Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

ITOOBIYA (4-4): XAALADDA MURUGSAN & MUSTAQBALKA ITOOBIYA

W. Q. Mustafa Fayruus

Abiy Axmed wuxuu dhaxlay Itoobiya maraysa marxalad kalaguur xasaasiya, oo laga dhursugayo dhankay u dhaqaaqdo. Waxaa hor yaalla arrimo murugsan & faylal culculus oo is biirsaday, loogana fadhiyo inuu wax ka qabto e, bal aan yar taataabanno.

Wada Dhowridda Amniga & Xuquuqda

RW Abiy Axmed

Muddadan dambe waxaa isa soo tarayay in Abiy Axmed lagu eedeeyo kutumashada xuquuqda aadanaha, dadweyne badan la xirxiro, internetkana la joojiyo xilliyada qaarkood. Waxaa la tilmaamaa in inqilaabkii dhicisoobay Juun 2019 wixii ka dambeeyay inuu la soo baxay gacan bira ku muquuniyo mucaaradka & saxaafadda; waxaa soo kordhaya adeegsiga xeerka la dagaalanka argagixisada.

Dilkii heesaagii Hachalu Hundessa Juun 2020 wuxuu kiciyay qulqulatooyin baahsan oo gilgilay Itoobiya. Waxaa ku dhintay dhowr boqol oo qof, guutooyin kale ayaana dhaawac iyo xarig u dhexeeya! Waxa hanti ku burburayna warkeedaba daa! Ilaha qaar waxay sheegayaan in ilaa 9000 qof la xirxiray. Waxaa buuxsamay xabsiyadii Gobolka Oromiya, sidaas darteed, waxaa dadka lagu xiraa goobo kale oo madani ah, sida dugsiyadii loo fasaxay Covid19! Dadka qaar waxay ku shabahaan in Gobolka Oromiya ay ka taagantahay xaaladdii “Jeel Ogaadeen” oo kale.

Siyaasad Murugsan & Xisbiyo Qaabaysmaya

Garoonka siyaasadda waxaa ka soo bidhaamaya xisbiyo cusub, jabhado hubaysnaa oo ku soo biiray loolanka siyaasadeed, xisbiyadii hore oo barnaamijyadooda & hoggaankoodaba dib ugu sargoynaya xaaladda taagan, isbahaysiyo qaabaysmaya iwm. 

Isbahaysigii talada hayay ee EPRDF, oo jiray 31 sanno xukunkana hayay 27 sanno, wuxuu Diisambar 2019 u xuubsiibtay xisbiga PP (Prosperity Party) oo uu madax ka yahay Abiy Axmed. PP waa la ballaariyay, waxaa lagu soo daray xisbiyadii EPRDF bahwadaagta la ahaa, aanse xubnaha ka ahayn, ee Cafar (ANDP), Benishangul-Gumuz (BGPDUF), Soomaali (SDP), Gambeela (GPDM) iyo Hereri (HNL). Dhammaanba xisbiyadani waxay isku noqdeen oo u xuubsiibteen xisbiga PP, iyaguna way is kala direen. Xisbigan cusub waxaa ka biyadiiday oo ka haray xisbiga Tigreega TPLF, waxaa kaloo saluugay xubno ka tirsanaa xisbigii Oromada (ODP).

Waxaa samaysmaya isbahaysiyo mucaarad ah, xawligay ku socdeen wuxuu is dhimay ka dib markii doorashadii qorshaysnayd Agoosto 2020 dib loogu dhigay 2021. Xisbiyada mucaaradka ee qowmiyadaha waaweyn waxaa ku sii xoogaysanaya fikir ah inay yeeshaan dal u gaar ah oo Itoobiya ka go`aan. Waxaa ka mid ah Xisbiga “Tigray Independence Party” (TIP) isagu wuu caddaystay inuu rabo Tigray dawlad gaara noqota.

