Hay’adda Xuquuqda Insaanka ee Amnesty International oo warabixn ka soo saartay Laascaanood

Hay’adda Xuquuqda Insaanka ee Amnesty International oo warabixn ka soo saartay Laascaanood

Muqdisho (WDN)- Hay’adda Amnesty International oo baaritaan gaar ah ku samaysay dagaalka Laascaanood ayaa caddaysay in ciidamada Somaliland si ba’an oo aan kala sooc lahayn u beegsadeen dadka rayidka ah oo ay ku jiraan carruurta iyo haweenka.

Baaritaanka hay’adda ayaa lagu ogaaday in ciidamada Somaliland ay shacabka Laascaanood u adeegsadeen hub mamnuuc ka ah in loo isticmaalo goobaha rayidka islamarkaana si aan kala sooc lahayn ugu duqeeyeen xarumo ay kamid yihiin isbitaallo iyo maasaajid.

“Isbitaalada iyo Ambalaasyada waa in aan marnaba la bartilmaameedsan. Waa in uu jiraa baaritaan madax-banaan oo lagu sameeyo dhammaan xadgudubyada xuquuqda aadanaha iyo sharciga bini’aadantinimada, si loo xaqiijiyo la xisaabtanka kuwa mas’uulka ka ah, iyo magdhowga dhibanayaasha,” ayuu yiri Tigere Chagutah, Aggaasimaha Gobolka ee Amnesty International ee Bariga iyo Koonfurta Afrika.

“Dhammaan dhinacyada isku haya Laascaanood waa inay joojiyaan weerarrada aan loo meel dayin, oo ay u guntadaan ilaalinta dadka rayidka ah, ayna ixtiraamaan xeerarka u degsan sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada”

Warbixinta Amnesty, ayaa sidoo kale lagu xusay in Ciidamada Somaliland ay Laascaanood ku dileen  in ka badan 100 qof oo rayid ah, waxaana ay ku dhaawaceen ilaa 600, halka ay bara-kiciyeen 154,000-203,000 kun oo dayid ah sida ay xaqiijisay hay’adda Amnesty International. Dadkii ka qaxay dagaalka Laascaanood ayay Amnesty sheegtay in ay u baahan yihiin gargaar.

Hay’adda ayaa Amnesty ayaa dalbatay in baaritaan deg deg ah oo madax-bannaan lagu sameeyo dhammaan xad-gudubyada ka baxsan banii’aadanimada ee ka dhacay Laascaanood si loola xisaabtamo kuwa mas’uulka ka ah gabood-falkaas.

Ma jiro wax war ah oo ilaa iyo imika ka soo baxay dhanka Somaliland oo ku aadan eedeynta Amnesty ee ah in duqeyn aan kala sooc lahayn ay Laascaanood ka geysteen.

Halkan ka akhriso xogta Hay’adda Amnesty

Siciid Maxamed Axmed
WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.