Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Jigjiga oo Biyo La’aan Baahsani Ka Jirto

Biyo La’aanta magaalada Jigjiga

Jigjiga (WDN), Shacabka ku dhaqan guud ahaanba xaafadaha magaalada Jigjiga ee caasimadda dawlad deegaanka Soomaalida, ayay soo foodsaartay biyo la’aan baahsani bilihii u dambeeyay. Ceelal badan oo ay magaaladu biyaha ka heli jirtay, ayaa la sheegayaa in ay u fadhiyaan dayactir la’aan mishiinada biyaha soo tuura awgeed.

Xafiiska dhinaca biyaha u qaabilsan deegaanka Soomaalida oo ka mid ah xafiisyada ugu miisaaniyadda badan, ayay wararku tibaaxayaan in musuqmaasuq iyo waxisdabamarin badan oo ka jirta awgeed ay sababtay in uu ku guul darraysto gudashada waajibaadkii ka saarnaa, sidii uu bulshada deegaanka uga haqabtiri lahaa baahida biyaha, oo ah shay lagamamaarmaan u ah nolosha dadka iyo xoolahoodaba.

Xaaladda biyo la’aanta ee ka jirta magaalada Jigjiga ayay waxgarad ka mid ah shacabka magaalada jigjiga oo WDN la xidhiidhay, ku tilmaameen mid aan weligood hore u soo marin.

Goobaha biyaha lagu qaybiyo ee magaalada, ayaa la arkayay iyadoo shacabku ku soo qamaameen, qaarkoodna ay meelo godad ah oo dhooqo ka buuxdo ay dhuranayaan, halka kuwo kalena ay foostooyin madhan dul kuududaan iyagoo madaxa haysta kana fajacsan xaaladdan ugubka ah ee la soo daristay.

Meeelaha yar ee biyaha laga helo ayaa la sheegayaa in shacabka lagaga iibiyo qiimo aad u sarreeya iyadoo hadda foostada biyaha ah lagu gato in ka badan 250 Bir, halkii uu hore uga ahaa 75 bir.

Warka ayaa waxa uu intaas ku daryaa in qandaraasyada lagu bixiyo soo iibiinta mishiinada iyo qalabka kale ee loo adeegsado ceelaasha ay yihiin kuwo lagu naasnuujiyo shakhsiyaad ay qaraabo dhow yihiin kusimaha madaxweynaha deegaanka, kuwaas oo keeena qalab raqiis ah oo tayadoodu aad u liidato oo muddo gaaban ka dib hawlgab noqda.

Qandaraasyadan lagu bixiyo qaabka beelaysan ayaanay jirin cid ku samaysa dabagal iyo la xisaabtan iyadoo adeegayaasha xafiiska biyuhuna ay saamigooda ka qaataan.

Musuqmaasuqa ka jira hay’adaha dawladda ee deegaanka Soomaalida ayaa qaadhay heer uu faraha ka baxo iyadoo aanay xilligan jirin wax isla xisaabtan ahi.

Falalka musuqmaasuqa oo hadda noqday wax aan lala gabban ayaa ah mid taxan madaxtooyada ilaa maamulka xaafadaha, iyadoo mas’uul kastaana wixii yaraa ee adeegga bulshada loogu talogalay uu jeebka ku shubto, saro waaweyna ka dhisto.

Sicirbararka iyo heerka maciishada, ayaa iyana sare u kacay iyadoo ay xilligan adagthay in dadka danyarta ahi heli karaan cuntooyinka daruuriga ah, taasoo maalinba maalinta ka dambeysa uu sicirkoodu cirka isku sii shareerayo.

Kusime Cagjar

Kusimaha madaxweynaha deegaanka Md. Mustafe Cagjar ayaa dhawaan sheegay mar uu ka jawaabayay su’aalo ku saabsanaa sicirbararka in aanay waxba ka qaban karin arrintaas oo ay tahay mid hawlahooda ka baxsan.

Haddaba waxa ay dadka arrimaha dhaqaalaha aqoonta u leh ee deegaanka Soomaalidu aaminsanyihiin in musuqmaasuqa iyo lacagta faraha badan ee Birta Itoobiyank ah ee laga lunsanayo qasnadda dawladdu, loona beddelayo doolarku ay qayb weyn ka yihiin sababaha keenay kor u kaca sicirka maciishada ee deegaanka Soomaalida ka jira.

Xaaladahan nololeed ee qalafsani ma ahan kuwo ku eeg magaaalada Jigjiga balse waa mid ay la qabaan guud ahaanba gobollada iyo degmooyinka kala geddisan ee dawlad deegaanka Soomaalidu.

Macaluul iyo abaaro saameeyay dad iyo duunyaba ayaa ka jira deegaanka Soomaalida, iyadoo ay dhawaan hay’adaha QM u qaabilsan gargaarku sheegeeen in dad ka badan 2 milyan oo qof ay u baahanyihiin gargaar bani’aadanimo oo degdeg ah in lala soo gaadho.

Dhibaatada iyo duruufaha qallafsan ee soo foodsaaray shacabak deegaanka ayaa xilligan ku soo beegmaya iyadoo la isudiyaarinaya bilashada bisha barakysan ee Ramadan oo la filayo.

WardheerNews, Jigjiga.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.