WQ: H.A. Cumar
Waxaan akhriyey qoraalkii uu qoray Cabdi Sheekh ee uu ku tilmaamayey dhibaato weyn oo ka jirta deegaanka – dhibaato ka dhalatay ruux loo haystay badbaadiye, balse markii dambe noqday mid dhibkii sii xoojiyay. Waxaan sidoo kale akhriyey isku daygii ka jawaabista dhalliilihii uu soo jeediyey Cabdi Sheekh. Inkastooy habbooneyd in Madaxweyne Mustafe toos uga jawaabo eedaymaha loo soo jeediyey, haddana wuxuu si dadban u xaqiijiyay qodobadii lagu dhaliilayay, isaga oo muujiyay isla mawqif la’aantii iyo is-bedbeddelkii lagu dhalliiley ama lagu tilmaamay.
Ka sokow in aniga iyo Madaxweyne Mustafe aanu ahayn, walina nahay, dad ehel ama sokeeye ah, haddana waxaanu nahay dad muddo is yaqaanney oo xiriir dhaw lahaa. Wuxuu ii ahaa qof si cad u muujiya waxa uu aaminsan yahay – inta badanna qaab kaftan ku jiro. Aniga iyo Madaxweyne Mustafe waxaan si dhaw isu baranney dabayaaqadii 2014, xilligaas oo aan ka soo qaxayay dhibaatadii Cabdi Maxamuud Cumar. Waxaan ka shaqaynayey shirkaddii shidaalka ee Poly-GCL, oo ka hawlgeli jirtay Deegaanka Soomaalida.
Markii aan is baranayey Mustafe, wuxuu ka tirsanaa koox isku magacaabi jirtay “aqoonyahanka Deegaanka Soomaalida,” kuwaas oo mararka qaar ku kulmi jiray Nairobi ama email muddo dheer ku wada xiriiri jiray. Kooxdaasi waxay ka koobnayd dad aragtiyo kala duwan lahaa:
- Qaar waxay la dhacsanaayeen halgankii ONLF iyo Al-Itixaad;
- Qaar waxay ka tirsanaayeen urur qarsoodi ahaa oo la oran jiray Al-Tadaamun, kaas oo jiray tan iyo 1994;
- Qaar kalena waxay ahaayeen dad TPLF soo tababartay ama la shaqaysay.
Isbarashadannadu waxay ku beegantay xilli ay kasoo laabteen shir ay ku lahaayeen London, oo ay ku sheegeen inay kaga tashanayeen xaaladda deegaanka iyo sidii isbeddel loo keeni lahaa. Aniguna xilligaas waxaan ka mid ahaa koox abaabulaysay sidii looga hortagi lahaa Cabdi iyo dulmigiisa, ee uu markii dambe u bixiyey magaca SSI, isaga oo ula jeeday “Sii Soco, Soo Soco Is Xambaar.” Sabab kasta ha loo aaneeyee – waana lagu kala aragti duwanyahay – isku daygaas ma noqon mid midho dhala. Cabdina wuxuu si xoog iyo xeeladba leh u qabsadey shirkii Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaalida. Wuxuu sameystey guddi fulin iyo gole dhexe cusub, wuxuuna halkaas kaga adkaaday kooxdii isbeddel-doonka ahayd ee xarunteedu ahayd Addis Ababa.
Dhacdooyinkaas kadib, waxaan dareemay culays amni oo igu qasbay inaan aniga iyo qoyskayguba dalka ka baxno. Waxaan ka tagey shaqadaydii, waxaanan u qaxnay Kenya 29 July 2014.
Doorkii Warbaahunta iyo DDSPost
Markii aan dalka ka baxay, waxaan sii waday la dagaallanka nidaamkii Cabdi hoggaaminayey, anigoo adeegsanaya warbaahinta casriga ah iyo baraha bulshada. Muddo kadib waxaan go’aansanay inaan mideyno xoogagga dulmi-diidka ah, isla markaana helno warbaahin codkeenna gudbisa. Sidaas darteed, waxaan asaasney website-ka DDSPost, oo aan ku baahin jirnay warar, sheekooyin, iyo talooyin ku saabsan xaaladda deegaanka iyo maamulkii xilligaas jiray.
