W. Q. Mustafa Fayruus
Gogoldhig
Waa qormadii 4aad ee aan ku milicsanayno mabaadiida iyo qiyamka tiirarka uu uga dhigay Nebi Maxamed NNKH dhismaha “ummad” iyo “dawlad”. Waxay ku cad yihiin Quraanka Kariimka iyo Axaadiista Nebiga NNKH, siiraduna si “camali” ah ayay u muujisay. Maantana aan milicsanno raacidda “Asbaabta guusha & horumarka nolosha”, oo ka mid ah tiirarka uu Nebi Maxamed NNKH seeska uga dhigay dhismaha Dawladdii Madiina.
Xeerarka nolosha
Jahliga waxaa lagaga baxaa cilmi, cudurkana daawo, gaajadana cunto, harraadkana wax la cabbo… La imaanshaha asbaabtu waa hannaanka Ilaahay SW koonka u dejiyay, noloshuna ku socoto. Waa waddooyin ciddii raacdaa ay ku aroorayso natiijadooda. Waa waxa culimada muslimiintu ay ku magaacaabaan “الأخذ بالأسباب”.
Markaan u kuurgalno Siirada, Nebigu NNKH wuxuu aad ugu dadaali jiray la imaanshaha asbaabta guusha iyo horumarka, saxaabadana wuu ku barbaarin jiray. Aan tusaale u soo qaadanno “tayada” iyo “qorshe wanaagga iyo is maqalka” oo ka mid ah asbaabta ama waddooyinka loo maro guusha & horumarka. Aan milicsanno labadii dagaal ee Badar iyo Uxud, iyo Aayadihii Quraanka ee ku soo degay.
Badar: Tayada qofka iyo waxqabadkiisa
Qiyaastii ilaa saddex jeer ayay ciidanka Mushrikiintu ka badnaayeen, qalab ahaanna ka sarreeyeen Muslimiinta. Haddana Muslimiinta ayaa dagaalkii Badar ku guulaystay!
Tolow sababta guushani maxay ahayd?!
Waxa markiiba si fudud laysu moodsiin karaa in sababta guushu ay ahayd inay “Muslimiin” yihiin oo keliya! goob kasta oo Muslimiin iyo cadawgoodu isaga hor yimaaddaanna ay Muslimiintu guulaysanayaan, si kasta oo looga tiro ama hub badan yahay.
Si ismoodsiiskaas iman kara meesha looga saaro, ayuu Ilaahay SWT ku baraarujiyay sabab ka mid ah “sababaha guusha”, ayna dhici karto inayba tahay tan ugu muhiimsan. Sababtaasi waa “Tayada ciidammada”. Aan dhuuxno labadan Aayadood oo Badar ku soo degay:
{ يَا أَيُّهَا النَّبِيُّ حَرِّضِ الْمُؤْمِنِينَ عَلَى الْقِتَالِ ۚ إِن يَكُن مِّنكُمْ عِشْرُونَ صَابِرُونَ يَغْلِبُوا مِائَتَيْنِ ۚ وَإِن يَكُن مِّنكُم مِّائَةٌ يَغْلِبُوا أَلْفًا مِّنَ الَّذِينَ كَفَرُوا بِأَنَّهُمْ قَوْمٌ لَّا يَفْقَهُونَ (65) الْآنَ خَفَّفَ اللَّهُ عَنكُمْ وَعَلِمَ أَنَّ فِيكُمْ ضَعْفًا ۚ فَإِن يَكُن مِّنكُم مِّائَةٌ صَابِرَةٌ يَغْلِبُوا مِائَتَيْنِ ۚ وَإِن يَكُن مِّنكُمْ أَلْفٌ يَغْلِبُوا أَلْفَيْنِ بِإِذْنِ اللَّهِ ۗ وَاللَّهُ مَعَ الصَّابِرِينَ (66)} الأنفال: 65-66
Aayaduhu waxay sheegayaan marka Muslimiinta tayadoodu sarayso in askarigiiba u dhigmayo 10 askarta cadawga (boqolkii waxay u dhigmayaan kun); haddiise tayadoodu liidato, askarigiiba wuxuu u dhigmi karaa laba askari oo cadawga ah (boqolkii waxay u dhigmayaan laba boqol).
Waxaa la qeexay xiriirka ka dhexeeya “tayada” iyo “waxqabadka”; markii tayadu kororto waxaa la kordhaya guusha ay dhalin karaan, haddiise tayadu hoos u dhacdo waxaa la dhinmaya guusha ay dhalin karaan. Tayada iyo guusha waxaa ka dhexeeya xeer xisaabeedka “Saamigal toosan – Direct proportion”.
Tayadu waxay ka mid tahay sababaha guusha iyo horumarka lagu gaaro. Cid kasta oo tayadeeda kobcisaana waxay mudan tahay inay gurato miro u dhigma.
Uxud: Fulinta qorshe wanaagsan
Sannadkii 3aad ee Hijrada waxaa Dawladdii Madiina ku soo duulay ciidan xoog leh oo Mushrikiintii Reer Maka ah. Cadawgii waxaa loogu baxay Buurta Uxud oo Madiina duleedkeeda ah. Rasuulku NNKH qorshe ayuu u dejiyay dagaalka, ciidankana waxaa la kala dejiyay aagagga ay ka dagaal geli lahaayeen. Wuxuu ciidanka ka soo xulay 50 qaansaley ah, wuxuuna dejiyay gunbur dusheed; waajibkoodana wuxuu ka dhigay inay ciidanka dhabarka ka difaacaan, oo fallaaraha ku waabiyaan fardooleyda cadawga ee dhabarjebinta maagan. “Haddii aan adkaanno iyo haddii nagala adkaadaba ha ka soo degina goobtiinna… inaan farriin idiin soo diro maahane” ayuu ku adkeeyay Nebigu NNKH.
