Inaabsi: Shirib

Inaabsi: Shirib

W/T Faarax Cali Gamuute

Halkii Cali Sugulle weeye oo: “waxa uurka jiifuu afku kaa xadaa”. Dibnuhu amar kaama qaataan”.Adoo yidhi baad is argtaa.
Alle u naxariisagii Cabdi Iidaanna, waxaa laga reebay:“Shalmadi koore raacdaye wax baan; sheedda ka arkaaye”. Anse yay ila ordine waxaan; arar ku seeteeyay, Inaabsi baa odhanaaya:

Amaano eegga way irdhawdayoo
Amaah ku raagtay ruuxna eegi maa
Orkaa ka weyn la eed inkaar qaboo
Argeegankeedu waa ujeedaley

Ardigu haatan waa amiir hadloo
Af jooga waaba loo adeegayaa   

Alhuumo hoos u sii ilaashataa
Aguug tidhaahda reer aleyl badhkee
Goggay ku eerataa ugaadhsadoo
Runtaa intaa sidii agoon ilmayn

Ardigu haatan waa amiir hadloo
Af jooga waaba loo adeegayaa     

Markuu ogaado iimaheeda gaar
Ma daayo oosha kii ishaaqsadee
Agnaan warmoog arrinka loo diraa
Aqoolidiisa gaaban eersadee

Ardigu haatan waa amiir hadloo
Af jooga waaba loo adeegayaa     

Udub jabay ayaan u yeelatoo
Arladu way iliila haawatee
Iniinyahaa la sii alamsadoo
Adaahi baa la mooday oomatee

Ardigu haatan waa amiir hadloo
Af jooga waaba loo adeegayaa

Markaan idhaahdo eel jaqaafiyoo ‘
Ayax teg’ buu dhalaan ku iidayaa
Abkii la naar sir baa u aasanoo
Ugax dillaacday buu la soo ekaan

Ardigu haatan waa amiir hadloo
Af jooga waaba loo adeegayaa

Rajada oodda loo roguu arkoo
Dareenka iihdu waa inaabsigee
Il guuliyoo guhaadin eebadeed
Abaydinkaa gartoo ka aag gurtee

Ardigu haatan waa amiir hadloo
Af jooga waaba loo adeegayaa     

Dhiskuu aboor ka qaaday aydin baas
Ubguri yeelataa ilmaa dhigtee
Awaal isnuugtay baa eber dhashoo
Ereggta yaabku waa ayaamahee

Ardigu haatan waa amiir hadloo
Af jooga waaba loo adeegayaa     

Umal ku raagayoo damqaaya uur
Amuurihiisu waa amar kaloo
Aramidaan ku joogsan oohowdoo
Adoon ogayn ayaad la uubatayn

Ardigu haatan waa amiir hadloo
Af jooga waaba loo adeegayaa     

Cukaar la awdayoo indhal go’daa
Warkii imaan ka oodafaysatee
Hadaad afaaf u yeesha oofahood
Albaabatood ku hiisho aamuskuun
Qanjidhadaa abloolka aabudhmee

Ardigu haatan waa amiir hadloo
Af jooga waaba loo adeegayaa     

Garaad abbaar fogoo ilhaam dirtoo
Asluubsadoo axdiga oofiyoo
Ikhyaara baa kor yeela aadmigee
Ha eegan toox yaraanta oogadee
Atoor sagaar duq weeye aynigee   

Ardigu haatan waa amiir hadloo
Af jooga waaba loo adeegayaa     

Nin loo asloo ash tiisu uun tahaa I
llleyn tala adduun ilduufayee
Ina ragoo ismooday aar libaax
Ayaa unuun ka leefa aabigee 

Ardigu haatan waa amiir hadloo
Af jooga waaba loo adeegayaa     

Abeerka geel markay alool ruqdee
Abraarka diido aayaday lahayd
Orodna aarankaa aloosayoo
Aboodi duulayaa eryoonayee

Ardigu haatan waa amiir hadloo
Af jooga waaba loo adeegayaa     

Dhadhaab ilkaa irfi amag ka siin
Ayaan ugbaad la oogsanayninoon
Habuur udgoon ku uunsanayn gadiid
Cirkoo irmaan hadduu ku onkadee D
hegtaan ullayn ninkii ku addimee
Ergayn ula tagaa ku oomayee

Ardigu haatan waa amiir hadloo
Af jooga waaba loo adeegayaa               

Ka aamanuun ilaa ardaa dhigii
Intuu olog ku nooli uumanaa
Ayuu abees dhalan aroorayee
Aleel dhashoo uburka saydhayoo
Ababsanoo gantaasha awdaloo
Ormaynayoo la gaaban aafadaa
Arbaa halgaad ku sii ololiyoo
Abris idaarsan baa ku iilayoo
Abuur horaa ka adag waanadee

Ardigu haatan waa amiir hadloo
Af jooga waaba loo adeegayaa     

Afeeftu waa ninkii ilawsanow
Gar eexo qaaxaday la ool tahoo I
Ilaaladeeda daal ma ooliyee
Waxay ahaato eegi yeelanoo
Irdaa ku loohan oogga waaberkii
Igaar galoy hadhaysay uuradeed
Ku eeday baa ka yeedha aakhirkee

Ardigu haatan waa amiir hadloo
Af jooga waaba loo adeegayaa     

Abwaan darsoo ararta saanyadaa
Ebyoo gunteeda soo ururiyee
Adin haddaad ku daabto uub qarsoon
Fudayd ku awgayaw ma aaddanoo
Ardal ku soo dhuftaa ablooliyee
Inaad u aayartay istaahishaa

Ardigu haatan waa amiir hadloo
Af jooga waaba loo adeegayaa                    

Agabar layliyoo or loo ridoo
Orgob ku guurayoo ibliis dhaqdoo
Umaadayoo agabta laynayaa

Abdiyo wuu ka hoogay aayahoo
Ubax dushiisa loo ma aaminee
Tallaabadii ugaaska awr lehoo
Asiiliyoo aqligu taam yahoo
Oday ahoon unuunufayninoo
Ubad xanaanadiisa loo idmoo
Ilaalin baa adhaxda loo goglaa

Ardigu haatan waa amiir hadloo
Af jooga waaba loo adeegayaa

W/T Faarax Cali Gamuute
Email:farahgamute@gmail.com

                       

Leave a Reply

Your email address will not be published.