Muqdisho (WDN)- Wararka ka imanaya gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in weerar qaraxyo ku bilowday lagu qaaday fariisimo ay ciidamada dowladda Soomaaliyaku leeyihiin deegaanka Budbud oo ka tirsan degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.
Gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyay, iyo dad isku xoo xirey walxaha qarxa, ayaa la sheegay in lagu weeraray labo saldhig oo ay ciidamada dowlada ku lahaayeen Budbud.
Dagaal xooggan oo dhacay weerarka kadib, ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhashay Khasaare badan.
Khadka isgaarsiinta deegaanka Budbud oo go’day, ayaa sabab u noqotay in faah faahin dheeraad ah aan la helin.
Al-Shabaab ayaa dhinacooda sheegtay inay saldhigga ciidamada dawladda ee Budbud ay cagta mariyeen, waa sida ay hadalka u dhigeene, askarna ay ka dileen ciidamada dawladda Soomaaliya.
Hase yeeshee, war kooban oo ka soo baxay dowlada federaalka Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka, ay jab culus ku gaarsiiyeen Al shabaab dagaal ka dhacay deegaanka Budbud.
Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee Macawisley-da ayaa ka waday qorshe lagaga kicinayo maleeshiyaadka Al Shabaab deegaano badan oo ka tirsan Galmudug iyo Hirshabeelle, halkaasi oo dhul bada dib looga qabsaday Al Shabaabb.
Siciid Maxamed Axmed
WardheerNews
Leave a Reply