W.Q. Liibaan Axmad
Heshiisyada maamullada Soomaaliyeed la galaan shirkadaha iyo dalalka shisheeyaha ah waa halista ugu weyn oo soo foodsaarta danaha Soomaalida. Heshiiskii maamulka Somaliland saldhig militari ku siiyay Imaaraadka Carabta iyo kii uu la galay shirkadda DP World waxay ismaandhaaf ka dhex dhaliyeen dowladda Soomaaliya iyo dowladda Imaaraadka Carabta.
Heshiiskii Puntland la gashay DP World wuxuu isna sidoo kale abuuray xiisad siyaasadeed. Sabtidii (28/11/2020) Baarlamaanka Puntland wuxuu taageeray codsi diidaya in xildhibaannadu ka doodaan heshiiska Puntland iyo DP World dhexmaray.
Somaliland iyo Puntland waxay hesiis la galeen shirkad ay dowladda Imaaraadku leedahay. Taas macnaheedu waa DP World waxaa dhinac taagan qarannimo halka Somaliland iyo Puntland u ekaadeen sida beelo dal heshiis la galaya.
Markii ugu dambaysay oo beelo Soomaaliyeed heshiis la galeen dal shisheeye ah Soomaalidu waxay dheeftay in dhulkoodii lagu wareejiyo Itoobiya. Heshiiska Soomaalidu la galeen Biritayn wuxuu farayay beelaha inaysan bagcad dhulkooda ka mid ah rahmin ( mortgage).
Maxaa u sahlay Biritayn inay heshiiska jebiso oo Soomaalida eedsiiso go’aankii heshiiska? Jawaabta oo kooban waxaa laga dhex helaya sida Soomaalida loo xukumi jiray. Mahmoud Mamdani ayaa ku qoray buuggiisa Subject and Citizen: Contemporary Africa and the Legacy of Late Colonialism, in dadka dhulka leh lagu dhaqi jiray xeer ( customary law), dadka u dhashay dalka wax xukuma lagu dhaqi jiray Common Law. Waa sababta doodda Soomaalida dhulkoodii la bixiay u socon waysay.
Sidee Puntland ula doodi kartaa DP World oo dowladi ay leedahay, haddana dib looga saaray suuqa saamiyada lagu kala iibsado ee Nasdaq si dowladdu u iibiso shirkadda? Dekedda Boosaaso ma dowladda Soomaaliyeed baa ka mas’a’uul ah mise Puntland? Labadan su’aalood waa kuwo ku adkaaday maamulka Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, oo dhaxlay heshiiska DP World ku maamuli doonto Dekedda Boosaaso. Kaabayaasha qaranka Soomaaliyeed beel may dhisan. Magaca Soomaaliya ayaa lagu dhisay.
Kaabayaasha qaranka waxay la waxtar yihiin dhulka dal. Sida dowladdu mas’uul uga tahay ilaalinta dhulka ayay mas’uul uga tahay ilaalinta kaabayaasha. Ujeeddada habka federaalku ma ahayn in maamul kasta heshiis la galo shirkad shisheeye maanta oo qarannimadu noqotay waxa keliya oo la cuskado si looga badbaado dibindaabyo dhaqaale iyo mid siyaasadeed.
Soomaalidu waxay maanta u baahan tahay heshiis siyaasadeed oo lagaga hortagayo in maamullo ay kaabayaasha qaranka heshiis ku galaan waayo Soomaaliya kama duwanaan karto dalalka Bariga Afrika iyo Geeska Afrika ku yaalla. Ma jiro dal goboladdiisu heshiisyo la galaan dalal ama shirkado shisheeye.
Way adkaan doontaa ilaalinta kaabayaasha Soomaalida haddaan mabda’ ahaan la isku raacin in sida hadda maamulladu heshsiiyadu u galaan halis ku tahay danaha Soomaalida oo dhan. Haddii heshiis laga gaari waayo dhibtan taagan waxaa dhici doonta in Soomaaliya loo maamulo hab xoriyad-gaarsiin (trusteeship).
Heshiiska lagu maamuli karo kaabayasha qaranka ayaa noqon kara mid awoodda aan ku koobin dowladda dhexe. Dowladda dhexe aqoonsi caalami ah way haysataa hase ahaatee waa mid u baahan dheellitir. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dowladdiisii shaqadii ugu horreysay oo ay u dhaqaaday waxay ahayd raadinta lacagaha Soomaaliya ka yaalla bangiyo gaar loo leeyahay. Awooddii aqoonsiga ayay dowladdu adeegsatay si ay u raadiso hanti Soomaali ka dhexeysa oo si lunsi looga dhowri akro aysan jirin haddii dowladdu ay maamusho. Casharka ku jira siyaasaddaas dowladeed waa in dowladdu la iman karto siyaasado ka halis badan kuwa maamul federaaleedyada. Dowladda Federaalka iyo Maamul Federaal (Federal Member State) toonna ma laha hab kala ilaaliya awoodaha fulinta, xeerdejinta iyo garsoorka.
Dayaca haysta kaabayaasha qaranka Soomaaliyeed waa halis Soomaalidu aysan ku baraarugsanayn. U babacdhigista halistan waa mid Soomaalida oo dhan u taalla.
W.Q. Liibaan Axmad
Email: libahm@gmail.com
Leave a Reply