Muqdishu (WDN) Waxaa maanta mar kale dib u dhac uu ku yimid kulankii Baarlamaanka Soomaaliya, oo lagu waday in saakay lagu qeybiyo Mooshinka ka dhanka ah xukuumada ra’iisul wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed.
Halkan ka DAAWO buuqii xarunta Baarlamaanka
Kulanka oo ay ka soo xaadireen Mudanayaasha Baarlamaanku, ayaa la sheegay in uu buuq ka dilaacay markale ka dib markii uu qolka shirka soo galay Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya sida ay WardheerNews u sheegeen qaar ka mid ah Xildhibaanada oo ku sugnaa goobta shirka.
Ka gadaal socoshada in mudda ah buuqa, ayaa ugu danbeyn waxaa halkaasi isaga laabtay Md Jawaari oo xal u waayay Joojinta murankaasi oo saacad wax ka badan qaatay.
Wararka qaarna waxa ay sheegayaan in mooshinka si aan sharci aheyn loogu qeybiyay Baarlamaanka, ka dib kulan xalay uu la qaatay Gudoonku qaar ka mid ah Baarlamaanka labada dhinac u kala jabay.
Ka hor qabsoomida kulanka la hakiyay ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa waxa si aad ah loo adkeeyay wadooyinka ku dhaw xarunta golaha, waxaana sidoo kale la arkaayay ciidan aad u tiro badan oo ka qeyb qaadanaayay sugida amaanka goobtaas.
Dhanka kale Bahda warbaahinta ayaa maanta kulanka waxa ay ka ahaayeen dibad joog, marka laga reebo warbaahita ku hadasha Afka dowlada.
Maxamed Nuur Amiin
WardheerNews Muqdisho
Leave a Reply