Cabdi Maxamuud iyo maamulkiisii dhowr jeer ayey naga xireen website-kaas, annaguna mar walba domain cusub ayaan u guuri jirnay sida Fadumofirinbi.com ama Qaawane.com.
Sidee Mustafe Noogu Soo Biiray?
Maalin maalmaha ka mid ah ayuu Mustafe i soo wacay isagoo i weydiinaya cidda qorta website-ka Fadumofirinbi. Waxaan ugu jawaabay annaga. Wuxuu nagu dhaliilay qaabka wax loo qorayo, nasiib wanaagse, muddo yar kadib wuu nagu soo biiray isaga oo kasoo baxay kooxdii “aqoonyahanka” isku tilmaami jirtay. Waqtigaas waxaan u arkaynay qof leh aragti, aftahanimo, iyo geesinimo siyaasadeed. Mustafe iyo anigu wixii intaa ka dambeeyey waxaannu ahayn laba ruux oo si dhaw u wada shaqaysa, is-ra’yi waydaarsada, inta badanna ka midaysan falanqaynta xaaladda iyo sida xal loogu heli karo.
Gaar ahaan, anigu waxaan xidhiidh wanaagsan la lahaa kooxdii uu Cabdi ugu yeedhi jiray SSI, kuwaas oo hoggaankooda ay hayeen xubno ka tirsanaa guddiga fulinta ee XDSHI, kana mid ahaayeen Cabdi Fataax Macalin iyo asxaabtiisii. Maalin maalmaha ka mid ah, Mustafe ayaa iga codsaday inaan baro dadka hoggaaminaya SSI. Sidaas darteed, waxaan telefoon ku baray Cabdi Fataax, Mubashir, iyo nin kale. Inkasta oo Mustafe iyo qaar ka mid ah xubnahaasi ay hore isu yaqaaneen, haddana ma jirin xidhiidh siyaasadeed oo rasmi ah oo ka dhexeeyay waqtigaas. Mustafe wuxuu aad uga cadhaysnaa xidhiidhkii ka dhexeeyay SSI iyo koox uu ku jirey Xuseen Xaashi, kuwaas oo kulan ku yeeshay Addis Ababa. Markii isbeddelku yimid, wuxuu Mustafe si toos ah dagaal siyaasadeed ula galay kooxdaas, isaga oo u arkayay inay caqabad ku yihiin jihada uu doonayay inuu siyaasadda u wado.
Run ahaantii, dhowr jeer ayaan isku dayay inaan saaxiibkay Mustafe kala taliyo tallaabadaas, anigoo ku boorrinayay in la mideeyo xoogagga isbeddel-doonka ah halkii la kala fogeyn lahaa. Nasiib darrose, kuma aanan guulaysan. Arrintaasina waxay qayb weyn ka qaadatay khilaafkii siyaasadeed ee markii dambe aniga iyo madaxweynaha naga dhex curtay.
Isbahaysi, Siyaasad iyo Kala Aragti Duwanaansho
Khilaafkii siyaasadeed ee si tartiib tartiib ah u soo ifbaxayay wuxuu salka ku hayay kala duwanaanshaha aragtiyeed ee aniga iyo Mustafe noo dhexeeyey, inkasta oo muddadii hore aanu si dhow ugu mideysnayn dedaalladii isbeddel-doonka ahaa. Aragtida aan ka qabay siyaasada isbadalka waxaa qoray dhamaadki bishi August 2018 waxaan kale oo la wadaagay isaga iyo asxaabti hormuudka u ahayd isbadalka. Intii aanu wada shaqaynaynay, doodaha Mustafe wuxuu si joogto ah ugu saleeyn jirey mabaadi’ uu ku muujin jiray in uu yahay qof doonaya isbeddel dhab ah iyo cadaalad bulsho.
Mustafa dooddiisa ugu weyn waxay ahaan jirtey:
- xorriyatul qawl;
- inaan qof loo dhibin fikirkiisa;
- inaan hantida shacabka la dhicin;
- in dilalka la joojiyo;
- in taariikhda gobannimo-doonka aan la tirtirin, iyo arrimo kale oo la mid ah.
