Karaama Laawe Ba’an

W/T. Bashiir Axmed Gardaad 

Hordhac

Tixda hoos ku qoran danta laga leeyahay waa in dadka rajo la geliyo in dhibaatada COVID-19 oo ah mid baaxad weyn oo dhimasho iyo burbur wadata ay mar un dhammaandoonto, ayadoo benii aadamku kaashanaya taagerada Alle iyo maskaxdooda.

Koronafayrasow
Koofiyad weynow
Kaslaawe Daranow
Yaa ku keenay dunida?  
      

Kalacarar abuurow
Karaahiyo la hubow
Kala reeb ma gartow
Karaama laawe sow ma tihid

Keligi duulow
Kuman mayl jarow
Kurbo daran keenow
Kadab gooye sow matihid

Karkabo abuurow
Kalsooni laawow
Kimisna ma reebow
Adiga oo kale
Dhago kumaannu maqal
Indhana kumaannu arag
Ee kaafir sow ma tihid

Kibir badan la kufow
Kuduudshe dilaa ahow
Kaslaawe xumoo
Kibir badan sow matihid  
      

Kalab aan naxaynoo
Karaama diid ah
Mar kaca marna kufa
Oo kas yare ah sow matihid

Kas maqabe waalanoo
Karbaash la ordaya
Kolna aan garaneyn
kifaaya weeyee
ka yaree kurbada
oo kas yare ah sow matihid

Kasmadaada kooban
Kuuma suurogelin
Inaad kor eegto
Oo ku fakarto
Kurbadaad abuurtay
kifaaya matahay

Taas haddaad kasi weydey
Kaalma weyne Alle
Annagoo cuskanaynna
Mar uun baannu kicin
Kaarkaaga ka biskoon
oo ku ciribtirin

Bashir A. Gardaad
Email: laamo55nabdood@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.