Xaalad Dhaqaale oo Adag

Waxaa taagan dhibaato dhaqaale ee qof kasta taabanaysa. Shaqo la`aan baahsan, qalalaasaha oo dhaqaalaha sii dhaawacaya, handaraabka ka dhashay safmarka Covid19 ee dunida simay, culayska dhaqaale ee ka dhalan kara hanaan dhaqaale ahaa “bidix – left”, oo Itoobiya ku socotay laga soo bilaabo Kacaankii Dergiga, oo u guuraya furfurnaan “liberal” suuqa xorta ahi hagayo. Dhowrkii sanno ee u dambeeyay waxaa kordhay tirada barakacayasha dalka gudhiisa, oo ka dhashay iskudhacyada isirrada kala duwan iyo abaaraha. Ayaxa & koronkorrada soo noqnoqday waxay dhaawac u gaysteen dalaggii beeraha labadii sanno ee u dambeeyay. Waxaa lagu tilmaamay inuu ahaa aafadii ayaxa ee ugu darnayd ee Itoobiya ku habsata rubuc qarnigii u dambeeyay.

Mustaqbalka Itoobiya & Qodob 39

Itoobiyada maantu waa quruumo xoog ay ku qabsatay Imbaraadooriyaddii Abasiiniya. Mar alla markay xorriyad iyo awood helaan, waxay halis ugu jiraan in mid walba dalkiisa gaarka ah yagleesho. Tani waa xaalad aalaaba ku dhacda imbaraadooriyadaha quruumaha kala duwan ee qasab & cabburin lagu hayay. Waxaa tusaale u ah Midowgii Soofiyeeti (USSR), cabbudhin waa lagu hayn kari waayay awood kasta oo la adeegsadayba, wayna badbaadin waayeen siyaasadihii furfurnaanta “perestroika” ee uu waday Mikhail Gorbachev dabayaaqadii 1980aadkii; waxay danta iyo tabartuba yeelsiiyeen inuu 15 dal u kala furfurmo 1991; quruumihii xoogga lagu hayay mid kastaa waxay ku dhawaaqday jamhuuriyaddeeda gaarka ah. Midowgii Soofiyeeti wuxuu ku soo ururay Ruushkii xoogga ku muquuninaysay. Waxaa isna waddadaa maray dalkii Yugoslaafiya oo 7 dawladood u kala furfurmay 1992, Seerbiyaankii muquunin jirayna isku hayn kari waayay dhiig kastuu daadiyay.

Ila milicso dilkii heesaagii Oromada ahaa Hachalu Hundessa 29/6/2020 iyo gadoodkii ka dhashay, ee gilgilay Itoobiya, kuna baahay jaaliyadaha Yurub iyo Maraykanka. Xusuustu waxay toos u abbaartay larkii gaamuray. Waxaa la beegsaday taalladii Ras Makonnen Wolde Mikael [Boqor Xayle Salaase aabbihii] oo magaalada Harar ka taagnayd, taalladii Minilik (Addis Ababa) iyo taalladii Haile Selasse (London). Adduunyadu waa ta noqotay tuulada yare, beegsiga taallooyinku wuxuu la jaanqaadayaa mudaharaddada ka dhacay Maraykanka iyo Ingiriiska Meey & Juun 2020 ee laga burburiyay taallooyinkii ku aroorayay addoonsiga dadka madow.

Gobolka Tigray isagu wuxuu noqday “budo gaar u tuman”, talada dawladda Federaalkana aan waxba u ogayn; waxay qabsadeen doorasho u gaar ah 9/9/2020, Dawladda Federaalkuna waxay ku tilmaantay doorasho sharcidarro ah natiijadeedana ayna aqbalayn. Waxaa loo arki karaa in tani ka mid tahay tallaabooyin dawlad degaanka Tigray u sii dhowaynaya, ama u gogolxaaraya, inay ku dhawaaqdo dal gaara, kana adeejiyaan dastuurka qodobka 39. 

Tabari meel ay gaysaba, Amxaaradu waxay ku maqan tahay siday Itoobiyadii ay dhisatay u soo ceshan lahayd, iyagaana lagu tuhmay inqilaabkii fashilmay 22/6/2019. Abiy Axmed waxaa lagu tuhmayaa inay Amxaarada isu sii dhowaanayaan. Oroomiya weli way qasan tahay, Galbeedkeeda kacdoonno hubaysan ayaa ka socda, warar sheegayaan in dawladdu diyaarado ku weerartay Janaayo 2019 garab ka go`ay Jabhadda OLF. Abiy wuu sii luminayaa taageerada dadweynaha Oromada, waxaa ku sii xoogaysanaya mucaaradka. Qowmiyadaha kale, oo Soomaalidu ka mid tahay, waxaa ku goobtay wisiisi iyo walaahoow, wayse ka badin la`yihiin inay xaaladda dusha kala socdaan.