Doodahaas ayaa nagu qanciyay inuu yahay qof isbeddel keeni kara, isla markaana horseedi kara hannaan siyaasadeed oo ka duwan kii jiray.
Sidoo kale, aniga iyo Mustafe waxaan ka mid ahayn koox isugu timid samaynta dhaqdhaqaaq ka hadla dhibka deegaanka ka jiray, waxaanan la magac baxnay Somali Regional Movement for Justice, oo markii dambe noqotay ururkii SRAJ. Ujeeddada ugu muhiimsan ee SRAJ waxay ahayd in, kadib wada hadalladii u dhexeeyey ONLF iyo dowladdii Ethiopia – xilli ay muuqatay in waddanka isbeddel siyaasadeed ka soo socdo – deegaanku aanu noqon mid matalaad la’aan ah.
Haddaba, kadib burburkii wada-hadalladii u dhexeeyay kooxdii Cabdi Maxamuud iyo JWXO, aniga, Jamaal Diiriye, Xirsi Neero, iyo Cabdullaahi Cakaara waxaan soo jeedinnay in aan loo baahnayn urur siyaasadeed cusub, maadaama deegaanka aanay ahayn in lagu sii kordhiyo culays kale oo ururro badan ah. Waxaan aaminsanayn in xal macquul ahi uu yahay in laga shaqeeyo sidii loo hanan lahaa Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaalida, oo markaas Cabdi xoog ku haystay.
Hase yeeshee, Mustafe wuu diiday aragtidaas. Wuxuu abaabulay koox kale oo aan markii hore ka mid ahayn SRAJ, isaga oo billaabay jihayn cusub oo ururkaas lagu wado. Si kastaba ha ahaatee, nasiib darro, Mustafe marna ma oggolaan in magaciisu si toos ah uga dhex muuqdo heerarka kala duwan ee ururkaas. Waxaan dib ka ogaaday in ujeeddadiisu ahayd inuu abuuro hannaan siyaasadeed oo xubnihii hormuudka u ahaa isbeddelka looga fogeyn karo saaxadda siyaasadda, si awoodda iyo go’aankuba ugu ururaan koox kooban oo isaga ku dhow.
Doorkaygii Isbeddelka
Ka dib tegisteydii Nairobi iyo guud ahaan Kenya, sidaan hore u xusay, waxaan qayb ka ahaa wacyigelinta iyo abaabulka bulshada si loogu bidhaamiyo tacaddiyada uu geysanayey maamulkii degaanka ka talinayey. Waxaan sidoo kale qayb ka ahaa isku dubbaridka shaqooyinka ay wadeen kooxo dhowr ah oo laga yaabay inay ka mideysnaayeen rabitaanka isbeddelka, balse ku kala aragti duwanaa qaabka loo wajahayo iyo maxsuulka ugu dambeeya ee la higsanayo.
Waxaan si gaar ah rafiiq ugu ahaa Mustafe Muxumed Cumar, waxaana laga yaabaa inaan xilliyo ku matalay goobo iyo fadhiyo muhiim ahaa oo go’aanno lagu qaadanayey. Taasi waxay muujin kartaa heerka ay gaarsiisnayd aaminaadda iyo kalsoonida naga dhexeysey.
Xilliyadaas, waxaan rumaysnaa in saaxiibtinimadaas iyo wada-shaqayntaasi ay horseedi doonaan isbeddel dhab ah oo dan u ah bulshada. Hase yeeshee, si tartiib tartiib ah ayey u muuqatay in aragtiyihii hore ee la wadaagayey ay isu beddelayaan hannaan cid gaar ahi ku urursanayso awoodda, taas oo sii xoojisay shakigii iyo kala fogaanshihii markii dambe si rasmi ah nooga dhex curtay.
Shirqoollada, Eedeymaha iyo Xaqiiqooyinka Qarsoon
Qoraalka Cabdi Sheekh ee lagu daabacay Somali Stream wuxuu mudnaa in si toos ah looga jawaabo. Halkii taas laga samayn lahaa, waxaa la doorbiday in bulshada la marin habaabiyo. Anigu waxaan goob jog iyo markhaati ka ahaa dhacdooyinka qaar lagu xusen maqaalka – aan dhaho intooda badanba.
