Tuesday, March 19, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

JWXO oo Bayaan Ka Soosaartay Shirkii Uga Socday Magaalada Qabridahare

Kalfadhigii 2aad ee Golaha Dhexe ee Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya (JWXO) ayaa ka qabsoomay magaalada Qabridahare ee Xarunta Gobolka Qorraxey intii u dhaxaysay 15 – 21/04/2019.

Kalfadhigan oo ay ka soo qayb galeen ergooyin ka socda dhammaan bulshada Gobolada uu dalka Soomaalida Ogaadeenya ka kooban yahay oo ay ka mid ahaayeen hoggaamiye dhaqameedyada, Aqoonyahanka, Culimaa’udiinka, Kaadirka JWXO, Ururrada haweenka iyo dhalinyarada, xubnaha Golaha Dhexe iyo Guddiga Fulinta ee JWXO.

Waxaa kale oo ka soo qayb galay marti sharaf ay ka mid ahaayeen Madaxwayanaha Dawlada Deegaanka Soomaalida mudane Mustafe Muxumed Cumar iyo qaar ka mid ah golihiisa wasiirada, xubno ka socday dawladda Federalka ah, Xisbiga talada deegaanka haya ee SDP, Xisbiga SRDA, ururka OLF, Ginbot 7, xisbiga caddaalada iyo sinaanta & ergo ka socotay haya’ada caalamiga ah ee Counciliation Resources (CR).

Kalfadhigan muhiimka ah waa midkii ugu horreeyay oo si xor ah loogu qabto wadanka gudihiisa 26-kii sano ee u dambeeyay.

Kalfadhigu wuxuu tixgalin iyo mudnaan gaar ah siiyay talooyinkii ay soo jeediyeen dhammaan ergooyinkii iyo marti sharaftii ka soo qayb galay Kalfadhiga.

Waxaa sidoo kale tixgalin gaar ah la siiyay talooyinkii ay soo jeediyeen Kaadirka JWXO ee ka qayb qaatay qaybihii hore ee Kalfadhiga.

Kalfadhiga waxaa si qodo-dheer loogu falanqeeyey ajandayaal mug-wayn oo xasaasi ah, waxaana ugu muhiimsanaa kuwan soo socda;

1. Midaynta shacabka Soomlaaliyeed.

2. Qiimaynta isbadalada ka socda geeska Afrika, gaar ahaan isbadallada sida xawliga ah uga socda Itoobiya.

3. Xoojinta hadafka ururka iyo ballaadhita saldhiggiisa shacbi.

4. Qiimaynta xaalada dhaqan-dhaqaale ee dhabta ah ee ka jirta dalka iyo arrimaha la xidhiidha khayraadka dabiiciga ah.

4. Dajinta barnaamijka siyaasadeed iyo istaratiijiyada guud ee JWXO ee mudada dhaw, dhexe iyo midda fogba.

5. Dib u-eegidda iyo ansixinta xeerarka kala duwan ee ururka.

6. In kor loo qaado heerka abaabulka iyo wacyigalinta shacabka Soomaalida Ogaadeenya, Gude iyo Dibadba, iyadoo la adeegsanayo xirfad, aqoon iyo nidaamka nabadgalyo.

Kalfadhigu waxa u si qodo-dheer oo mug wayn u falanqeeyay qodobada kor ku xusan wuxuuna ka gaadhay go’aamo dhaxalgal, isagoo bixiyay tilmaamo ku haboon marxalada lagu jiro.

Kalfadhiga waxaa ku lammaansanaa Shirwayne aan caadi ahayn oo ay ka soo qayb galeen xubnaha ururka oo dib u-habayn loogu samaynayay ururka, si loo buuxiyo shuruudaha diiwaan galinta.
Kalfadhigu wuxuu hoosta ka xarriiqay in ay midnimada shacabka Soomaalida Ogaadeenya tahay muqadas iyo inay muhiim tahay hanashada guusha iyo xaqiijinta himilooyinka shacabka Soomaalida Ogaadeenya.

JWXO waxay isu diyaarisay geedi galinta halgan nabadeed oo xaqiijinaya higsiga ummada Soomaaliyeed, iyada oo dhisi doonta bulsho mid ah iyo nidaam dawladeed oo karti u leh buuxinta filashada shacabka Soomaalida Ogaadeenya, sida ku cad barnaamijka siyaasiga ah ee JWXO.

JWXO waxay u taagan tahay difaaca iyo ilaalinta xaqa ay shucuubtu u leeyihiin inay aayahooda ka tashadaan, sida uu dhigayo nidaamka federaalka ah ee dalka ka jira.

Kalfadhigu wuxuu go’aamiyay in muddo 4 bilood gudohood ah lagu qabto Shirwayne Qaran, kaasoo lagu dajin doona qorshayaal cad-cad, laguna ballaadhin doono ururka JWXO iyo hay’adihiisa hoggaamineed, si loo taabo-galiyo, loona tayeeyo u adeegidda danta shacabka deegaanka Soomaalida.

Wuxuu sidoo kale Goluhu bogaadin u soo jeediyay shacbiga geesiga ah ee Qawmiyadda Somaliyeed, oo u dhabar adaygay xasuuqii iyo xadgudubyadii bani’aadamnimada ka baxsanaa ee dawladda itoobiya u gaystay, kuna mintiday sidii ay himiladooda u gaadhi lahaayeen, xaquuqdooda kalana u heli lahaayeen.

Waxaa kaloo ammaan loo soo jeediyay Jaaliyadaha dibada oo qayb libaax ka qaatay halganka shacabka Soomaalida Ogaadeenya.

Kalfadhigu wuxu bogaadiyay wada-shaqaynta ka dhaxaysa JWXO iyo maamulka dawlad deegaanka Soomaalida, isagoo dhiiri galiyay sii xoojinta wada-shaqayntaas.

Wuxuu Kalfadhigu ugu baaqayaa dawladda Federalka ee Itoobiya, dawlad deegaanka Soomaalida iyo ha’yadaha caalamiga ah in ay si deg-deg ah ula soo gaadhaan daryeel dadkii ku waxyeelloobay halganka mudada dheer socday, dadkii xasuuqa iyo xadgudubyada loo gaystay iyo dadkii deegaanadooda laga bara-kiciyay.

Kalfadhigu wuxuu soo dhawaynayaa isbadalka dimoqraadiyadeed ee billowga ah ee Itoobiya ka curtay, kaasoo uu hurmuud ka yahay ra’isul-wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed.

Canbaarayn
kalfadhigu markuu dhagaystay warbixino iyo xogo kala duwan wuxuu cambaareeyay cid kasta oo doonaysa in ay hor-istaagaan ama ay dib u celiyaan isbadallada ka curtay dalka, gaar ahaan deegaanka Soomaalida.

Midnimo, Mintid, Iskutashi, Guul.

Golaha Dhexe ee JWXO
April 21, 2019.

Qabridahare, Qoraxay.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.