Dowladda Suuriya oo dib uga qabsatay mucaaradka magaalo muhiim ah

Dowladda Suuriya oo dib uga qabsatay mucaaradka magaalo muhiim ah

Mudsiho- Juun 04,2013:- Kadib dagaalo xoogaan oo isbuucyo dhexmarayay dowlada Suuriya iyo Mucaarad dalkaasi ,ayaa waxaa ugu dambeyn usuura gashay dowlada Suuriya in gacanta ay ku dhagto magaalo xuduudeedka Qusayr.

War kasoo baxay maamulka Bishaar Al-Asad ayaa lagu yiri”Ciidamadeena geesiyaasha ah ee udagaalamaya xoriyada dalkooda, waxay kala dambeyn iyo maamul dowladnimo kusoo celiyeen magaalada Qusayr”.

Magaalada Qusayr ayaa waxay ku taalaa xadka ay Suuriyo la wadaagato Lubnaan,iyadoona ciidan ahaan ah goob ku haboon saldhig Milatari .

Kooxaha mucaaradka Suuriya ayaa xaqiijiyay in ay isaga baxeen magalada Qusayr, kadib dagaalo isbuucyo qaatay oo ay lagaleen ciidamada daacada ah madaxweyne Bishaar Al-Asad.

Wali Suuriya waxaa kasocda dagalka u dhaxeeya dowlada iyo kooxaha diidan jiritaankeeda,xilli ay taageero balaaran la sheegayo in ay ka helayaan qaar ka mid ah dowladaha Carabta iyo Yurub,inkastoo Suuriya lagu eedeeyay in taageero ballaaran ay ka heleyso Ururka Xisbulaah ee ka dagaalama dalka Lubnaan.

WardheerNews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.