Shirqoolkii Safaaradda Itoobiya
Anigu waxaan ka mid ahaadadkii ka qeyb galay shirka safaaradda Itoobiya ee Cabdi Sheeklh ku xusey maqaalka. Wuxuu ahaa shir ay ahayd inaan wax ka barto marka la eego sida han-yaridu ku jirtey ee loo abaabuley la isaguna dayey in nalagu meel-marsado.
Waxaa maalin Axad ah isoo wacay Mustafe, isaga oo iga codsaday inaan u raaco safaaradda Itoobiya si aan ula kulanno mas’uuliyiinta safaaradda. Wuxuu ii sheegay in Xuseen Xaashi soo abaabulay kulankaas. Xilligaas waxay ku beegneyd dhacdadii foosha xumeyd ee dadka Soomaalida ah loogu laayey magaalada Awaday ee duleedka Harar.
Markii hore waan ka cudur daartay ka qeybgalka kulankaas, anigoo sabab uga dhigay in shir uu soo agaasimay Xuseen Xaashi – oo aanan u arkin nin damiir leh – aanan ka qeyb geli karin. Hase yeeshee, Mustafe, oo sidaan hore u xusay ay naga dhexeysey kalsooni gaar ahi, wuu igu adkeeyey codsigiisii. Taasi waxay sababtay inaan ugu dambeyn aqbalo oo aan kaga qayb galo kulankaas ka dhacay safaaradda. Waxaa na qaabilay safiirkii Itoobiya, Ambassador Dini Muftu, oo ay weheliyaan badi mas’uuliyiintii kale ee safaaradda. Sawirro wadajir ah kadib ayuu shirku bilowday. Nasiib darro, halkii aan filayey in laga hadlo dhacdadii dilka iyo xasuuqa, ajanduhu wuxuu noqday samaynta iyo yagleelidda “Somali Intellectual Association” iyo in la muujiyo inaan nahay dad ka wanaagsan Cabdi Maxamuud Cumar.
Run ahaantii, arrintaasi argagax iyo lama filaan ayey igu noqotay. Si cad u diiday fikraddaas, anigoo leh: “Maxaa gaar inooga dhigaya? Haddii aan la samaynayn Ethiopian Intellectual Association, maxaa Soomaali gaar looga samaynayaa?” Markii shirku dhammaaday, Mustafe ayaa gacanta i qabtay oo yiri: “Xuseen Xaashi maanta ayuu ina shirqoolay – maanta ayaa dadkeeni la layn doona ama la dhibaateyn.” Waxaan ugu jawaabay: “Adiga ayaa anigana i shirqoolay.” Qiyaastii toddobaad kadib waxaa dhacday dhibaatadii qoyska Mustafe haleeshay. Ilaahay ha u naxariisto intii dhimatay. Sidaa darteed, waxaan filayey in Madaxweyne Mustafe si geesinimo leh uga jawaabo eedeymaha Cabdi Sheekh oo qiraal ka bixiyo.
Maxaan ka Ogahay Xidhiidhkii Mustafe iyo Gebre

Waxaa sidoo kale muhiim ah inaan wax ka iraahdo doodda la xiriirta in Gebre iyo Mustafe ay ay lahaayeen xidhiidh. Arrintani ma ahayn tuhun ama hadal la isla dhexmaro; waxay ahayd arrin ay xaqiiqooyin iyo dhacdooyin is xigxigay muujinayeen.
Tusaale, waxaa jirtay xilli ay dhalinyaro ka tirsanaa JWXO, kuwaas oo qoys ahaan ka soo jeeday badidood Gobalka Jerer iyo koox Qoraxay ah, kana biyo diiday jihadii uu ururkaasi u socday, ay soo bandhigeen ajande ku salaysnaa in qoyska Jerer uu iska dulqaado dhibaatada gaarka ah ee lagu bartilmaameedsanayo, isla markaana muujiyaan in JWXO aanu qoyskaas gaar u ahayn, iyaguna si buuxda ugu mideysnayn. Arrintaas darteed waxaa la isku raacay in shir la qabto.
