Kismaayo (WDN)- Ismiidaamin lala beegsday Guddoomiyihii Rugta Ganacsiga ee Jubbaland Md. Shaafi Raabi, ayaa ka dhacday maanta masjid ku yaal badhtamaha magaalada Kismaayo salaadii Jimcaha ka dib.

Qofka isqarxiyay ayaa toos u soo abaaray Shaafi, oo markaasi ka soo baxay salaadii Jimcaha, iskuna qarxiyay. Shaafic Raabi ayaa ka gadaal u geeriyooday isqarxis-kaasi lala beegsaday.
Alle ha u naxariistee Shaafi waxa uu ka mid ahaa haldoorka Jubbaland u istaagay tan iyo intii laga xoreeyay maleeshiyaadka Al Shabaab, isaga oo hormuud ka ahaa dib dhiska Jubbaland ee dhinacyada harumarinta ganacisga iyo dhaqaalaha.
WardheerNews waxa ay tacsi u diraysaa eheladii iy qaraabadi Marxuum Shaafi Raabi iyo dadkii kaleeto ee wax ka soo gaareen isqarxiskaasi.
WardheerNews
Leave a Reply