Saturday, April 20, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

ITOOBIYA (3-4): Isbeddelka 3aad (2018), Dr Abiy Axmed CALI

W. Q. Mustafa Fayruus

Nus qarnigii ugu dambaysay, Imbaraadooriyaddii Abasiiniya waxaa ka dhacay saddex isbeddel (1974, 1991 & 2018), oo ay kulmiso in xididdada loo siibo Imbaraadooriyaddii Abasiiniya ee soo dhismaysay muddadii 1855-1974.

Qaybtii 2aad ayaan kaga soo hadalnay labadii isbeddel ee 1974 & 1991, qormadanna waa isbeddelka 3aad ee curtay 2018.

Ceejinta Hannaanka Siyaasadeed

Meles Sanawi

Loolanka qotada dheer ee soo jireenka ahaa ka sokow, isbeddelkan waxaa dhalay saluug is biirsaday iyo quus laga gaaray himilooyinkii la quuddaraynayay. Intay xukunka haysay Jabhadda EPRDF waxay qaaday tallaabooyin ay dhaqaalaha ku kobcinayso; laakiin dhanka siyaasadda, laga bilaabo 2005, waxay qaaday tallaabooyin ay awoodda ku urursanayso, mucaaradka ku muquuninayso, saxaafadda ku cabburinayso, kaalinta bulshada rayidkana ku tirtirayso. Waxaa ku dhacay cudurrada kelitaliska, musuqmaasuqa iyo eexda oo aalaba ragaadiya cid kasta oo xukunka ku raagta.

Qiyaastii tobankii sanno ee u dambeeyay xukunkeeda, Jabhadda EPRDF waxay ka shaqaysay siday u wada qaadan lahayd kuraasta baarlamaanka oo 547 kursi ah, una ceejin lahayd xisbiyada badan ee uu horseeday isbeddelkii 1991. Doorashooyinkii baarlamaanka ee 1995 & 2000 Jabhadda EPRDF waxay heshay aqlabiyad weyn, hase yeeshee doorashadii 2005 waxaa ku soo baxay mucaarad gilgilay tiro buuranna kuraasta ka helay. Jabhadda EPRDF natiijadan way liqi wayday, waxay ka shaqaysay siday afka ugu wada dhigan lahayd dhamaanba kuraasta baarlamaanka! Doorashadii 2010, EPRDF iyo isbahaysigeedu waxay heleen 546 kursi, waxaa ka baxsaday hal kursi oo keliya! Doorashadii xigtay ee 2015 dhammaanba kuraastii waxaa wada helay EPRDF & xisbiyada ay bahwadaagta yihiin. Labada doorasho ee 2010 & 2015 waxay tilmaan u yihiin siduu u wiiqmay hannaanka xisbiyada badan, waxaa loo arkay nidaam kelitalis awoodda sii urursanaya. Waxaa laga quustay isbeddel ku yimaadda doorasho, taasoo horseedday kacdoon shacbi.

Waxaa iyana xusid mudan, in Isbahaysiga EPRDF uu ka koobnaa afar xisbi, waxaase u awood weynaa jabhadda Tigreega ee TPLF. Haddii Abasiiniya awooddu ku urursanayd Amxaarada, xilligan, marba marka ka dambaysa awooddu waxay ku soo ururaysay gacanta Tigreega, oo tiro ahaan ka yar Amxaarada, musuqmaasuqa iyo kutagrifalka awooddana iyagaa faraha aad loogu fiiqayay.

Afar Sanno oo Baxaaddeg ah

Bilowgii 2014 ayay Dawladda Federaalku soo bandhigtay qorshaha ballaarinta Caasimadda Addis Ababa, oo dhul-beereed ka tirsan Gobolka Oroomiya ku daraya Addis Ababa. Kacdoonno lagaga soo horjeedo ayay ardayda jaamacadaha Oroomiya bilaabeen Abriil 2014. Waxay dawladdu bilowday inay jujuub ku fuliso qorshahan Noofambar 2015. Kacdoonnadanii ayaa sii labakacleeyay, waxay ku fideen gobollada Oroomiya & Amxaara, waxay isu rogeen burkaano qarxay! Waxaa ka dhashay dhimasho, dhaawac, xarig iyo burbur hanti. Dawladdii Federaalku waxay ku qasbanaatay in Janaayo 2016 ay faraha ka qaaddo qorshihii ballaarinta caasimadda. Kacdoonnadiise ma joogsan. Dawladda dhexe waxay isku dayday inay xoog milatari ku xakamayso, waxay soo rogtay xaalad degdeg ah Oktoobar 2016, waxbase way tari waayeen. Kacdoonnadii waxay gilgileen hoggaankii siyaasadeed ee Itoobiya. Atto Hailemariam Desalegn, Ra`iisalwasaarihii Itoobiya, ayaa tallaabo muuqata u qaaday dhanka isbeddel nabadeed; bilowgii Janaayo 2018 ayuu iska casilay labadii xil ee Ra`iisalwasaarihii Itoobiya iyo Guddoomiyihii Jabhadda EPRDF.

Dibadbaxayaalka Oromo

Afar sanno (2014-2018) oo baaxaaddeg ah ka dib, waxaa dhacay isbeddelkii 3aad ee Itoobiya muddo nus qarni ah gudaheed. Dr Abiy Axmed Cali ayaa loo doortay guddoomiyaha EPRDF 27/3/2018, lix maalmood ka dibna, wuxuu noqday Ra`iisalwasaarihii Itoobiya.

