Thursday, April 18, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Iska Cibaadayso!

W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan X. Xasan

Soomaalidu waxay ka soo gudubtay xilliyo adag. Xilliyo ku suntan halaag iyo burbur, welina raadkoodii sii qoyanyahay. Xilli xumaantu u muuqatay wanaag, dilka, dhaca iyo kufsiguna uu ahaa faan iyo guul lagu naaloodo. Xilli Sheekh, hoggaamiye dhaqameed iyo dagaal ooguhuba ay doon keliya wada saarnaayeen.

Xilli qofkii xumaanta ka hadla, wanaagana dadka ku guubaabiya, naftiisu halis galaysay loona arkayay khaayin dano dad kale wada. Xilli qabiilku dawlad noqday, qabyaaladduna dareenkii waddaninimo bedeshay.

Haddaba xilli waliba waxa uu leeyahay dadkiisa. Marxaladdaas burburka iyo dagaalada sokeeye waxaa ka soo ifbaxay dad xumaanta, dilka iyo dulmiga ay samaynayeen ku hantay martabad sare, loona arko geesi aan laga daba juuqin iyo halyay u guntaday dadkiisa.

Haddii aad tahay qof u fikiraya sida ummaddaha miyirka qaba shaki maleh in markii aad maqashid magaciisa ay maskaxdaada ku soo dhacayso foolxumooyinkii, dilkii, dulmigii iyo dibindaabyadii uu ku lugta lahaa muddada dheer.

Haseyeeshee marka aad tahay Soomaalida halbeegga qabiilka wax walba ku qiimeeya, waxa uu gacan-ku-dhiig lahaasi kuu yahay geesi haddii aad isku beel tihiin ama dambiile, waa haddii aad ka mid tahay beesha dadkii uu ku gabbood falay.

Waa sababtaas ta illaa maanta loo la’yahay hal shakhsi oo caddaaladda la horkeeno, lagana abaalmariyo dambiyadii uu u geystay maatida Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan haseyeeshee haybtooda eersaday.

Nasiibdarro caddaalad ay helaan dhibbanayaashii dagaallada sokeeye iska daaye, kuwo badan oo gacan-ku-dhiiglayaal ah, waxaaba maanta lagu abaalmariyay xilal qaran. Waxaa la is ilawsiiyaa wixii xumaan dalka ka dhacay iyo dadkii ku lugta lahaa.

Kuwo badan oo xilal qaran ku magacaaban iyana waabay ku faanaaan, waxaanay ku gooddiyaan haddii sida ay rabaan loo yeeli waayo in wixii dhacay wax ka daran ay samayn doonaan.

Annagoo makhaayad ka qaxweynayna aniga iyo nin kale oo aan wada soconay ayuu nagu soo biiray. Maadaama aanaan hore isku aqoon ninkii aan wada soconay ayaa iskaaya baray.

Wuxuu ii sheegay in hebel (dagaal-ooge caan ahaa)  adeer u yahay.

Markaanu cabbar sheekaysanay ayaan weydiiyay ninkii, “oo horta adeerkaa xagguu ku dambeeyay’.

Waxuu si dhakhso ah iigu jawaabay, “ Buuqa iyo qaylada siyaasadda ayuu iskaga dhexbaxay oo wuu iska cibaadaystaa”.

Maxaa u diiddaya inuu si shiddo iyo werwer la’aan ah isaga cibaadaysto, kol haddii aanay jirin cid adduunka kula xisaabtamaysa dambiyadii uu ka galay shacabka, miyaanu se dhaamin kuwa ilaa hadda xusulduubka ugu jira sidii ay u xukumi lahaayeen shacabkii iyo qarankii ay baabiiyeen.

Saboolnimada damiirkeenu waxay inna dhaxalsiisay in aan noqono ummad aan isla xisaabtamin. Ummad aanay u kala soocnayn qofka xun iyo midka wanaagsani. Ummad qabiilku ka indhosaabay qaranimada. Ummad wax walba qabiil ku qiimaysa.

Lama yaabo marka aan arko siyaasi ama hoggaamiye dhaqameed masrax isla soo taaga haddii aan reer hebel nahay,waayo arsaaqaddiisa ayaa halkaa gashay, haseyeeshee waxaan ka naxaa marka aan maqlo dhalinyaro leh haddii aanu nahay dhalintii qabiil hebel, waayo taasi waxay ku tusinaysaa mugdiga mustaqbalka iyo sida aanay Soomaali marnaba uga xorroobayn xayndaabka qabiilka.

Alllaylahe ha iska cibadaysto!

W.Q. Khaliil C/raxmaan Xaaji Xasan
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.