Sunday, April 28, 2024
Wardheer News
  • Featured
  • Maqaallo
  • Slideshow

Kuma ayuu ahaa Dr. Xasan Al-Turabi?

W/Q: Mohamed Indho

Xasan Cabdullah Al-Turabi Al-Budairi Al-Jaali wuxuu u dhashay dalka Suudaan, isagoo 01-Feb-1932 ku dhashay magaaladda Kassala. Sheekh Xasan wuxuu ahaa garyaqaan, aqoonyahan, hoggaamiye mabda’a adag, mid ka mid ah dadka ugu saameynta badnaa siyaasadda casriga ah ee Suudaan, indheergarad iyo macallin.

Sheekh Xasan Cabdullah Al-Turabi

Sheekh Xasan wuxuu ku barbaaray kuna hanaqaaday magaalada Kassala, isaggoo halkaas ka bilaabay dugsi qur’aanka ilaa uu ku dhameeyey waxbarashadda hoose.

Dr. Xasan iyo waxbarashaddiisii

Xasan waxbarashaddiisu waxay bilowgii ahayd waxbarashadda xalaqaadka ah isagga oo uu qur’aanka baray Aabbihiis oo Xerow ahaa, ka dibna wuxuu galay Jaamacadda sannadkii 1951, isaggoo dhameeyey kuliyadda Barashadda Sharciga ee Jaamacadda Khartoum (University of Khartoum) sannadkii 1955. Sidoo kale wuxuu waxbarashadda darajada labbaad ee jaamacadda uga baxay dalka Ingiriiska(UK) gaar ahaan king’s College, University of London.

Wuxuu shahaadada sare ee PhD ka qaatay Jaamacadda Sorbonne ee ku taal dalka Faransiiska sannadkii 1962, isagoo ku hadli jirey ilaa afar luqadood, kuwaas oo kala ah English, French, German iyo Arabic.

Dr. Xasan iyo waayihiisii siyaasaddeed

Xasan markii uu korayey ilaa intii uu godgalayey waxaa ku jirtay ruux siyaasi oo u saaxiib ah hal- abuur iyo isku day. Wuxuu sannadkii 1964 sameeyey urur la odhan jirey Sudanese Muslim Brotherhood, kaas oo ahaa urur islaami ah, isla sannadkaas wuxuu Xoghaye guud ka noqday Islamic Charter Front(ICF), oo uu isaggu aas-aasay.  Intaas ka dib waxaa loo doortay in uu ka mid noqdo Baarlamaanka dalka Suudaan,isaggoo daawladdii xilligaas ka noqday Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka. Sannadkii 1969 ilaa 1977 wuxuu Xasan ku jirey xabsi isaggoo lagu eedayey in uu ka soo horjeeday afgambigii madaxweynihii  Ga’afar Nimeiry.

Sannadkii 1977 oo ahaa markii la soo daayey, Xasan waxaa loo magacaabay Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Suudaan, ka dibna wuxuu sannadkii 1979 noqday la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha dibadda ilaa 1983, markaas oo la xidhay ilaa 1985.

Markii la sii daayey sannadkii 1985 wuxuu sameeyey National Islamic Front (NIF), Madashan oo ahayd mid horey u jirtay balse magac kale wadatay iyadoo la odhan jirey (ICF), sidoo kale wuxuu wax ka noqday dawladdii wadaaga ahayd ee raysalwasaare Sadiq Al-Mahdi isaggoo noqday raysalwasaare ku xigeen iyo wasiirkii arrimaha dibadda.

Xasan iyo kooxdiisii islaamiyiinta ayey u suurta gashay in ay dalka Suudaan ku qabsadaan afgambi aan dhiig ku daadan, kaas oo uu madaxweyne ku noqday madaxweynihii ugu cimriga dheeraa ee dalka Suudaan waa Cumar Xasan Al-Bashiir, oo ahaa sarkaal ciidan ah. Xasan si aan loo fahmin in uu afgambigaas ka shaqeeyey, wuxuu keenay aragti ah in la xidho, ka dibna muddo ka dib la soo daayo. Wuxuunna markaa yidhi odhaahdii caanka ahayd ee macnaheedu ahayd “Qasriga gal adigoo madaxweyne ah, anna xabsiga ayaan aadayaa annigoo maxbuus ah” ka dib markii la soo daayey Xasan waxaa lagu abaalmariyey wasiirka arrimaha dibadda ee Suudaan, xilkaas oo uu waxyar ka dibna iska casilay ka dib markii ay isku dhaceen madaxweynihii uu dhisay,. Halkaas oo Xasan uu mar kale galay xabsiga, muddo ka dib markii la soo daayey Xasan wuxuu noqday gudoomiyaha Baarlamaanka sannadkii 1996, ka dib waxay isku dhaceen xukuumaddii xilligaas, markaas oo uu kursigii baneeyey, intaas ka dib wuxuu sameeyey Xisbigii Popular Congress Party, kaas oo uu xoghaya guud ka ahaa sannadkii 1999 ilaa 2016.

