Bismillah: Waxaan jecelahay in aan shacbiga Soomaaliyed la wadaago heestan Maxaa maanta isbedelay oo ah jawaab heesta Soomaaliya waa mashruuc oo uu horay noo soo gaarsiiyey Cabdiraxmaan Beyle, oo ka hor intaanu noqon Wasiirka Arrimaha Debedda DFS. Heestan Maxaa Maanta is beddeley, waxan ku oddorayaa bal in Cabdiraxmaan maaddaama uu hoggaanka meel sare ka joogo, ay wax iska beddeleen aragtidii waddaninimo ee heestiisa ku dheehnaa. Xaggee wax u marayaan? Mise dawladdaa dhinac ka raac ayaa xaaku yahay?
Heestan Maxaa Maanta isbeddeley waxay dhiirri gelin u tahay dareenka waddaniga Soomaaliyeed, waxan u hanneeyey ummadda Soomaaliyeed. Akhris wanaagsan.
Mashruucaad shalay na tidhi
Dalkuu ka dhex moosan yahay
Malaayiintay liqeen
Shisheeyuhu maamusheen
Masiirkoo baaba’iyo
Sirtay u maleegayeen
Muddaahanadooda iyo
Wixii maanacay midnimo
Kolkii meerkii ximraha
Moorada faalku ugu dhacay
Haddii milil beerka iyo
Qalbiga cudur kugu marnaa
Majaraha adaa hantee
Wasiir mudanoow haddaba
Maqaamka adaa koree
Maxaa maanta isbeddeley?
Ma haysaa dawladnimo?
Muunada iyo haybaddii?
Mise Beyloow geddii
Maandeeq lagu maali jirey
Ayay kuu meeriyaan?
Gartaad meymesheed na tidhi
Soomaaliya waa mashruuc
Muraaddaa laga fushaa
Maatida Ceelasha biyaha
Maryaad macaluulaysaa
Masruuf caydheed la baday
Carruuraha maarufee
Bakaaraha mirifta quban
Manfaco quudkii ka deyey
Meleggu boqol boqol u layn
Haddaad murugootayoo
Ilmadu kaa mililig tidhi
Majaraha adaa hantee
Wasiir mudanoow haddaba
Maqaamka adaa koree
Maxaa maanta isbeddeley?
Ma haysaa dawladnimo?
Muunada iyo haybaddii?
Mise Beyloow geddii
Maandeeq lagu maali jirey
Ayay kuu meeriyaan?
Muskay kala oodayaan
Soomaaliya waa maxmiyad
Mudiirra kalaa u talin
Mataanaha kala fogayn
Muquunayn kuwii maqnaa
Masaladaad daah fur tidhi
Micida aar goonlihiyo
Mas waabeeyaalihiyo
Halaqa wax melgiyo abees
Misciriirta u soo galeen
Mushkiladaha cadawga iyo
Dhiilladu maankaaga miran M
ajaraha adaa hantee
Wasiir mudanoow haddaba
Maqaamka adaa koree
Maxaa maanta isbeddeley?
Ma haysaa dawladnimo?
Muunada iyo haybaddii?
Mise Beyloow geddii
Maandeeq lagu maali jirey
Ayay kuu meeriyaan?
WT.Maxamuud Axmed Cabdalla (shiine)
Email: [email protected]
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.
WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.
WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.
Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved