Muqdisho (Muqdisho)- Xaaladdo bini’aadanimo oo aad u adag ayaa laga soo sheegayaa gobolka Jubbada Dhexe ee maamulka Jubbaland, halkaasi oo saamaysay abaar aad u daran.
Waxaa xaaladda sii adkeynaya gacan ku haynta kooxda Alshabaab oo inta badan deegaanadaasi ka taliya, taasi oo meesha ka saareysa in wax gargaar ah la gaarsiiyo.
Maamulka Jubbaland ayaa ka digey in gobolkaas uu wajahayo xaalad macluul ah, mana jirto wax gurmad ah oo loo fidiyey dadka deegaankaas, oo ku nool xaalad bini aadanimo oo aad halis ah.
Maamulka Jubbaland ayaa ugu baaqay dawladda federaalka iyo hawlgalka ATMIS in la dadajiyo hawlgalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab ee gobolkaas ka taliya, si loo samata bixiyo bulshada abaartu waxyeeleysay.
Gobolka Jubbada Dhexe ayaa ka mid ah gobolka sida aadka ahi u saamaysey abaaraha ka jira Soomaaliya ayadoo bulshada gobolkaas noloshoodu ku tiirsantahay beeraha iyo xoolaha, muddo dhawr sano ahna wax roob ahi kama di’in.
Dhinac kalena Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta deeq raashin oo ka timid dalka Isutaga Imaaraadka Carabta, oo la soo mariyey Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka u qeybiyey qoysas dan yar ah oo ku nool magaalada Muqdisho, kuwaasi kasoo hayaamay deeganadoodii oo ay ku dhufteen abaaraha ba’an ee dalka ka jira.
![](https://wardheernews.com/wp-content/uploads/2022/06/Barakacayaal-Raashin-Muqdisho.jpg)
Ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir dhanka arrimaha bulshada marwo Basma Caamir Axmed, ayaa deeqdaan gaarsiisey qoysaskan oo ku nool kaamam ku yaalla magaalada Muqdisho, waxayna sheegtey in maamulka ku hawlanyahay sidii ay u gacan qaban lahayd barakacayaasha kusoo qulqulaya gobolka Banaadir ee abaaraha kasoo cararaya.
Gobolka Banaadir ayaa ah meesha ugu badan ee ay nolosha kasoo raadiyaan dadka abaaruhu aadka u saameeyeen, waxaana maalmihii lasoo dhaafey magaalada soo galay kumanaan dad ah oo kasoo cararey deegaanada abaaruhu aadka u saameeyeen ee koonfurta Soomaaliya.
Isbitaalada Muqdisho ayaa waxaa buux dhaafiyey caruur nafaqo daro ay tabar dari haysato, kuwaasi oo laga keenay gobolada abaaruhu aadka u saameeyeen ee ka tirsan maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.
Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply