Iska horimaad ka dhacay Magaalada Boosaaso

Garoowe (WDN)- Waxa maanta ka dhacay  duleedka (Kontoraalka) magaalada Boosaaso, Puntland, isku dhac dhex maray ciidamada Puntland iyo maleeshiyo taabacsan  nin lagu magacaabo Ciise Yulux, horey u ahaan jiray qabqable kooxihii burcad badeedda Soomaalida, lana sheegay in uu hadda u adeego shirkadda (Puntland Development Group) dhinaca ammaanka (security), shirkadaasi oo saadka iyo taakulaynta u qaabilsan ciidamada Badda Puntland ee PMPF.

Iska horimaad ka dhacay Magaalada Boosaaso

Wararka ayaa sheegaya in uu iska-horimaadku ka bilaabmay kadib markii maleeshiyada oo hubaysnaa loo diiday in ay magaalada galaan.

Iska-horimaadka ayaa la sheegayaa in uu salka ku hayo arimo la xidhiidha ganacsi .

Waxa jirtay in horey ay Dowladda Puntland ka wareejisay qandaraaska Shirkada PDG oo horey gacanta ugu haysay, iyada oo la sheegayo in xiisada ay sii kulullesay Qandaareylsyda cusub oo aan ka soo jeeedin deegaan ahaan gobolka Bari.

Xiisadan oo beryehanba soo jiitamaysay, ayaa la sheegay in ay maanta qaraxday, iyada oo isku badashay iska horimaad hubeysan.

Warar kaleeto ayaa sheegaya in ciidamadii maleeshiyadu ay gudaha u galeen magaalada oo ay ku jiraan, inkasta oo aanu wax dagaal ahi magaalada ka dhex socon, oo xaaladdu nabdoon tahay.

Wali ma jiran warar sugan oo sheegaya khasaraha ka dhashay iska horimaadkaasi, iyada oo ay jiraan warar sheegaya in uu keenay isku dhacaasi dhimasho iyo dhaawacba.

WardheerNews