The City of Los Angles recognizes Faisal Roble’s distinguished work performance
Los Angeles Oo Faysal Cabdi Roble Maamuustay
Bishii June 4teedii, 2013, magaalada Los Angeles ee gobolka Kalifoorniya waxay bayaanisay qodob (resolution) lagu maamuusayo wax qabadka Mudana Faysal Cabdi Rooble uu ka geystay qorshaynta, horumarinta, kobcinta dhaqaale Iyo casriyaynta Magaalda Los Angeles.
Bayaankan uu Md. Faysal Cabdi Rooble mutaystay, waxay maamulka magaaladu qodobeeyeen kadib markii la aqoonsaday wax qabad ay ku dheehan tahay aqoon iyo xirfad dheeraad ah muddo 24 sano ah oo uu Faysal magaalada Los Angles, qaybta qorshaynta maamule ka sare haa.
Wa markii labaad ee shahaadadan oo kale lasiiyo shaqaale ka tirsan maamulka qorshaynta intii ay hay’adu dhisnayd oo ku beegan 42 sano ah.
Sida Bayaanka ku cad, ooy maamulka magaalada ( city council) ka hor akhriday Marwo Jaan Beeri, oo laga soo doorto dagmeda 9aad (9th District), islamarkaan u tartantay jagada maamulka magaalada ( Mayor), waxay sheegtay waxqabadkii dheerea ee uu Md. Faysal ka soo qabtay intuu uu ahaa mareeyaha qaybta Isgaadhsiinta tareenada, dib u habaynta guryaha iyo isku talaalka qorshanynta iyo horimarinta caffimaadka bulshada.
Waxay intaa ku dartay in Mudanuhu maamulay mashruucii ugu waynaa ee ku saabsanaa dib u habaynta iyo kobcinta mashruuc ka mid ah kuwa ugu waawayn ee dalka Maraykanka laga hirgaliyo. Waxaa intaa dheer Faysal isaga oo maareeyey mashruuca dib u habaynta Jaamacada USC iyo xaafadaha ku dhow oo ku kacay $1.5 billion, abuuritaanka 12,000 oo shaqooyin kala duwan, iyo isaga oo u soo hoyey magaalada Los Angeles lacag dhan $45 million, lacagtaas oo dib loogu horumarin doono isla xaafada mashruucu ka dhacay.
Uga dambayntii Mudane Faysal oo meesha ka hadlay waxa uu u mahadnaqay maamulka iyo shaqaaliha gacanta ku siiyay hawsha oo uu ku timaamay kuwo xirfad badan ahna shaqsiyaad wax ku soo bartay Jaamacadaha ugu door roon dalka Maraykanka ah. Waxa u is gaar ah u xusay Magaalada Los Angeles oo ah meel dad kala duwani ay ku noolyihin (City of diversity). Waxaa uu ku soo xidhay hadalkiisii “Hoygii aan raadinayay bay Los Angeles ii noqotay.”
Leave a Reply