Kadib qabsoomidii shirkaas, waxaa Mustafe u soo baxday fursad uu go’aannadii iyo qorshayaashii halkaas lagu dejiyey ugula heshiin karo taliskii markaas waddanka maamulayay. Muddo yar kadib, waxaa magaalada Dubai isugu yimid koox matalaysay sirdoonkii EPRDF, oo Gebre door muuqda ku lahaa, iyo dhalinyaradii ka soo go’day JWXO – kuwaas oo intooda badan ahaa reer Jarareedkii ka dhex muuqday shirkii Nairobi ee qoyska, isla markaana uu Mustafe abaabulkooda hormuud ka ahaa.
Sidaas darteed, waxaa xilli horeba muuqday xidhiidhka ka dhexeeyay Solomon, Gebre iyo Mustafe. Xidhiidhkaasi ma ahayn mid qarsoon, mana ahayn mid uu Mustafe xiiso gaar ah u qabay inuu la ogaan ama inkiro. Ma filayo inuu Madaxweyne Mustafe ku dhiiran karo isku dayga inuu hadda inkiro.
Kaalintii uu ku lahaa Burburinta JWXO
Waxaa iyana lagama maarmaan ah inaan wax ka tusaalayno kaalintii uu Madaxweyne Mustafe ku lahaa isku dirka iyo suuro-xumeynta JWXO. Aan ku billowno in xidhiidhka Mustafe iyo Xasan Muxumed Macallin uu ahaa mid ka horreeyey isbeddelkii. Wuxuu ku salaysnaa sidii looga midho-dhallin lahaa aragtida ahayd baabi’inta jabhadda. Mustafe wuxuu Xasan la wadaagay in reerku ku waxyeelloobey jabhadda, haddase la joogo xilligii qoys ahaan looga tashan lahaa, loogana faa’iidi lahaa. Mustafe wuxuu soo jeediyey in isagu xidhiidh la sameeyo dawladda Itoobiya, Xasanna xal iyo oggolaansho ka keeno JWXO. Haddaba, waxaan jeclaystay inaan maanta halkan ku qeexo in qorshahaasi ahaa qodobka ugu weyn ee aan gadnay xilligii ololaha lagu jirey, sababtedana in maanta Mustafe yahay hoggaanka deegaanka.
Waxaan caddeyney inaan awood u leenahay inaan kala dirro JWXO maadaama aan muujinney inaan kaadirkeeda iyo hoggaankeedaba gacan weyn ku dhex leenahay. Gaar ahaan waxaa na caawiyey xidhiidhka iyo qoysnimada nagala dhexeeyey Admiral Maxamed Cumar Cusmaan iyo Xasan Macallin.
Dadka badankiisu ma ogayn in JWXO noqotey madal lagu gaadhayo dano kooban oo aan caafimaad qabin, waxayna ku dambeysey in si buuxda loo tirtiro. Sidaa darteed, ka qayb noqoshada Mustafe ee burburintii JWXO ee lagu xusay maqaalka Cabdi Sheekh waxaa loo hayaa caddaymo dhammaystiran, waxaana hubaa inuusan Madaxweyne Mustafe ka jawaabi doonin.
Dhaxalka La-shaqaynta Mustafe iyo Gunaanad
Alle mahaddii, culeys iyo dhibaatooyin badan kadib, waxaa lagu guuleystay in isbeddel siyaasadeed ka dhaco dalka iyo deegaankaba, Mustafana noqdo ruuxii beddelay maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar. Hase yeeshee, waxa lama filaan nagu noqotay markii muddo yar kadib uu Madaxweyne Mustafe billaabay inuu ku eedeeyo badi dadkii kaalinta muuqata ku lahaa dedaalladii loo galay isbeddelka inay la shaqayn jireen TPLF. Wuxuu guda galay inuu dhibaateeyo kana ilaaliyo maamulka uu hoggaankiisa qabtay. Taasi waa sababta maanta maamulkiisa uga madhan yihiin saaxiibbadiisii hore iyo dadkii horseedka u ahaa isbeddelka. Madaxweyne Mustafe wuxuu doorbiday inuu dib u hawlgaliyo kooxdii Cabdi Maxamuud la shaqayn jirtay iyo calooshood-u-shaqaystayaal aan dan ummadeed lagu aqoon iyo kooxa qarsoon oo aan la garan Karin halka ay ku danabayn doonaan qorshjahoodu.
