Waxaa tarjumay: Guuleed Axmed Jaamac
Laetitia Bader oo ah cilmi baadhe sare oo ka tirsan Qeybta Afrika ee ururka caalamiga ah ee Human Rights Watch, ayaa ka hadashay go’aanka Gudida Qaran ee Doorashooyinku uu ka soo saaray isticmaalka baraha bulshada xiliga doorashada. Waa kan qoraalkii ay soo saartay oo dhamaystiran.

13ka November, dalka iskii ugu dhawaaqay madax banaanida ee Somaliland, ayaa qaban doona doorasho madaxwayne oo ah tii sadexaad ee ay qabato tan iyo 1991 kii markii ay ku dhawaaqday inay ka madax banaan tahay Soomaaliya. Madaxwaynaha hadda xilka haya ayaa xilka ka deggi doona, waxaana ku baratamaya murashaxiin ka socota xisbiga talada haya iyo laba mucaaraad ah, doorashadan oo faalada dadka bixiyaa ay ku tilmaameen tartan isku dhow.
Gudida Qaran ee doorashadu wuxuu maanta kaga dhawaaqay shir jaraa’id in uu xidhi doono baraha bulshada laga bilaabo 13 ka November ilaa inta ay soo baxayso natiijada doorashadu.
Iyada Dawladuhu ay u raadiyaan xayiraaddaha caynkaas ah cudurdaar ah in faalada laga bixiyo dooashadu ay keenayso rabshado ama fiditaanka “war been abuur ah,” haddana in dadku helaan xog waxay daruuri u tahay in la helo doorasho xor iyo xalaal ah.
May 2015 baaq ay soo wada saareen khuburo ka kooban Dawlado badan oo u xilsaaran xorriyadda hadalk,a waxaay sheegeen in xidhitaanka qeyb dhan oo ka mid ah habka is gaadhsiintu aanu ahayn “mid sina weligii cudurdaar loogaga heli karo xeerka xuquuqda aadanaha.” Xanibaadaha Dawladuhu soo rogaan waa inay yihiin kuwo sharciga ku saleysan oo daruuri ah, islamarkaana u dhigma jawaab laga bixinayo walaac amni oo cayimn, balse maaha inuu noqdo uun in la xanibo qulqulka xogta.
Xayiraadan hadda la soo jeediayay waxaay noqon doontaa tii u horaysay ee Somaliland ka dhadca, balse kuma cusba gobolka. Dalal dhawr ah oo ay ka mid yihiin Suudaan, Koonfurta Suudaan iyo Itoobiya ayaa madaxdooda is gaadhsiintu ay si toos ah u xanibeen interneetka maalmo ama muddooyin ka badan inta lagu jiray xasilooni darro bulsho ama doorasho.
November 2016 Gudida Afrika ee Xuquuqda Insaanka iyo Dadyowga ayaa ka muujiyay walaac “dhaqanka soo baxaya ee ah inay Dawlado qasayaan ama xanibayaan in la helo adeegyada is gaadhsiinta sida interneetka, baraha bulshada, adeegyada fariimaha, kuwaas oo sii badanaya xiliga doorashooyinka,” waxaayna ugu baaqeen Dawladaha inay damaanad qaadaan, ixtiraamaan, oo ilalaiyaan xuquuqda muwaadiniintu u leeyihiin xorriyadda xogta iyo cabiridda iyaga oo isticmaalaya adeegga interneetka.
Madaxda Somaliland waa inay aqoonsadaan in interneetku door muhiim ah ka ciyaaro horumarkeeda iyo geedi socodka dimoqraadiyada. Haddii ay walaac ka qabaan fiditaanka “war been abuur ah’ iyo xasilooni darro bulsho, waxaay fidin karaan xogta saxda ah, waxaayna wacyi gelin ka samayn karaan inaan la samayn rabshado.
Somaliland waxaay fursad u haysataa inay u qabato doorashada hanaan kobciya ka qaybgal sax ah. Waa inay ka noqoto qaadista talaabooyin waxyeelo taas u gaysan kara.
W/T Guuleed Axmed Jaamac
Email: dafac02
Leave a Reply