Muqdisho (WDN)- War saxafadeed ka soo baxay Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, ayaa lagu soo dhaweeyay go’aan ay qaadeen ganacsatada Qaadka oo diyaaradihii keeni jiray Qaadka u leexiyay magaalada Jowhar. Arintan ayaa ka dambeysay ka gadaal markii ay ganacsatadu ka cowdeen canshuurta Qaadka oo ay wasaaradda maaliyaddu ku kordhisay.

Maamulka Hirshabeelle ayaa u arka arintan mid kor u qaadaysa dakhliga dhaqaale ee maamulkaasi, iyada oo aan markaasi la xeerineyn qaabka canshuurta ee dowladda dhexe.
Ma jiro wax wara oo ka soo baxa wasaaradda maaliyada oo ka hadlaya dhacdadan iyo in canshuur kordhintu ay ku eekeyd garoonka Muqdishu oo aanu saameeyn maamul goboleedyada ku bahoobay dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Go’aanka Hirshabeelle ay ku ogolaadeen in ganacsatada Qaadku ay isticmaalaan Jowhar, ka gadaalna Muqdishu gawaadhi lagu keeno, ayaa caddeynaya isku xidhnaansho la’aanta dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.
Maamulka Hirshabeelle ayaa sidoo kale ku sheegay war saxafadeed in ay heshiis la galeen shirkad lagu magacaabo Ridufu in ay ka shaqeyso maamulka garoonka Jowhar. Warkaasi laguma caddeyn shirkaddu waxa ay qabaneyso iyo qodobada heshiiska.
Ma aha arin cusub fowdada ka dhex aloosanta maamul goboleedyada iyo dhowladda dhexe. Bishii Seb ee 2016, ayay aheyd mar ay dowladda dhexe ee Soomaaliya joojisay imaatinka Qaadka, iyada oo Puntland ka soo horjeedsatay, oo sheegtay in go’ankaasi aanu saameeyn.
Qaadka oo ka mid aha ilaha dhakhliga ee Soomaaliya, iyada oo 15 diyaaradood ay soo geliyaan Muqdisho Qaad lagu qiyaasay12,000 jawaan ama qiimeyn gaadheysa $400,000 maalintii. Diyaaradahaasi oo ka yimaada Kenya, ayaa wada tashi la’aanta iyo maareynta xeerarka ay sida fudud u soo saarto dowladda dhexe, oo aan lagala tashan hirgelintiisa maamul goboleedyada ay badanaa ka soo horjeestaan. Taasi uu tusaalle u ah fadhiidnimada dowladda dhexe ee Soomaaliya.
WardheerNews
Leave a Reply