Dhinaca dibadda, Shantii qarni ee u dambaysay, markay Abasiiniya la soo gudboonaato xaalad “qirinqiir” ama “critical” ah, waxaa u soo gurman jiray Reer Galbeedka, waxay u fidin jireen gacan aan iyagana ku cuslayn Itoobiyana wax weyn u tari jirtay. Su`aashu waa, Itoobiya xilligan maxay ka fili kartaa Maraykan iska sii casilaya hoggaamintii dunida iyo Yurub teeda ku mashquulsan? Haddaan odoroska ku fogaanno, Ruushka laftiisa waa in tirada lagu daraa, gaar ahaan haddii xaaladdu sii murugto, oo dawlad deegaan ku dhawaaqdo jamhuuriyad gaar ah.; u badi inuu dabkaa bansiin ku soo shubo si uu boos uga helo Gobolka Geeska Afrika ee istaraatiijiga ah.

Isku soo duuboo, Abiy Axmed ayaa looga fadhiyaa inuu wax ka qabto faylashaa is diidan ee (1) midnimada dalka oo uu isku sii hayo, (2) furfurnaan iyo dibuhabayn siyaasadeed, (3) nabadgelyada & xuquuqda Aadanaha oo la wada dhowro, iyo (4) horumar dhaqaale oo busaaradda iyo shaqo la`aanta lagaga raysto. Su`aashu waxay ka taagan tahay siduu hawlahaa isku mar u wada furdaamin lahaa, una kala furdaamin lahaa, iyo inuu dhaadsan yahay iyo in kale!

Gabaggabo

Qormooyinkan kooban waxaan ku milicsanay taariikhda Itoobiya 1855-2020, waa 165 sanno. Waxaan falanqaynay Imbaradooriyadda Abasiiniyada cusub oo ay ku soo tacbeen, kuna dhiseen 120 sanno, saddexdii boqor ee isu awoowga ahaa Tewdoros II, Minilik II & Haile Sellassie I; nus qarnigii xigayna ay ka daba yimaaddeen saddexda isbedel oo u dhashay siday u furfuri lahaayeen, xididdadana ugu siibi lahaayeen, imbaraadooriyaddaa.

Isbeddelka 1974 wuxuu tirtiray hannaankii boqortooyada, kana dhigay jamhuuriyad dadku leeyahay; isbeddelka 1991 wuxuu dhidibbada u taagay “dal federaal ah oo ay wada leeyihiin quruumo iyo dawlado dastuur ku wada jooga”. Isbeddelkan saddexaad waxaa laga dhursugayaa dhawridda midhahaa hore; iyo weliba inuu ku dul dhiso, habeeyo, waxna ku kordhiyo; ee aanu biilan keliya midhahaa hore ama isku dayin inuu cajaladda dib u celiyo!!

Hase yeeshee, waxaa jira cabsi isa soo taraysa oo laga qabo in Abiy Axmed isku dayo inuu dhimo awoodda kilillada, gaar ahaan awoodda aayo-ka-talinta ee uu qeexayo qodobka 39 ee dastuurka 1995, oo u danaynaya shucuubtii xoogga ay ku qabsatay Amxaaradu. Inay le’ekaadaanba, waxaa jira codad ku baaqaya in Itoobiya loo celiyo dawlad dhexe awood badan.

Isbeddelkan 3aad wuu socdaa oo weli ma cagadhigan. Waxaa taagan xaalad siyaasadeed murugsan, oddoroska mustaqbalkeeduna sahlanayn. Waa marxalad lagu tilmaami karo “fool” wadata yididdiiladeeda, xanuunkeeda iyo khatarteeda intaba. Baciid maaha in Itoobiya marto waddadii Yuguslaafiya ay toddoba dawladood ugu kala furfurmay 1992, dhiig badanna ku daatay; waa xaaladda ku caan baxday “Balkanization”.

Dhammaad

Mustafa Fayruus
Email: [email protected]

Mustafa Fayruus waa qoraa, cilmibaare iyo bare jaamacadeed ka tirsan xarumo cilmiyeed dhowr ah.

Guji halkan si aad u akhrido qybihii kale


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.