
Muqdisho, Sebt. 18, 2016 (WDN)- Mudane Jibriil Ibraahim Cabdulle oo in muddo ah la hadal hayay in uu yahay musharrax madaxweyne sanadaan 2016-ka ayaa waxaa la xaqiijiyay in maalinta berri ah ee taariikhdu tahay 19/09/2016 uu la hadlayo ummadda Soomaaliyeed.
Inkasta oo aan si dhab ah loo shaacin waxyaabaha ay ku saabsantahay khudbadda uu shacabka u jeedin doono, ayaa haddana wararka hoose ee la helayaa waxa ay sheegayaan in uu kala caddeyn doono wararka suuqa ku jira ee sheegaya in uu yahay Musharax madaxweye iyo in kale.
Waxaa jiray baaqyo ka imanaya bulshada qaarkood oo ay kaga dalbanayeen in Jibriil isu sharraxo xilka madaxweyne maadaama uu yahay ruux arrimaha nabadeynta kasoo shaqeeyay in badan, waxna ka qaban kara dhibaatooyinka ka jira dalka Soomaaliya.
Md. Jibriil ayaan isagu wali wax fal celin ah ka sameyn baaqyada ay usoo dirayaan bulshada qaarkeed, hasa yeeshee hadalkiisa Isniinta waxaa ku kala caddaan doona in uu u dheganuglaaday baaqa soo gaaray iyo in kale
Soomaali badan oo aan la hadalnay ayaa waxa ay sheegeen in ay aad ugu kalsoonyihiin in haddii Jibriil uu isu soo sharraxo xilka madaxweyne uu ka mid noqon doono musharrixiinta ugu cadcad doorashada dhawaan la filayo in ay ka qabsoonto Soomaaliya.
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply