Tuesday, May 21, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Opinion
  • Slideshow

Kala Miirka Maah-maah iyo Odhaah, Gabay iyo Hees

W.Q. Ibraahim M. Deeq

Bur-burkii ummadda Soomaaliyeed 1991kii haleelay waa mid saamayn weyn dhinac walba oo nolosheena ku saabsan ku yeeshay, oo waxaad mooddaa in ay wax inoo cayntayba iska yar yihiin. Wixii badbaaday xitaa calaw baa ka muuqda oo jiritaankoodii macnawi iyo adeegsigoodii ka faa’iidaysiba qalooc iyo maroor baad mooddaa inuu tuuro aanay lahaan jirin u tabcay. Murtidii afka Soomaaligu qaniga ku ahaa ee xigmadda culus huwanayd, ayaad arkaysaa tii oo nuxurkii miisaanka u yeelayey laga xayuubinayo oo si qaab daran werinteeda iyo isticmaalkeeda loo macno tirayo.

Sida la isugu cayn iyo bayd gooynayo maansada Soomaalida oo gabayga iyo heesta madaxa la isugu gelinayo, ayaad arkaysaa iyadoo maah-maahyada, odhaahyada iyo murtida kale la isugu khaldayo. Maah-maahyadii ayaa la isku murjiyey. “xoorkii laga dhamay xagaagii, iyo xusuus baa geela lagu xer geeyaa” maah-maah ma aha ee waa halqabsi odhaaheed dhaqaalaynta geela ku saabsan oo daaq geyntiisa lagu dhiiri geliyo. Waxaase maah-maah ah: “anigoo taahaya ayeey weyli igu joogsatey”, “dad iyo duurba wax aadan filayn baa kaaga soo baxa”, “hal libaax arkaysaa ma godlato” IWM.

Waxaa kuu muuqanaya kuwo odhaahyadii caadiga ahaa ee halqabsiga loo isticmaali jirey maah-maahyo ku tilmaamaya. Odhaahdu waa hadal kooban oo habdhac iyo qiso ka dambaysa leh oo ay dadku ku halqabsadaan oo halhays la isu tebiyo noqda.

Maah-maahduna waa murti leh xaraf ay ku socoto iyo habdhac ay xigmad buuxdaa ku qarsoon tahay. Maahmaahdu micne muuqda iyo mid ku qarsoon oo ujeeddooyin balaadhan koobaya ayeey ku xigmadaysan tahay.

Haddii labadaas macne iyo habdhaceeda laga waayo maahmaah ma aha ee ama waa hadal caadi ah amase waa hees ama waa halhays iyo murti kale IWM.

Odhaahyadan soo socda qoraa Soomaaliyeed baa in ay maah-maahyo yihiin u diiwaan geliyey, mana aha ee waa odhaahyo iyo halhaysyo lagu halqabsado:

-Waxaasi waa calaacasha oo timo ka soo bexeen.
-Bakhtiga ma cunee fuudkiisaan cabbaa iyo
-Marna taagtaa, marna tamartaa.

Waa in aynu ku baraarugnaa in ay halhaysyadani yihiin odhaahyo lagu halqabsado ee aysan ahayn maah-maahyo.

Qofka Soomaaliga ah ee inta uu is xilqaamo damca inuu ummaddiisa wax u qoro, waa in uu ogaadaa in dadaalka looga baahan yahay uu yahay mid wax soo kordhinaya ee aan laga filayn mid ummadda uga sii daraya.

Haddaba, haddii aad wax aan maahmaah ahayn aad maahmaah ku sheegto, murtida Soomaaliyeed waxba maad tarin ee indhaha ayaad ka riddey. Bal ila dhugo waxa maah-maah laga dhigay ee bulshada lagu dhex faafiyey: “war indhaa dhaama; waa awr heeryadiisii cunayo oo kale iwm”

Marka aad sidaas wax u soo bandhigto ogoow wax baad isku qalabaa gedidey oo wixii hore u jirey maad dhawrin, adiguna waxba sooma aad kordhine, waxaad tahay ka sii dare uga sii daray murtidii Soomaaliyeed, Qalooca aad geliseyna waa mid tuur iyo turaanturo aanay xigmadda Soomaaliyeed lahaan jirin u yeelay oo sawir xun maahmaahda Soomaalida ka bixinaya.

Waa kaas hebel oo waa nin culus oo bulshadu tixgelin ugu hayso buug uu murtidooda ka qoray; laakiin marka gudaha buugga iyo waxa uu ku raran yahay loo dhaadhaco waxaa soo baxaysa in uusan qoruhuba maahmaah iyo odhaah kala aqoon, gabay iyo hees kala garanayn ee uu qalin salaaftiisa qaba uun wax qoris aan aqoon ku salaysnayn kula orday.

Bal waxa ay maahmaah nooga dhigeen ragga qaar ila dhugta, xitaa odhaah lagu halqabsado iyo halhays midna ma aha: “Dhacdaye miyaa la leefi, been, beelo kuma negaadaan, askari xanaaqay waa ciir faadhay”

Maahmaah ma aha oo odhaah ma aha waayo wax ku qarsoon oo macno samaynayaa kama muuqdaan.