Isbeddelka kadib, waxaan ka mid noqday xubnihii fulinta ee la dhisay. Waxaan qabtay shaqooyin badan oo ka baxsan xafiiskii la ii dhiibay, kuwaas oo qayb ka ahaa dib-u-dhiska deegaanka. Waxaa ka mid ahaa:
- Gudigii dib-u-habeynta xisbiga;
- Gudigii dib-u-habeynta ciidanka;
- Gudigii qabanqaabada dib-u-dejinta ONLF;
- iyo hawlo kale oo badan.
Nasiib darro, aniga iyo Madaxweyne Mustafe – oo markaa u arkayey inuu dantiisii gaadhay, naga caqli badiyey dhammaantayo – ma aanaan noqon kuwo ka midaysan aragtiyada siyaasadeed iyo bulsho toona, si la mid ah ama ku dhaw xilligii aanu dedaalka ku jirrey. Waxaan ku kala duwanaannay dhammaan mowqifyadii masiiriga ahaa, taasina waxay igu kalliftay inaan laba waddo kala doorto:
1) Inaan noqdo shakhsi dano kooban ilaashanaya, kana aamusa gabood-fallada uu sameeyo “walaalkay” magaca nala wadaaga;
2) Inaan bannaanka istaago, caddeeyo mowqifkayga, kana hor imaado taariikh-burburka, magac-burburka, dhibaatada dadka, iyo boobka hantida umadda.
Waxaan doortay waddada labaad. Waxaan mar kale ku laabtay halkii aan taagnaa 2012 iyo dagaalkii aan kula jiray maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar. Farqiga ii muuqda ayaa ah oo keliya in shalay na dhibayey Cabdi Maxamuud—oo aan u arkaynay ruux aan wax baran kana madhan akhlaaqda lagama maarmaanka u ah bulshada—maantana uu na kadeedayo “Cabdi wax bartay,” oo aan ka filaynay inuu noqdo mid aan ku raysanno, balse noqday “ka-darre.”
Waxaan hadda xasuustaa xilligii ololaha kursiga, in nin aan ehel iyo asxaabba ahayn i weydiiyay: “Madaxweyne yaa loo wadaa?” Waxaan ugu jawaabay: “Mustafa.” Wuxuu si yaab leh iigu yiri:
“Waxaad keenaysaan Cabdi oo wax bartay.” Wuxuu sii raaciyay: “Haddii ninkaas la keeno, wixii dhaca idinkaa masuul ka ah; toddoba sano ayay qaadan doontaa in umaddan dhibka laga dulqaado.”Hadalkiisa maanta run buu noqday.
Kala Diristii Ciidanka Gaarka ah
Waxaan sidoo kale rabaa inaan bulshada deegaanka la wadaago inaan ka mid ahaa guddi loo xil saaray dib-u-habaynta ciidanka gaarka ah (Leyu Police) ee deegaanka. Mustafe wuxuu horeyba u qabay in ciidanka la kala diro, wuxuuna marar badan ku soo bandhigi jiray mawqifkaas qoraal iyo hadalba. Wuxuu ku eedayn jiray inay geysteen gabood-fallo badan oo ka hor imanaya xuquuqda aadanaha.
Marar badan ayaan arrintaas ka wada hadalnay, waxaanan isku dayey inaan dhinacyo kale wax ka tuso, isla markaana aan isla fahanno muhiimadda uu ciidankani u leeyahay sugidda ammaanka deegaanka. Isku dayadani waxay suuro-galiyeen inaan sidii uu rabay aan si deg-deg ah loo kala dirin. Hase yeeshee, ugu dambeyn wuu ku guuleystay kala dirkoodii.
