Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Featured
  • Slideshow
  • Warar

Isbedalku waa inuu ka billaabmaa la xisaabtanka madaxda Amniga!

Muqdisho (WDN)- Maxay tahay sababta ilaa hadda Dowladda Farmaajo aynan u samayn isbadel muuqda oo ku aadan mas’uuliyiinta howlaha Amnniga, kuwaasi oo ku fashilmay sugidda nabadda iyo ka hortaga qaraxyada Muqdisho?

Sanbalooshe (bidix), Islow iyo Saacid

Soomaaliya oo guud ahaan ay ka jirto dhibaatooyin la xidhiidha xaga ammaanka, ayaa qaraxii ka dhacay Muqdisho bishan Oktoober 14, uu ahaa masiibo Qaran, oo ay ku dhinteen ama ku dhawaacmeen dad ku dhow ama kor u dhaafay 1,000 qof.

Haddaba waxaa iyana ah arin aan u cuntami karin shacbiga Soomaaliyeed, ilaa iyo hadda in DFS, aysan wax talaabo ama la xisaaban ah ka qaadin (accountability), mas’uuliyiinta howlaha Amniiga sida:

  • Wasiirka Amniga,
  • Taliyaha Nabadsugidda,
  • Taliyaha ciidanka Boooliska iyo kuwo kaleeto ee loo igmaday hawllaha sugidda Amniga dalka, gaar ahaan Muqdisho.

Haddii Madaxweyne Famaajo uunan la iman qoshe guud oo dhinaca ammaanka (complete overhaul of security sector), oo ka reeban laab-lakac caadifadaysan, islamarkaana hoggaanka Amniga aan loo igman dad karti iyo aqoon u leh, Soomaaiya xaaladeedu waxa ay noqonaysaa mid madow oo ka sii darta.

Waxaan rajaynaynaa in Dowladda Federaalku ay isbadal dhaksi ah samayso, oo ka bilaabmaya shaqo ka saarista dhamaan madaxda Amniga ay ku dhaqaaqdo.

Dowladdu haddii ay ka go’antahay in ay wax ka qabato ammaanka dalka waa:

  • In is-badal degdeg ah lagu sameeyo hoggaanka Waaraddaha iyo hay’addaha Amaanka iyo nabad suggida, kuwaasi oo ku fashilmay gudashada howlihii loo igmaday
  • In xisaabtan dhab ah lala galo hay’addaha ku lugta leh Ammaanka dalka
  • In hoggaanka Amniga loo igmado dad karti iyo aqoon u leh
  • In la joojiyo lana so af jaro xiisada Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada
  • In la soo celiyo dagaalkii dib u xoreynta deegaanada ay gacantu ku heyso Al Shabaab ee ay wadajirka u wadeen AMISOM iyo ciidamada Soomaaliya.
  • In dib u eegis lagu sameeyo caqabadaha hor taagan dib u dhiska iyo qalabeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed
  • In loo qoondeeyo dhaqaale joogta ah oo lagu howgeliyo Ciidanka dalka
  • In qorshe Qaran loo sameeyo tayeynta iyo dib u dhiska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.