Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

HINDISAHA XILKA-QAADISTA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA

UJEEDDO: HINDISAHA XILKA-QAADISTA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA

M.ne Guddoomiye, Mudanayaal;

Annagoo ah Xildhibaanada ku saxiixan Hindisahaan, Waxaan Golaha Shacabka u soo gudbinaynaa Hindisaha Xilka-qaadista Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si waafaqsan qodobka 92aad, faqradiisa 1aad iyo 2aad ee dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Hindisaha xilka-qaadista Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya waxaan soo jeedinaynaa kadib markii uu ku kacay qiyaano-qaran, kuna xadgudbay dastuurka qaranka iyo sharciyada kale ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya sida hoos ku qodobaysan:

QAYBTA 1AAD: Ku xadgudub mabaadii’da iyo shuruudaha isucelinta Eedeysanayaasha iyo Dembiilayaasha
Madaxweynaha Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu si ula kac ah ugu xadgudbay Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu ka saaranyahay waajib Dastuuri ilaalintiisa sida uu dhigayo qodobka 87aad iyo 96aad ee Dastuurka. Qodobada Madaxweynuhu uu ku xadgudbay waxaa ka mid ah:

1. KU XADGUD QODOBKA 36AAD EE DASTUURKA FEDERAALKA
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu si oggaal leh ugu xadgudubay qodobka 36aad ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya ee xeerinaya mabaadii’da iyo shuruudaha isucelinta Eedeysanayaasha iyo Dembiilayaasha Qodobka 36aad farqadiisa 1aad iyo 2aad ee Dastuurka Federaalka ayaa xeerinaya in isucelinta eedeysanayaasha iyo dambiilayaasha dhexmari kara Jumhuuriyadda Soomaaliya iyo Dowlad kale ay ku dhici karto oo kaliya si waafqsan sharciga iyo in uu jiro:

1) Heshiis isu-celin ah oo ay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dhinac ka tahay iyo heshiis caalami ah oo ku waajibinaya Dawladda Federaalka Soomaaliyeed celinta eedaysanaha ama dembiilaha.

2) In ay ahaataa mid waafaqasan dhaqanka iyo qaanuunka caalamiga ah, waana in Baarlamaanka Federaalka ah soo saaraa sharciga lagu maamulayo isucelinta dembiilayaasha.

2. KU XADGUDUB QODOBKA 10AAD IYO 35AAD EE DASTUURKA FEDERAALKA:

Waxuu Madaxweynaha si aan ganbasho lahayn ugu xadgudbay qodobka 10aad ee dastuurka farqadiisa 1aad, 2aad iyo 3aad, oo dhamaantood tilmaamaya ilaalinta karaamada aadanaha iyo in aan marna awoodda dowladda loo isticmaalin meel uga dhicida karaamada aadanaha.

Sidaas si lamid ah Madaxweynuhu waxa uu ku tuntay qodobka 35aad ee dastuurka ee si cad u qeexaya ilaalinta xaquuqda eedeysanaha, qaas ahaan. In aan qofna lagu qasbi karin dembi-qirasho. In mudo 48 saac gudahooda lagu horgeeyo maxkamad awood 
u leh. In xaaladdiisa la gaarsiiyo qoyskiisa ama eheladiisa. In Eedeysanaha aan lagu hayn karin goob aan sharcigu bannayn iyo xaqa uu u leeyahay in uu qabsado qareen difaaca.

QAYBTA 2AAD: Ku xadgudub Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliyeed

3. KU XADGUDUB QODOBKA 278AAD, 279AAD IYO 280AAD EE XEERKA CIQAABTA SOOMAALIYEED

Sidoo kale madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya waxa uu ku xadgudbay dhammaan qodobbada Qodobka 278aad, 279aad iyo 280aad ee Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliyeed (Sharci Lr. 1 ee 1-dii Juun 1963), oo dhamaantood tibaaxaya habka, raadraaca iyo shuruuradaha lagu celin karo qofka eedeysanaha u ah dowlad shisheeye ama dembi ka galay.

Haddaba, iyadoo uusan jirin heshiis Soomaaliya dhinac ka tahay iyo heshiis caalami ah oo ku waajibinaya ama sharci uu ansixiyay Goleyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka u dhiibay M.ne. Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi dhagax) dowlada Itoobiya si aan waafaqsaneyn Qodobka 36aad ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya iyo Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliyeed, taasoo xudgudub culus ku ah Dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla.


HALKAN KA AKHRI: HINDISAHA XILKA-QAADISTA MADAXWEYNAHA DFS

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.