Monday, September 28, 2020
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Jenaraal Galaal iyo Dagaalkii 1964kii

W.Q. Liibaan Axmed

Jeneraal Galaal: Aman Andom ayaa isku dayay inuu Berbera qabsado.

Jeneraal Maxamed Nuur Galaal wuxuu ka mid yahay raga faro-ku-tiriska ah oo u soo joogay isbeddelladii ka dhacayay Soomaaliya dhowr iyo lixdankii sano ee ugu dambeeyay.  Waraysiyo kale duwan ayuu baxiyay Jeneraal Galaal. Waraysiga  ugu dambeeyay arrimmaha uu kaga hadlay waxaa ka mid ah weerarkii Itoobiya ku soo qaadday Soomaaliya 1964kii.  Waa xog Galaal u soo gudbiyay si faahfaahsan. Soomaaliya maanta ma laha keyd-qoraallo (archives). Xusuusta ayaynu ku wada tiirsannahay,  xusuus iskugu jirta sheeko iyo waayo-aragnimo. Galaal wuxuu sheegay in Aman Andom, oo ahaa taliye sare oo ka tirsanaa ciidanka Imbaradooriyaddii Itoobiya, isku dayay inuu dhanka Wajaale ka soo weeraro Soomaaliya si uu u qabsado Berbera. 

Dowlado ay ka mid yihiin Talyaaniga iyo Biritayn ayaa ogaa qorshaha Itoobiya. Labada dalba hub ayay uqu deeqeen Soomaaliya, sida Galaal xusay. Galaal wuxuu yiqiin Qunsulkii Biritayn u joogay Hargeysa oo  farriimmaha diblomaasiyadeed ee u socday Muqdisho  ay diyaarad uu Xoogga Dalku lahaa qaadi jirtay.  Galaal ayaa sheegay in dowladda Biritayn Soomaaliya u soo dirtay qaybtii  kowaad oo taangigii Comet. Inta qabytii labaad aysan soo gaarin Soomaaliya ayuu xiriirkii dibloomaasiyaydeed ee Soomaaliya iyo Biritayn go’ay kaddib go’aankii NFD ay ku noqotay dhul ka mid ah Kenya. 

Itoobiya kuma guuleysan dagaalkaas. Xayle  Salaase ayaa xilkii ka qaaday Aman Andom, oo lagu eedeeyay inuu ku xadgudbay qarannimada Soomaaliya iyo inuu rabay in Itoobiya laba furimmood yeelato si awooddeeda ay kula dagaallammaysay jabhaddii Eritreeya u wiiqanto.  Aman Andom wuxuu u dhashay Eritreeya. Kaalin hoggaamineed buu ku lahaa afgambigiii taliskii Xayle Salaase. Andom wuxuu ka tirsnaaa golihii askarta xukunka la wareegtay. Wuxuu soo jeediyay in wadahadal lala galo jabhaddii Eritreeya. Rag uu Mingestu Xayle Maryam ka mid ahaa ayaa ka biyo-diiday  soo jeedinta Andom. Bishii  Nofeembar 23keeddii ayaa  Aman Andom iyo lixdan nin oo ka tirsanaa madaxdii ugu sarreysay taliskii Xayle Salaase la dilay. 

Aman Andom wuxuu si qarsoodi ah u taageersanaa jabhaddii Eritreeya

Itoobiya sidee 1964kii ugu dhiirratay inay soo weerarto dal dimuqraaddi ah oo Afrikaan ah? Sida uu Bahru Zewde ku qoray A History of Modern Ethiopia, intii u dhexeysay 1950kii iyo 1953dii Maraykanka ayaa ku taageeray Itoobiya Barnaamijka Kaalmada Militariga ( Military Aid Programme) si loo tababbaro seddex qeybood oo ciidanka ah oo qeybtiiba ka kookan tahay 60,000 oo askari. “Ilaa sanadkii 1970kii Itoobiya waxay heli jirtay 60% taageerada militari oo uu Maraykanku siin jiray Afrika” ayuu Bahru qoray.

Ka hor afgambigii militarigu talada kula wareergay, Soomaaliya waxay ahayd dal ku caan ah dimuqraaddiyad – doorashooyin iyo wargeyso madaxbannaan.  Soomaaliya marnaba laguma qaddaranin horumarka dowladnimo. Dhexdhexaadnimadeedii baa go’doomisay ka sokow go’aankii xiriirka dowladdii Soomaaliyeed ugu jartay Biritayn lixdamaadkii. 

Xayle Salaase ayaa xilkii ka xayuubiyay Aman Andom oo ujeeddadiisii odaygu fahmay

Hadalkii bishii Febraayo Danjire Yamamoto sheegay in 2006dii “ Itoobiya ay qaadday hawlgallo ka dhan ah Ururkii Maxkamadaha Islaamiga, iyo in Maraykanku uu Itoobiya la leeyahay “ iskaashi dhaqaale iyo amni” waa hadal muujinaya in siyaasdda Maraykanku ku soo noqotay meeshii ay lixdamaadkii joogtay. Cududdii militari uu Maraykanku tobannaan sano u dhisayay Itooboya waxaa ka fa’iiday Midowgii Soofiyeeti oo xitaa isku dayay inuu Soomaaliya ka sameeyo dowlad maqaarsaar ah kaddib markii Soomaaliya xiriirka u jartay Mooskow. 

Soomaaliya danaha quwadaha waaweyn ugama hor imanin sida Itoobiya  (1974-1991) midiidin ugu noqotay Midowgii Soofiyeeti oo inuu isku fidiyo Badweynta Hindiya doonayay. Natiijadu waxay noqotay dhicistii taliskii Dergiga iyo kala goyntii Itoobiya. 

 Maxay Soomaaliya ka dheefi kartaa taariikhdii dagaalkii qaboobaa? Soomaaliya waxay fursad siisay ciidammada Itoobiya oo Maraykanka  kula jaal ah la dagaallanka kooxaha xagjirka oo jiritaanka Soomaaliya lidka ku ah. Itoobiya waa dal aan dimuqraaddi ahayn oo shaqada ugu weyn ee u taalla ay tahay  u talinta in ka badan 80 qowmiyadood. Waa dal inuu mar kale sii kala go’o qarka u saaran haddana ciidammadiisu Soomaaliya u joogaan nabad-ilaalin. 

Waraysiga Galaal bixiyay  wuxuu wax ku biiriyay taariikhda diblomaasiyadda  Soomaaliyeed,  oo maanta inteeda badan ku jirta xusuusta ficii hore. Inta Soomaalidu yeelanayso taariikhyahanno karti u leh wax ka qorista taariikhda taagan (contemporary).

Liibaan Axmad
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2020 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.