Eedeymo Kale oo aan la Inkiri Karin
Qoraalka Cabdi Sheekh wuxuu sidoo kale isoo xusuusiyey xilligii deegaanka la isku eedayn jiray in ruuxu Somalia ka soo shaqeeyey ama wax ku soo bartay. Gaar ahaan Mustafe wuxuu xilligaas wax ku qori jirey jaraa’idka The Reporter, gaar ahaan qaybtiisa Axmaariga. Wuxuu Madaxweyne Cabdirashiid Duulane ku eedeeyey inuu xilal u dhiibay ciidankii iyo saraakiishii dowladdii Soomaaliya. Qoraalladaas waxaa mid ka mid ah lagu magacaabay – inta xusuusteyda ah – Cabdi Kariin Qalinkle, (Allaha u naxariistee) Cabdi Dhuub, iyo Cabdi Isaaq.
Sidaa darteed, eedeynta Cabdi Sheekh ee la xiriirta arrintan waa mid uusan Mustafe (iyo runtii rag kale oo xilligaas ku weheliyeyba) aanay inkiri karin. Waana ta ku kalliftay inuu ka waji gabxo ka jawaabisteeda.
Waxaa kale oo jirta dhacdo kale oo arrintan sii iftiiminaysa. Xilli ku dhow markii Cabdi Kariin Sheekh Muuse (Qalbi-Dhagax) loo gacan geliyay dowladdii EPRDF, ayaan boggayga Facebook ku qoray maqaal aan ugu magac daray “Sheeko Mala-awaal ah,” oo aan kaga sheekaynayay qabashadii Cabdi Kariin iyo sida ay u dhacday. Qoraalkaas wali waxaa laga heli karaa boggayga. Wax yar kadib, Mustafa ayaa i soo wacay isagoo i waydiinaya halka aan sheekadaas ka keenay. Waxaan ugu jawaabay inaan anigu sameeyay, isla markaana ay caddahay inaan cinwaanka ku sheegay inay tahay mala-awaal. Wuxuu isku dayay inuu igu qanciyo inaan ka saaro.
Maalmo kadib markii aan arrintaas ka sii sheekaysanay, waxaan hadalladiisa ka fahmay inuu wax badan ka ogaa dhiibistii Cabdi Kariin, isla markaana uu talo ku siiyay Xasan Cali Khayre sida ay arrinta u wajahaan. Waxaa laga yaabaa in qofku is waydiiyo: haddii uu Mustafe wax ka ogaa ama qayb ku lahaa arrintaas, muxuu markii uu xukunka qabtay ugu sameeyay Cabdi Kariin iyo qoyskiisa maamuus iyo maqaam?
Jawaabta aniga ila muuqata waxay tahay in tallaabadaas ay ahayd isku day lagu qarinayo raadadka ama shakiga ka dhalan kara kaalintii uu ku lahaa dhibaatadaas. Hab-dhaqankiisa iyo sida uu isu tusayay qof u damqanaya Cabdi Kariin iyo qoyskiisa waxay ii muujiyeen qof isku dayaya inuu daboolo wixii uu ogaa ama uu door ku lahaa.
Arinta in Safiirk loo magacaabay Husen Hashi, waxaa goob jog iyo xog ogaal ka ahaa in aniga iyo mustafe aan kala hadalnay in Husen uu ku khaldanyahay in Safir Somalia u noqdo maadama deegaanka aan kaso jeednay dhibaatada haysta hadhaw aanan waxba laga qaban Karin, “hadii u xil u baahanyahay ha imaansado oo ha samro anaga hadhaw xil siin doonee” hadaladi uu Mustafe ugu jawaabay Husen xiligi aan ku qancinaynay inuu ka laabto arintaa.
Gunaanad
Sidaas darteed, qoraalka Cabdi Sheekh ma aha oo keliya mid soo bandhigay eedeymo siyaasadeed; waa qoraal dib u soo nooleeyey xusuuso, dhacdooyin, iyo xaqiiqooyin badan oo dad badan hore u ogeyn ama ay iska indho tireen.
Aniga ahaan, dhaxalka aan ka dhaxlay la-shaqaynta Mustafe wuxuu noqday cashar siyaasadeed oo qadhaadh: in mararka qaar qofkii aad u aragto badbaadiye uu isu beddeli karo mid dhibtii ka sii daran.
Waxaa qoray: H.A. Cumar
Email: Sent.to.omar@gmail.com

Leave a Reply