Friday, May 03, 2024
Wardheer News
  • Featured
  • Maqaallo
  • Slideshow

Khatarta ku Geedaaman Nidaamka Madaxtooyada ee la Soo Jeediyay

W/Q: Dr. CabdiNuur Sheekh Maxamed
Tarjume: Ibraahim Maxamed Abdulqadir (Shiino)

Qoraalkani waa isku day lagu iftiiminayo cakirnaanta soo jeedintii dib u eegista dastuurka  ee ay dhawaan 27/05/2023 soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) oo ka koobnaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, RW Xamse Bare, K/RW Saalax Jaamac iyo afar madaxweyne Dowlad-Goboleed oo kala ah,  Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Xuseen (Guudlaawe), Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qorqoor), Madaxweynaha Koonfur Galbeed, C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale). Kulankan ayaa waxaa ka maqanaa Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo markii dambe ka soo horjeestay soo jeedinta, iyadoo  maqnaanshihiisa la sheegay inay la xiriirto khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhexgalay isaga iyo Madaxtooyada Qaranka oo aan ilaa iyo hadda xal loo helin.

Arrinta sida gaarka ah u khuseeysa qoraalkaan ayaa diiradda lagu saarayaa soo jeedinta ah in dalka laga bedelo nidaamka Baarlamaaniga ah oo uu muddo ku shaqeynaayey loona gudbo hab madaxweyne. Marka dhawaqooda laga eego, labada nidaam ayaa u muuqda kuwo si fudud la isugu beddeli karo, hase ahaatee, kala duwanaanshahooda waxaa ku hoos qarsoon rabitaan awood badsi iyo in uu horaseedo xukun keli-talis ah.

Shirka Golaha Wadatshiga Qaranka (GWQ), 27 May, 2023, Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee jahawareerka siyaasaddeed oo ay keentay baaqan ka soo yeeray GWQ ayaa qoralkan ku saabsan yahay so loogu lafo-guro ku habboonaanta isbeddelka la doonayo in Soomaaliya laga sameeyo xilligan xasaasiga ah, iyadoo dib loo eegayo sidii ay horay ugu xalliyeen dowladihii Soomaaliya. Arrintani ma aha mid ugub ah ee waxaa hora uga soo doodday, meelna isla dhigay xukuumadihii hore, iyadoo dib loo eegay xaaladda bulsho ee dalka ka jirta, midda amniga iyo guud ahaan deganaanta siyaasadda dalka. Inta aynaan u guda-gelin ku haboonaanshaha nidaam kasta oo dawladnimo, aan dib u eegno muhiimadda weyn ee dastuurku u leeyahay bulshada. Ka hor inta aan la dhisin midnimo bulsho isku ujeeddo ah oo ay ka dhexeyso dhisidda dawlad ay ku mideysan yihiin, waxaa laysku raacaa qiyamka, caadooyinka iyo xeerarka bulshadu ay wadaagto  oo saldhig u noqda heshiis bulsho. Heshiiska bulsho oo sidoo kale loo yaqaan dastuur, ayaa wuxuu ka kooban yahay mabaadiida aasaasiga ah ee bulshada, sharciyada, xeerarka, caadooyinka bulshada iyo qaabkii ay kuwada noolaan lahaayeen. Sidoo kale, dukumeentigani wuxuu noqonayaa hage, khariidada wadadii la qaadi lahaa, iyo qaab-dhismeed ay gundhig u noqda siyaasaddaha, barnaamijyada iyo waxqabadka dowladda la wada leeyahay. Sidaa awgeed, madaxda qaranka iyo mas’uuliyiinta dawladda waxaa mar walba looga fadhiyaa inay si weyn u dhawraan heshiiska bulshada oo ah dastuurka oo ay caddeeyaan mowqifkooda sida ay uga go’an tahay ilaalintiisa, haddii la bedelaayana loo maro wado sharciga oggol yahay.

