado waaweeyn oo kasbaday waayo aragnimo iyo hanti, oo waxtarkoodu ku xiran yahay hadba siday u shaqeeyaan mulkiilayaashoodu. Sida shirkadaha kalena waxay halis u yihiin inay kacaan ama musallifaan sidii ku dhacday xawaaladdii Dalsan.

WDN: Ilaha dhaqaale ee xilligaan u gacan galay dadka gaarka ah wax saamayn ah ma ku leeyihiin dagaalaada dabadheeraaday iyo xaaladda siyaasadeed ee ka jirta Soomaaliya?

Dalmar: Waa jiraan kooxo ku naaxay dagaalka sookeeye oo caqabad ku ah nabadgelyada iyo dib-u-dhiska qaranka. Waxaana kooxahaas hadda ku soo biiray, sidaan isleeyahay, burcad-badeedka. Hase ahaate, anigu waxaan dareemayaa in wadcigii isbeddelay, ka dib markay soo baxeen ururro diini ah oo dagaallamaya. Waxaan qabaa waqtigaan xaadirka ah in dagaalka Soomaaliya dibedda laga maalgeliyo oo ay hurinayaan ururro iyo dawlado shisheeye oo danahooda gaarka ah wata.

Kun Shilin oo Soomaali ah
Kun Shilin oo Soomaali ah
WDN: Waxaa weli dalka laga isticmaalaa shilinkii Soomaaliga marka laga reebo maamulka Somaliland oo isagu sameystay lacag u gaar ah. Haddaba, siday suurtogal u noqotay inay kalsooni dadku ku qabaan lacag aan dawlad iyo Bangigii Dhexe ee mas’uulka ka ahaa midna aanu jirin.

Dalmar: Waxay ku suurtogashay in lacag la daabaco iyadoo Bangigii Dhexe iyo dawladdii midna aanay jirin waa asbaabo dhowr ah. Tan kowaad: lacagta 1000 shilin ee hadda la been abuuro waa lacag dadweeynuhu yaqaan oo dawladdii hore ka tagtay. Tan labaad: dadku waxay u baahan yihiin lacag sarrif ah oo loo adeegsado ganacsiga yar yar. Tan saddexaad oo ah tan ugu mihimsan: waxaa jira xad aanay dhaafi karin kuwa lacagta daabaca oo xakameeynaya damacooda. Xadkaasi waa kharashka daabacaadda xaashi-
lacageedda 1000 shilin oo ah xaashida ugu qiimo badan oo dawladdii hore ka tagtay, haddana la beenabuuro. Markii lacag badan oo been abuur ah suuqa la soo geliyo waxaa aad hoos ugu dhacaya heerka sarrifka shilinka illaa uu gaaro heer qiimaha xaashi-lacageedda kunka shilin (face value) uusan dabooli karin kharashka daabacaaddeeda.

Waxaa markaas istaagaya daabacaadda lacagta. Ka dib markii muddo la joogo waxaa xogeysanaya heerka sarrifka shilinka. Sarrifku, sida la ogsoon yahay, wuxuu ku xiran yahay dalabka (demand) iyo bandhigga (supply) lacagaha. Waxaa jirta in doolar badani dalka ka soo galo jaaliyadaha dibedda, haddii aan markaas shilin cusub la soo gelin suuqa, waxaa xoogeysanaya sarrifka shilinka. Markii taasi dhacdo, waxaa soo noqoneysa faa'iidadii laga helayey lacagta been abuurka ah, waxaana bilaabmaya tartan ah in lacago cusub la daabaco illaa uu sarrifku mar kale dhulka galo oo mar kale lacagtii been abuurka ahayd istaagto. Haddaan tusaale u soo qaato, heerka sarrifka doolarku wuxuu hadda marayaa 1USD = 30,000 ShSo. Haddaba, Kun shilin waxay u dhigantaa 3 senti oo dollar. Kharashka ku baxaya xaashida kunka shilin ayaa 3 senti gaaraya ama kaba badan. Sidaas daraadeedna, faa’iido kuma jirto in lacag la been abuuro. Weliba waxaa heerka aad hoos ugu riday lacagaha lagu sameeyo makiinadaha lacagta daabaca ee laga sheegay Puntland oo adeegsada xaashi aad u liidata oo qimo jaban. Sababahaas aan kor ku soo sheegay, ayaa shilin-Soomaaliga ka dhigaya lacag shaqayneysa oo kalsooni lagu qabi karo. Waxaad moodaa in gacan aan la arkayni maamulayso.