Waxaa laysaga hor yimid dagaal aad u kulul, waxaana la jebiyay ciidankii Reer Maka ee soo duulay. Deedna qaansaleydii Muslimiintu waxay dooneen inay qaniimada la furtay qaybtooda ka doontaan, badankoodii aaggii lagu ogaa way ka baxeen, waxaa kaga haray toban qof keliya (Waxaa baxay 80%).
Ciidankii cadawgu markiiba way ka faa`iidaysteen fursaddan, fardooleydii ayaa weerar dhabarjebin ah soo qaaday, dushana kaga yimid ciidankii Muslimiinta, deedna u habarwacday ciidankoodii sii jabayay. Tani Muslimiintii filanwaa ayay ku noqotay, dhabarkoodiina wuu feydmay, qorshihii dagaalkuna wuu ka murgay.
Dagaalkan dhibaato culus ayaa muslimiinta ka soo gaartay, Nebigana NNKH dhaawacyo ayaa jirkiisa loo gaystay.
Cabaar ayay ku qaadatay inay Muslimiintu dib isu abaabulaan, goobtoodiina xajistaan.
Haddaba, sababta dhibaatadani maxay ahayd?
Fulinta qorshe wanaagsan
Sidaan qormadii 2aad ku soo marnay, Nebiga NNKH waxaa la qumanayd in difaaca laga galo Madiina gudaheeda; wuxuuse raacay ra`yigii aqlabiyadda oo ahaa in dibadda loogu baxo. Natiijadii dagaalku waxay noqotay in dhibaato culus ay Muslimiintii soo gaartay. Halkan waxaa iman kara ismoodsiis ah in la eeday talada guud ee la baahiyay!
Dagaalkan waxaa ku soo degay aayado ka mid ah suuradda Aal-Cimraan, oo si cad u qeexay sababta dhibaatada, meeshana ka saaray ismoodsiiskaa iman karayay; waxaana ka mid ah Aayaddan:
{ وَلَقَدْ صَدَقَكُمُ اللَّهُ وَعْدَهُ إِذْ تَحُسُّونَهُم بِإِذْنِهِ ۖ حَتَّىٰ إِذَا فَشِلْتُمْ وَتَنَازَعْتُمْ فِي الْأَمْرِ وَعَصَيْتُم مِّن بَعْدِ مَا أَرَاكُم مَّا تُحِبُّونَ ۚ مِنكُم مَّن يُرِيدُ الدُّنْيَا وَمِنكُم مَّن يُرِيدُ الْآخِرَةَ ۚ ثُمَّ صَرَفَكُمْ عَنْهُمْ لِيَبْتَلِيَكُمْ ۖ وَلَقَدْ عَفَا عَنكُمْ ۗ وَاللَّهُ ذُو فَضْلٍ عَلَى الْمُؤْمِنِينَ} آل عمران: 152
Waxaa si cad loo sheegay in amarkii Rasuulka NNKH ee ay jebiyeen uu dhalay dhibaatadan culus ee soo gaartay.
Ilaa laba jeerba si cad ayaa loo jebiyay qorshihii dagaalka. Markii ciidanku Madiina ka soo baxay, ee la qaabaynayay qaabka hawlgalka, Cabdullaahi Ibn Ubay ayaa ciidankii khilaaf weyn geliyay; wuxuu dib ula noqday 30% ciidankii, kuwo kalena way sigteen oo tashwiish ayaa ku furmay. Marka labaadna waa in guutadii qaansaleyda ahayd ay banneeyeen aaggii ay ku jireen, taasi oo keentay in qorshihii hawlgalku ka kala daato Muslimiinta, awooddoodii ku dhisnayd xeeladda iyo xirribtuna wiiqanto.
Inkastoo cadawgu ka tiro iyo qalab badan yahay ku dhowaad shan jeer, haddana, sababtii Muslimiintu ay guusha ku gaareen wareegga koowaad ee dagaalku wuxuu ahaa “qorshe wanaag iyo is maqal”. Markii taasi wiiqantayna waxaa la wiiqmay guushii.
Qorshe wanaagga iyo wada shaqayntu waxay ka mid yihiin sababaha guusha iyo horumarka lagu gaaro. Ciddii sababtan la timaadda ayaa mudan inay gurato midhaheeda.
Gabaggabo
Asbaabta guusha iyo horumarka lagu gaaro waxaa ka mid ah “tayada” iyo “qorshe wanaagga iyo wada shaqaynta”, ciddii raacda ayaana gurata midhaheeda. Sidaas darteed, Ciddii la timaadda asbaabta horumarka iyo qiyamka wax dhisaa waxay ku naalootaa nolol horumarsan; ciddiise ka baaqsataa waxay ku hagaastaa nolosha, waxayna weheshataa silic iyo saxariir.
Nebigu NNKH wuxuu dhisay ummad wacyi leh, kuna hubaysan qiyamka iyo habdhaqanka (attitude) ugu habboon ee lagula falgalo nolosha; ummad ku raacaysa “Asbaabta guusha & horumarka nolosha”. Sidaas ayuu seeska ugu dhigay nolol habboon iyo xadaarad Aadanaha anfacda.
Waa innoo qormada 5aad, oo ugu dambaysa taxanahan, iyo mid kale oo ka mid ah mabaadiida iyo qiyamka uu Nebi Maxamed NNKH ku dhisay dhismaha ummadda iyo dawladnimada.
Mustafa Fayruus
Email: mustafasom@hotmail.com
Mustafa Fayruus waa qoraa, cilmibaare iyo bare jaamacadeed ka tirsan xarumo cilmiyeed dhowr ah.
Leave a Reply