Nasiib darro, siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee hadda iyo kuwii horeba oo ujeeddooyin gaar ah wata ayaa si khaldan u sheega in Dastuurku yahay qoraal ay dad samayeen  oo aan muqadas ahayn, lagana maarmi karo. Waxay ku andacoonayaan in la bedeli karo haddii dastuurku haqab-tiri waayo baahida bulshada. Way dhici kartaa, laakiin in la fududeeysto ama lagu xadgudbo dastuurka oo aan loo marin hab sharci ah waxay keeni kartaa kalsooni darro, khilaaf iyo kala tag heshiis bulsho oo u dhexeeya deegaanada, beelaha iyo gobollada ay ka kooban tahay Dawladda Faderaalka ee Soomaaliya. Marka laga eego in dastuurka Soomaaliya uu yahay mid ku meel gaar ah, waxa ay u janjeersanayeen dowladdan iyo dowladihii ka horeeyayba in ay soo jeediyaan isbedello doorasho oo ay iyagu ka faa’ideystaan, ​​halkii ay si dhab ah u dhisi lahaayeen guddiyo dastuuri ah si ay u dhameystiraan dastuurka una gaarsiiyaan in lagu ansaxiyo afti-qaran.

Qaar ka mid ah taageerayaasha isbadalka la soo jeediyay ayaa ku dooddaya in horumarka Soomaaliya uu caqabad ku yahay nidaamka federaalka oo gacmaha ka xiraaya madaxweynaha, kaasoo khasbaaya in baarlamaanka uu ansixiyo dhammaan hawlaha dowliga ah iyo iyadoo culays aan loo baahneyn uga yimaado madaxweynaha hawl qabadkiisa, Raysal Wasaaraha ama madaxda maamul goboleedyada. Waxaa laga yaabaa in dadka qaarkiis aysan si fiican u fahamsaneyn in nidaamka federaalku uu yahay mid dastuuri ah oo lagu heshiiyey oo jiraya inta si sharci ah loo bedelo oo afti-qaran lagu diido ama lagu ansaxiyo. Dhanka kale, waxaad runtii isleedahay waxaa ka maqan saaxadda siyaasadda iyo midda dowladnimo bisayl siyaasadeed, dabacsanaan laysugu wado shacabka Soomaaliyeed iyo in la qiro sareeynta sharciga oo ah waxa isku haya bulshada Soomaaliyeed.

Marka la fiiriyo ku haboonaanta dalka ee labada nidaam, qaabka dawladdeed ee madaxtooyadu waa qaab ku salaysan mabaadiida kala qaybinta awooddaha fulinta iyo sharci dejinta. Nidaamkan, madaxwaynuhu waa madaxa qaranka, islamarkaana madaxa xukuumadda, isaga ayay hoos yimaadan maamulka awoodda dhaqalaha, kaas oo ka madax bannaan golaha sharci-dejinta. Run ahaantii, maadaama xafiiska fulinta uu gacanta ku hayo arrimaha miisaaniyadda dowladda, waxa la dhihi karaa golaha sharci-dejinta waxa si farsamaysan u maamula xafiiska fulinta. Nidaamkan, madaxwaynuhu waxa uu isticmaalayaa awooddo aan xad lahayn, haddii aan la ilaalin dastuurka oo lagu xadgudbo, wuxuu horseedayaa nidaam kelitalisnimo, kacdoon bulsho iyo xasilooni darro siyaasaddeed.

Dhanka kale nidaamka kale ee baarlamaaniga ah waa midka awoodda fulintu ay ka timaaddo baarlamaanka oo xadidaaya islamarkaana la xisaabtamaya golaha fulinta. Madaxweynuhu wuxuu magacaabaa Raysal Wasaare oo isna soo magacaabo gole wasiir isagoo wadatashi la sameeyey madaxweynaha, golaha shacabka iyo hoggaanka bulshada. Madaxweynuhu wuxuu saxiixaa oo sharciyeeyaa soo jeedinta golaha wasiirada oo ay ansaxiyaan golaha shacabka. Haddii madaxweynuhu oggolaan waayo soo jeedintaas, waxaa lagu sharciyeyn karaa oo keliya iyadoo 2/3 meelood xubnaha baarlamaanka ay u codeeyaan soo jeedintaas. Nidaamka Baarlamaaniga wuxuu leeyahay awooddo isu dheelitiran oo baarlamaanku sharci dejin kaliya kuma eka ee waa awood la mid ah midda fulinta iyo midda caddaaladda. Madaxweynuhu maadaama uu yahay madaxa dowladda waa ilaaliyaha dastuurka, aabaha dalka, oo difaaca nabadda iyo xasiloonida dalka.