WDN: Intii ka dambeysay burburka waxaa jirtay in sida aad xustay ay ganacsatada iyo maamulada ka jira Soomaaliya ay iska soo daabacan jireen lacagta iyadoo la sheego sidoo kale in ay jiraan Makiinado lacagta lagu daabaco oo yaalla Puntland. Haddaba, dhawaan waxay dawladda Sh. Sharif sheegtay in ay soo daabacayso lacag cusub., Taas oo aad looga soo horjeestay. Maxay haddaba arrintani kaga geddisan tahay lacagahaas hore la isaga soo daabacan jirey, maxayse tahay saamaynta ay xilligan ku yeelan karto lacagtaasi dhaqaalaha iyo xaaladda maciishada ee ka jirta Soomaaliya?

Dalmar: Dawladda Soomaaliya ee kmg ah waxay shaacisay inay sameyneyso lacag cusub oo shilin Soomaali ah oo lagu soo daabacayo dalka Suudaan, labada dawladoodna ay kala saxiixdeen heshiis arrintaas ku aadan. Inta la sheegay, lacagtaasi waxay ku kacaysa kharash dhan $17 milyan oo dollar, waxayna ka kooban tahay xaashi-lacageedyo kala ah min 1000, 2000, 5000, 10,000, iyo 50,000.

Su’aashu, waa maxay kaga duwan tahay lacagtaasi kuwii hore ee been-abuurka ahaa. Jawaabtu waa waxba. Mar haddii sameynta lacagtaas aysan ka dambayn qorshe iyo barnaamij dhaqaale oo cilmiyeysan ama kayd lacag qalaad oo saldhig u ah, ama hay’ado dawli ah oo ilaaliya. Marka waxba kama duwana lacagihii hore ee been abuurka ahaa oo dadka lagu dhacayey, madbacadda Suudaan ee daabacaysaana waxba kama duwana makiinadaha lacagta daabaca ee lagu sheegay Puntland. 

Maxay tahay saameeynta ay lacagtaasi ku yeelan karto dhaqaalaha? Horta marka hore, waxaa shaki igaga jiraa in lacagtaasi hirgaleyso waayo ma jiro dhul baaxad leh oo ay dawladdu ka taliso ama awood maamul ama militari oo ay ku fulin karto barnaamij noocan oo kale ah. Haddiise ay hirgasho si kastaba haku hirgashee, maxaa dhacaya weeye su’aashu. Intaanan u gudbin saameynta lacagtan, waxaa xusid mudan in lacagtani ay ka kooban tahay xaashi-lacagyeedo qiimahoodu yahay 10,000 iyo 50,000 shilin. Taas micnaheedu waxaa weeye, lacagtaas intii la rabo ayaa laga daabici karaa oo kharash daabacaaddeeda hakinaya ma jiri doono sida lacagta 1000 shilin oo aan kor ku soo xusay. Haddii intii la rabo laga daabici karo waxaa xigta in intii la rabana suuqa lagu soo dayn karo, natiijaduna waa iska caddahay, waa sicirbarar waalan.

Reer Xamarku waxay yiraahdaan filinkaan horaan u galay. Marka hore, waxaa si xad-dhaaf ah hoos ugu dhacaya sarrifka Shilinka Soomaaliga, ka dib waxaa cirka isku shareeraya ascaarta waxyaabaha daruuriga ah oo sarrifka doolarka ku xiran, ugu dambeyntiina waxaa ciriiri galaya maciishadda iyo nolosha dadweynaha. Waxaa xigaya, sida hadda ka hor ka dhacday Muqdisho iyo Puntland, qalalaase, mudaaharaadyo iyo dhagaxtuur lagala soo horjeesto dawladda, ka dibna waxaa sii fogaanaya yidiidiiladii laga qabay dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha qaranka. 

