Muqdisho (WDN) Saddex qof oo mid ka mid ah uu yahay askari ka tirsan ciidanka xoogga dalka 2-na rayid tahay ayaa ku dhimatey, tiro intaa ka badanna way ku dhaawacmeen israsaaseyn ka dhacdey inta u dhaxaysa isgoyska Banaadir iyo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
Israsaaseynta ayaa ka dhalatey markii 3 askari oo ku labisnaa kaakiga milatariga Soomaaliya wateyna mooto Bajaaj ah, ay dhac u geysteen qof dumar ah oo qaad iibinaysay kadibna ay soo farageliyeen ciidamo Boolis ah oo goobta fadhiisin ku lahaa. Waxaa goobtaas ku dhintey mid ka mid ah askartii dhaca geysanaysay iyo 2 qof oo rayid ah oo halkaasi meherado ganacsi ku lahaa, halka dhaawacuna uu ka badanyahay 3 qof.
Dhacdadan ayaa ku noqotey mid fajaciso ah dadkii ku sugnaa goobta, waxaana dadku iswaydiinayaan sababta keenaysa in ciidamo ka tirsan xoogga dalka maalin cad dhac iyo boob ka geystaan goob bulshadu ku badantahay.
Maalmihii lasoo dhaafey ayaa dadka magaalada Muqdisho waxay ka cabanayeen dhaca soo badanaya ee ay askarta dawladdu geysanayso iyo dhalinyaro ku hubeysan baangado oo umadda dhibaaateeya.
Maxamed Cumar Aadan
Wardheernews, Muqdisho
Leave a Reply