Waxaa wali gudaha Hotelka laga maqlayaa rasaas sida ay dadka deegaanka ku dhow hoteelka ay u sheegeen WardheerNews.
Dadka ku dhintay qaraxa ayaanan tiro sax ah laga hayn, hase yeeshee ilo wareedyo laga helayo goobaha caafimaadka iyo goobjoogayaal ayaa sheegaya in weerarka hotel Ambassador ay ku dhinteen in ka badan 30 ruux, halka ay ku dhaawacmeen dad gaaraya ku dhawaad 60 kale.
Dadka dhintay ayaa waxaa ka mid ah laba xildhibaan oo kala ah, Xildhibaan C/llaahi Jaamac Kabaweyne iyo Xildhibaan Maxamuud Maxamed Guure. kuwaas oo sida la sheegay lagu dilay gudaha hoteelka waxaana sidoo kale la sheegay in uu ka mid ahaa wiil la dhashay Xildhibaan Faarax Cabdulqaadir oo lagu magacaabo Cabdixamiid kaasi oo xiliga qaraxa marayay wadadaas.
Weerarka oo dhacay shalay maqribki ayaa waxaa uu ahaa mid ka mid ah kuwi ugu qasaaraha badnaa ee ka dhaca caasimada Muqdisho sanadkaan 2016-ka.
Ciidamada gaarka ah ee NISA ayaa goor dhow oo saaka ah soo afjaray howl galkii ka socday Hotelka Ambassador, halkaasoo shalay galab Al-Shabaab ay weerareen, iyadoo howl galka ka socday hotelka uu qaatay in ka badan 10-saac.
War ay baahisay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, ayaa sheegaya in la soo afjaray howl galka, isla markaana ay si guud ah ciidamada ula wareegeen ammaanka hotelka.
Sidoo kale saraakiisha laamaha ammaanka ayaa sheegay in qofkii ugu dambeeyay oo ka mid ahaa dableydii gudaha Hotelka ka dagaalamayay saaka la dilay, xaaladana ay tahay mid haatan degan.
Alsabaab ayaa sheegay in ay weerarkaasi ku dileen musuuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya iyo saraakiil ciidan sida ay baahisay Idaacada ku hadasha Alfa Ururka Shabaab ee Anduluus.
Maxamed Nuur Amiin
Wardheernews Muqdisho