Kala Gaar: Degelada Soomaalida

Kala Gaar: Degelada Soomaalida

W/T Abwaan Faarax Cali Gammuute

Odhaahda Tifaftirka: Muddo 10 sano laga joogo oo ku beeganayd 23 Nofember ayaa udubada loo taagay degelkan WardheerNews. Xuska munaasabbada oo todobaadkan socon doonta haddii Eebbe idmo, ayaa waxa qoraalo ku aadan munaasabadan iyo guud ahaan aragitida warbaahinta Soomaaliyeed nala wadaagay Abwaano iyo qorayaal Soomaalida dhexdeeda caan ka ah iyo akhristeyaasha ku taxanba.

Haddaba waxa aannu ugu horrayn idiin soo gudbinaynaa maanso uu munaasabadda toban guurada ugu talogalay Abwaan Faarax Cali Gammuute. Maansadaas oo magaceeda la yidhaa Kala Gaar, baddeeduna tahay Dhaanto waxay tidhi:

Gar waa la naqaa lib lama gado
Qofkuu xilku gubo ayaa gudan
Salaan gacal iyo gob lagu soor
Guddoonka Wardheer u gaalgaal
U soo godol xoor guyaadley

Mareegaha gurux gondaha daya
Haddaan u gilgilay gun iyo baar
Dar baa gudcur dama ka sii guday
Dar baa gudhayoo gabaabsiyay
Dar baa hadba gaw u geeddiya
Dar baa gabi-dhaca la gees jaban
Gadiidka dar baa giblada tuman
Dar baa galli madhan ku yidhi gabax
         

Dar baa siba gelin u raad gadan
Gurtiyo midigtana ku laba gura
Dar baa gabal dumay gawaan raac
Garmaamada taabka sii ganay
Cidliyo gabadano gaboodsaday
         

Dar baa guba looga geed jaray
Hoguu gungumaha il galaclayn
Gadaafada shalay ku gaasiray
Dar baa hadba gacanta sii galin

Biyuhu godonkay ku gororaan
Odhaahduna waa gantiyo gobo’
Dhirtaa gombosh iyo galoolba le
Gabniyo madi geel la garay
Gammaankuna orod ku kala gaar
Wardheer gole dhawrsan loo gaaf

Faarax Cali Gammuute
E-Mail: farahgamute@gmail.com 

————-

Maqaallo hore oo la xidhiidha Mawduuca :

WardheerNews war ma hayso oo qudha!!! W/Q Cabdillaahi Cawed Cige
Geeddiga Hore u Wada…! W/Q Dr. Maxamed D. Afrax
The 5th Anniversary WardheerNews.com By Rashid Yahya
Higher Accolade for WardheerNews By Roob Doon Forum
WardheerNews at Five By Dr. Said Samatar
Warku ha sii faafo W/Q Dr. Georgi Kapchits
War la helaa talo la helaaW/Q Cabdiraxmaan Barwaaqo
War Baa u Gaajo Badan!By Maxamed Baashe X. Xasan
Congratulations to WardheerNews By Dr. Ali Bahar

Media, Media Everywhere, But Only Few That Play Their Role By Nur H. Bahal
Bravo WARDHEERNEWS!The leading light of the Emergent Somali .. By Sii’arag
“Who are these guys anyway?” By Yasmeen Maxamuud

WardheerNews leaves Anna Waa-i-Kan websites in the trail By Bashir Goth
WardheerNews: Ahead of its time By Rashid Yahya Ali
WardheerNews dot Com: Mature at Infancy By Ismail Ali Ismail
Happy Anniversary “WardheerNews” By Ali Gulaid
WardheerNews: Please stay gold and true to justice By Sadia Ali Aden

Leave a Reply

Your email address will not be published.