Waxaa Soomaaliya maanta ka jira nidaam baarlamaani ah oo wax laga beddelay oo madaxweynaha “la doortay” uu yahay madaxa dawladda iyo Ra’iisal wasaaraha uu soo xushay oo ah madaxa xukuumadda, iyada oo ay jirto hay’ad sharci-dejin oo u badan xubno ay doorashadooda ay maalgelisay dowladda hadda jirta, siyaasiyiin kale ama dowladdihii ka horreeyay. In kasta oo Soomaaliya ay ku dhisan tahay nidaamka baarlamaaniga ah oo aan siduu yahay loogu dhaqmin, haddana waxaad moodaa rabitaanka dowladda in uu yahay in ay farageliso nidaamkii iyada lagu soo doortay, oo ay rabto in ay awooddo dheeri ah oo xubnaha fulinyta iyo sharci dejinta lahaayeen iyada la wareegto iyaddoo aan loo marin nidaam sharciyeeysan oo dastuurka waafaqsan.

Waxaa cajiib ah in GWQ soo jeediyo in dib u eegis lagu sameeyo dastuurka, iyadoo ay hawshaasi u tiilay barlamaanka oo fulintu aysan shaqo ku lahayn. Falka noocan oo kale ahi wuxuu muujinaayaa ujeedooyinka qarsoon ee ka dambeeya soo jeedintan.

Intaa waxaa dheer, waxaa muhiim ah in dib-u-eegis lagu sameeyo taariikhda Soomaaliya ee xornimada ka hor iyo ka dib, iyada oo markaasi ay soo baxayso in madaxda qaranku ay ku bahoobeen ayna mar walba doorbideen nidaamka baarlamaaniga oo ay u arkeen in uu ku habboon yahay dowladnimada Soomaaliya marka la eego xaaladda bulsho iyo dhaqan-siyaasadeedka dalka. Arrintan oo kale ah waxay dhacday markii la dhisay jamhuuriyadii ugu horreysay 1960kii iyo kadib shirarkii Carta, Djibouti iyo Mbagathi, Kenya ee dib u heshiisiinta ee sanadihii 2000 iyo 2004 siday u kala horreeyaan. Sadeexda goorba waxaa la isku raacay in dalku qaato nidaam baarlamaani ah iyadoo lixdankii awwodo dheeri ah la siiyey madaxweynaha. In la iska indho tiro tartanka siyaasadda qabaa’ilka Soomaaliya, taariikhda dagaalkii sokeeye iyo dowlad la’aantii soddonka sano ee la soo dhaafay waxay muujineysaa ismeermeerin, fudeyd  ama aqoondarro baahsan in ay jirto oo lagu iloobay wixii la soo maray iyo dhayalsiga ba’an ee arrimaha asaasiga ee lama dhaafaanka ah.

Madaxweyne Aadan Cadde iyo RW Cabdirashiid Cali Sharmaarke 1967/AFP images.

Marka dib loo milicsado qaabka ay u arkayeen siyaasiyiintii hore, waxay muhiimada ugu weyn siinayeen muwaadinnimada, isku duubnida qaranka, iyo midnimada. Taas oo keentay in la soo xulo nidaamka baarlamaaniga oo wax laga bedelay (modified) , iyadoo la siiyay madaxweynihii ugu horeeyay ee Mudane Aadan Cabdulle Cismaan awooddo dheeraad ah oo loo arkayay inay lagama maarmaan tahay xilligaas. Kuwaas oo ahaa awoodda magacaabista Raysal Wasaaraha iyo kala diridda xukuumadda iyo xubnaha Baarlamaanka. Madaxweynaha 1-aad Mudane Aaden Cabdulle Cismaan waxa uu caan ku ahaa jacayl dawladnimo, waxaana uu inta badan muujin jiray dabeecad madaxnimo (presidential temprament) oo lagama maarmaan u ah isku soo dhawaynta daadka Soomaaliyeed iyo midnimada qaranka, isaga oo inta badan iska ilaalin jiray in uu awooddahaas dastuuriga ah ee lagu soo kordhiyey uu adeegsado ama ku takri falo. Madaxweynaha 1-aad marna ma eryin Raysal Wasaarihiisa, mana kala dirin golihiisa shacabka inta uu xukunku hayay.

Halkan ka akhri qoraalka oo dhan: Khatarta ku Geedaaman Nidaamka Madaxtooyada ee la Soo Jeediyay

W/Q Dr. Cabdinur Sheekh Maxamed
www.dowladwanaag.org 

Tarjume: Ibraahim Maxamed Abdulqadir (Shiino)


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.