Xasan wuxuu ahaa siyaasi baacdheer, wuxuu lahaa saaxiibo siyaasaddeed oo dunidda dacaladeeda jooga, wuxuu ka sheekeyey safaro siyaasaddeed iyo dhacdooyin siyaasi ah oo uu qayb ka ahaa.

Dr. Xasan aragtiyihiisii iyo wax soo saarkiisii

Xasan wuxuu dood ka qabay xadka ridada ee diinta, doodda dumarka isaggoo qabay in hawsha loo daayo sida diintu ugu hadashay, markaas wuxuu diidanaa qaabkii wadaadadu arrinkaas u wajahayeen. Aragtida in wax laga beddelo qaabka loo arko fanka, wuxuu tafsiir aad u weyn ka qorey qur’aanka isaggoo u bixiyey Tafsiir Al-Waxiid, sidoo kale wuxuu wax ku lahaa dastuurka dalal badan oo maanta jira kuwaas oo uu wax ka qorey ama ka beddelay.

Xasan wuxuu qoray qoraalo badan, kuwaas oo lagu faafiyey mareegaha wax lagu daabaco, buugta uu qorey waxaa ka mid ah The Islamic Movement in Sudan – 2009 iyo Women in Islam and Muslim Society- 1991.

Goortii, goobtii iyo sababtii uu u geeriyooday Dr. Xasan

Taariikhdu markii ay ahayd 05-March 2016 waxaa soo dhacay warka naxdinta leh ee ah in uu geeryooday Mufakir, Siyaasi, Xasan Abdulla Al-Turabi, wuxuu ku geeriyooday cisbitaalka weyn ee ku yaal magaaladda Khartoum ee Royal Care International Hospital. Sida dhakhaatiirtu sheegeen wuxuu sababsaday wadno xanuun ku soo booday, waxaa lagu aasay qabuuraha Burri Al-lamab oo ah qabuure ay ku aasanyihiin badanka madaxda reer Suudaan sida raysal wasaare

ku xigeenkii u horreeyey ee dalka Suudaan Bakri Hassan Saleh, waxay da’diisu ahayd markii uu geeryooday 84 sanno.

Madaxweynaha Suudaan mudane Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa gurigooda ugu tegay qoyska Xasan Al-Turabi, si uu ugu soo tacsiyeeyo qoyska, uguna duceeyo marxuun Xasan Al-Turaabi.

Dr. Xasan iyo xidhiidhkii Islaamiyiinta Soomaaliya

Waxaa jirtay warqad uu Xasan u soo dhiibay arday ka mid ahaa ardaydiisa oo Soomaali ahaa, kaas oo wax ka baranjirey dalka Suudaan, warqadaasi waxay ku socotay Islaamiyiintii Soomaalida, warqadaas waxaa ku qornayd in Xasan Al-Turabi uu rabo in uu heshiisiiyo Islaamiyiinta Soomaaliy iyo madaxweynihii xilligaas Maxamed Siyaad Barre markaas oo uu khilaaf ka dhexeeyey. Xasan wuxuu islaamiyiinta u soo bandhigay in uu hawshaas dhameynayo, laakiiin islaamiyiintii ayaa diiday dhexdhexaadintaas.

Xasan wuxuu doorbidayey in islaamiyiinta iyo Siyaad heshiiyaan si islaamiyiintu u xoogaysato, mid ka mid ah islaamiyiintii xilligaas oo uu wareystay qoraa Cabdishakuur Cali Mire, wuxuu u sheegay in cidda diiday heshiiskaas ay ahaayeen islaamiyiinta waqooyiga Soomaaliya joogay, haddii ay heshiin laayeenna dalka ay ka badbaadin lahaayeen burbur iyo dagaalo sokeeye. Sidoo kale Xasan wuxuu qabay in islaamiyiinta Soomaaliya aysan qoriga qaadan burburkii ka dib, ee ay bulshadda ka qayb noqdaan, iyagoo aan hubeysnayn.

Sannadkii 2019 annigoo arday ah oo wax ka barta mid ka mid ah jaamacaddaha dalka Suudaan, waxaan booqday gurigga marxuun Dr. Xasan Al-Turabi kaas oo ku yaalay xaafadda Manshiya ee magaaladda Khartoum, waxaan halkaas ku soo arkay maktabaddiisii iyo masaajidkii uu inta badan iimaamka ahaa, isaggoo markii danbe loo magacdaray.

FIIRO GAAR AH: Maadaama ay maanta taariikhdu tahay 05- March- 2024 markaas oo ay ka soo wareegtay muddo sideed sanno ah markii uu geeryooday Dr. Xasan Al-Turabi, ayaan qorey qoraalkan kooban si uu u noqdo xus, xogta halkan ku qoran ma aha xogta dhameyska tiran ee Dr.Xasan Al-Turabi.

W/Q: Mohamed Indho
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.