Waxaa kaloo jira odhaahyo qaabka loo qoray ay nuxurkiiba ka qaadday: waxaynu naqaaney: “muluca caruurtu cayaar bay u dishaa isagana waa ka naf” mid halkan ahina wuxu qoray: “bisad waa ka ciyaar, jiirna waa ka naf” bal meeshan day! bisaddu markay jiirka dilayso ciyaari maysee cuno maalmeedkeedii bay ugaadhsanaysaa oo hilib midkii ay ugu jeclayd bay bursanaysaa si ay u shidhaysato.

Waxaynu naqaaney: “maan rag waa mudacyo afkood” waxay u qalabaa gediyeen: “male rag waa mudacyo afkood”.

Isku soo xooriyoo, saaxiibayaal murideena iyo maahmaahyadeenu marka sida dhabta ah la isugu tebinayo way macaan yihiin, wayna faa’iido badan yihiin. Waa haddii sida asalka ah loo soo bandhigo oo sida aan soo sheegnay aan kurtumo loo yeelin. Marka si qaab daran loo kurtumeeyana waa kharaar aan wax faa’iido ah lahayn oo weliba mustaqbal xun murtida u horseedaya.

Dhinaca kale, si aynu u kala saafno gabayga iyo heesta oo iyagana beryahan madaxa la isula dhacay aan tusaale u soo qaadanno markii uu Cali Dhuux lahaa:

* Nin gu’ yari garaadkii ba’yoow waa gefaa talo’e

* Guxuushaagu wuxu soo baxshaa tii garraadda lahe

* Waayeel guddoonsaday tashiga waa gorgoryaaye

* Gagise waa xun tahay xaajadii garawsho weeydaaye

* Hal gabaday nin uun baa gartee geela igu siiya.

Tixdani waa gabay ee hees, jiifto, geeraar iyo guurow midna ma aha. Waa gabay, gabayguna waa hormuudka maansada u boqran ee ugu qiimaha iyo qaayaha badan; xigmado lagu halqabsado, hadal iyo hawraar hannaanka nolosha la isugu tebiyana laga helo.

Sidoo kale, kolkii uu abwaankeena weyn ee Hadraawi Alle ha xafidee lahaa:

* Hibooy ratigeenu

* Markuu hinqan waayo

* Ayaan huri waaga

* Haleel cuskadaaye

* Habayn ma wadaagno.

Ma gabyin, mana geeraarin ee wuu heesay. Waana hees ee gabay iyo geeraar midna ma aha.

Maansada Soomaaliduna waxay u qaybsantaa qaybo kala duwan oo leh qaabab iyo dawyo ay ku kala arooraan ee ay mid waliba meesheeda qiimo iyo qaayo loo muhdo ku leedahay.

Waxyaabaha iminka soo ifbaxaya waxaa ka mid ah in ay socoto dabayl wax alla wixii maanso ah ee la tiriyaba gabay ku magacaabaysa.

Arrintan aqoon darro oo keli ahi ma keenayso ee waa mid ay rag waaweyn oo suugaanyahanno ahi, u badheedhaan oo iyagoo garanaya hees ay sameeyeen aad arkayso iyagoo gabay ku magacaabaya. Waana khalad iyo gef haddii aan jiilka hadda odayaasha ahi, aanay wax ka qaban u sii gudbi doona bulshooyinka mustaqbalka soo socda sii jiri doona.

Waxaa jira meerisyo laga helo maansada qaar oo xigmad culus oo aan maah-maah ka liidan ku murtiyeysan. Waxaa ka mid ah:

-“Nin yaraan ku loofaray wuxuu lumiyey raacdeeye” “Salaan Carabey” .

-“Ragoow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado” “Ismaciil Mire” .

-“Rag caddaalad waayaa sidii cawsha kala yaacye” “Cali Dhuux” .

-“Baadida nin baa kula daydaya daala kaa badane, oo inaad heshana doonahayn daa’in abidkiiye” “Qamaan Bulxan”.

-“Inta maanku gaajaysan yahay guuli waa weli” “Hadraawi”.

-“Nin wax diidayoon wadin
Wax kaluu ka door biday
Wuxu doonayaan jirin”Gaariye”

Dhammaan meerisyadaasi waxay ku dhisan yihiin xigmad, xaqiiqa jirta ka turjumaysa oo si cad u fasiraysa. Macne muuqda iyo mid qarsoon oo sidii la doono iyo ujeeddooyin badan loo adeegsan karo ayeey huwan yihiin. Waana xigmad raggii bixiyey la yaqaan oo gabay uu hebel la yaqaan mariyey ku aroorta.

Halka u dambaysa qoraaga Soomaaliyeed ee ixtiraamka iyo sharafta naga mudani, inta uusan murtida soo ban dhigin baadhisteeda iyo sugnaanteeda ha ka gun gaadho oo wakhti ku filan oo wax tar u ah ha siiyo, haddii kale wixii qalooc ka muuqdo ee uu soo bandhigaa waxay fasir khaldan ka bixinayaan xigmadda meel marka ah ee afkeena hooyo ee ha ka aalo.

Wax waliba murti bay leeyihiin lagu macneeyaa.

W. Q. Ibrahim M Deeq
Boston
[email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.