Kacdoonnadan waxaa lafdhabar u ahaa Qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada, oo ka wada dhiidhiyay xukunka EPRDF oo dalka ka talinayay taniyo 1991, oo ay u arkayeen inuu u xuubsiibtay kelitalis, halka awoodda siyaasadeed iyo fursadaha dhaqaaluhuna ku soo ururayeen gacanta in yar oo Tigree ah.  Waxaa quudinayay shaqo la`aanta baahsan ee dhallinyarada ku habsatay, iyo musuqmaasuqa xididaystay.

Waxaa xusid mudan in labadan qowmiyadood ku kala arooraan labada garab ee kala maanka Itoobiya. Amxaaradu waa qoladii dhisatay Imbaraadooriyadda Abasiiniya inta kalena xoog ku muquunisay; halka Oromadu ugu weyn tahay kuwa la qabsaday, la duudsiyay, lagana wiraynayay inay xukunka u soo dhowaadaan. Wuxuu ahaa kacdoon ay kulmiso diidmadu, kuse kala tagsan himilada mustaqbalka. Malaha buunbuunin noqon mayso haddaan niraahno: Itoobiyada ay mudaharaaddadu naawilayeen isku mid maahayn ee waa isku lid!

Si kastaba ha ahaatee, Dr Abiy Axmed Cali ayaa qabtay xilka siyaasadeed ee ugu sarreeya, 02/4/2018 ayuu noqday Ra`iisalwasaaraha Itoobiya.

Hoggaamiye Dhafan

Abiy Axmed

Abiy Axmed nin da` dhexaada oo dhashay 1976, wuxuu ka baxsan yahay Xabashidii (Waa Amxaaro & Tigree) Orthodox-ka ahayd ee dhistay Imbaraadooriyadda Abasiiniya, inkastuu dhinacyo badan kaga milan yahay. Dhinaca kalena waa wiilkii nidaamka talada hayay, ee kama iman kacdoonkii nidaamka ku kacay.

Dr Abiy Axmed, isir ahaan waa Qowmiyadda Oromada, oo aan weligeed awood ku yeelan xukunka Itoobiya; diin ahaan waa Kiristaan Protestant, oo kuma arooro Kaniisadda Orthodox, oo qarniyaal lafdhabar u ahayd xukunka Itoobiya. Waxaa dhalay aabbe Axmed Cali, oo Muslim ah, iyo hooyo Orthodox ah; xaaskiisuna waa Amxaaro Protestant ah. Sidaas darteed, waa markii ugu horaysay ee uu madax noqdo qof aan ahayn Xabashi Orthodox ah.

Abiy Axmed wuxuu ka mid ahaa xisbiga EPRDF ee Itoobiya xukumayay taniyo 1991 ee laga gadooday taladooda gurracan. Sannadkii 2008 iyo intii ka dambaysay xilal sare ayuu ka hayay xisbiga talada haya, iyo xukuumadda Itoobiya iyo hay`adaheeda. Wuxuu ahaa sarkaal sirdoonka milatariga ah, kana gaaray darajada Gaashaanle Dhexe (Lieutenant Colonel). Dhinacan, Abiy Axmed waa wiilkii nidaamka talada hayay.

Gees Lo`aad Kulaylkaa lagu Gooyaa

Ra`iisalwasaarahan cusubi wuxuu qaaday tallaabooyin degdeg ah oo uu kula falgelayo arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha, waa halkay Soomaalidu ku maahmaahi jirtay “gees lo`aad kulaylkaa lagu gooyaa”!

Lixdii bilood ee ugu horeysseyba wuxuu qaaday tallaabooyin la taaban karo. Wuxuu qaaday xaaladdii degdegga; wuxuu xabsiga ka sii daayay in ka badan lix kun oo siyaasi; Juun 2018 waxaa liiska argagixisada laga saaray ururradii mucaaridka ahaa, sida Ginbot 7, Jabhadda Xoraynta Oromiya (OLF) iyo Jabhadda Wadaniga Xoraynta Ogaadeenya (ONLF); iyana markiiba dalkay ku soo noqdeen. Wuxuu dib isugu shaandheeyay xilalkii sarsare ee dalka, jagooyin muhiim ahaana wuxuu u magacaabay xubno mucaarid ahaa. Dawladda Eritreya ayuu u fidiyay heshiis nabadeed lama filaan ah (Waa tallaabo loo fasiray inuu ku go`doominayo Tigreega!). Waa tallaabooyin soo jiitay indhaha gudaha iyo dibaddaba, uuna ku mutaystay ammaan iyo bogaadin iyo billado lagu sharfay. Wuxuu ku guulaystay billadda nabadda adduunka ee “Nobel Peace Prize” ee sannadkii 2019.

Raynrayntaa uguma socone, waayahaa ka daba yimid, sannadkii u dambeeyayba culaysyadu way isa soo tarayeen. Waxaa albaabka u soo fadhiistay arrimo culculus oo ka imanaya dalka iyo dibadda labdaba. Waa arrimo furdaamintoodu uga baahan tahay xirrib iyo xeelad dheeraad ah. 

Gabaggabadii, isbeddelkan 3aad weli ma cagadhigan oo wuu socdaa. Waxaase isweydiin leh: isbeddelkani muxuu ka dhigan yahay? Maxaase laga sugi karaa? 

Waa innoo qormada xigta, oo ugu dambaysa, iyo hawlaha horyaalla Abiy Axmed.

Mustafa Fayruus
Email: [email protected]

Mustafa Fayruus waa qoraa, cilmibaare iyo bare jaamacadeed ka tirsan xarumo cilmiyeed dhowr ah.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.