Waxaa xusid mudan in cidda dhibaatadu sida gaarka ah ugu dhacayso ay tahay dadka danyarta ah sida xoolo dhaqatada, garab-raratada, iyo haweenka waratada ah. Kuwaas oo ah qaybaha ugu saboolsan bulshada. Waa kuwa aan heli karin doolar. 

WDN: Mar haddii aanay ka jirin Soomaaliya dawladdii iyo hay’adihii ka mas’uulka ka ahaa lacagta, ma kula tahay in dhammaanba la joojiyo adeesiga shilin Soomaaliga, laguna beddelo doolarka Maraykanka, sida ay samaysay dawladda Simbaabwe, inta la helayo dawlad wax ku ool ah oo dalka ka hanaqaadda?

Dalmar: Haa, waa ila tahay in dhammaanba la joojiyo lacagaha been abuurka ah ee shilin-Soomaaliga oo loo wareego isticmaalka doolarka Maraykanka oo keliya. Arrintaas hadda ka hor ayaan talo ku soo jeediyey anigoo ka walwalsan dhibaatada lacagaha been-abuurka ahi ku hayaan dadka danyarta ah.

Sidaan ogsoonnahay doolarka Maraykanku ma aha wax ku cusub Soomaaliya oo in muddo ahba wuxuu ahaa lacagta lagu kala gato laguna qiimeeyo badeecooyinka siiba kuwa jumlada ah. Waa lacag adduunkoo idil laga yaqaan, lagana isticmaalo. Hadda, waxaa doolarka Maraykanka ku isticmaala dawlado dhowr ah oo ay ka mid yihiin Panama, El Salvador, Equador iyo East Timor oo doolarka u isticmaala lacag-qaran ahaan. Dawladda Zimbabwe, iyadu doolar keliya ma qaadan, ee waxay oggolaatay in lacagaha qalaad ka socdaan dalkeeda, ka dib markii qiimaha lacagteedii gebi ahaanba baaba’day sicirbarar daraadiis.

Dhibaatada hortaagan isticmaalka doolarku waa sarrif ama jajab la'aan. Waxaa la yeeli karaa in lacag jajab ah oo dollar ah sida hal senti, shan senti, toban senti la soo waarido.  Dawaldda Maraykankuna way oggoshahay, waana dhiirrigelisaa in lacagteeda lagu dhaqmo.

WDN: Mudane Dalmar aad baad ugu mahadsantahay macluumaadka tirada badan ee aad halkan akhristayaasha ugu soo gudbisay. Haddaba ugu dambeyntii sideed u aragtaa mustaqbalka dhaqaalaha Soomaaliya, maxaadse kula talin lahayd hantiilayaasha Soomaaliyeed ee hadda gacanta ku haya dhaqaalaha dalka?

Dalmar: Siday aniga ila tahay, mustaqbalka dhaqaalaha Soomaaliya wuxuu ku xiran yahay mustaqbalka siyaasadda Soomaaliya. Waxaan qabaa haddii aan la helin nabadgelyo, xasillooni, dib-u-heshiisiin dhab ah iyo dawlad  wax ku ool ah inaan dhaqaaluhu gaarayn horumar lixaad leh. Haddaba, waxaan kula talin lahaa hantiilayasha inay ka qayb qaataan oo maalgeliyaan dib-u-heshiisiinta iyo dib-u-dhiska qaranka. Waxaan kaloo kula talin lahaa inay maalkooda ugu tabarucaan hawlaha samafalka iyo gargaarka bulshada.

WDN: Aad baad u mahadsan tahay.

Dalmar: Idinkaa mudan

Copyright © 2010 WardheerNews.com