Hawlgalo ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladu ka sameeyeen magaalada Baladweyn

Hawlgalo ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladu ka sameeyeen magaalada Baladweyn

Muqdisho ( WDN) – Howlgal ay maanta Ciidanka Dowlada iyo kuwa AMISOM ay ka sameeyeen magaalada Baladweyn ee gobalka Hiiraan, ayaa waxa ay gacanta ku soo dhigeen tira dhalinyaro ah oo lagu tuhmayo in ay ka mid ahaayeen maleeshiyada Alshabaab

Baaritaan_Baladweyn
Baaritaano ay ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya ka sameeyaan magaalada Baladweyn.

Saqdii dhexe ee xalay  ayaa howlgalkan waxa uu ka bilowday xaafada Howlwadaag ee magaalada Beledweyn, waxaana la xiray wadooyinka waaweyn ee magaalada iyadoo dadka lagu baarayay meel walba oo ay joogaan ciidamada.

Guddomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdi Faarax laqanyo oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in ay heleen xog ku saabsan in rag ka tirsan Alshabaab ay soo galeen gudaha magaalada Beledweyn sidaa darteedna ay bilaabeen howlgalkan .

Howlgalkaasi oo  xalay bilaabmay ayaa ahaa mid aad u adkaa iyada oo dhamaan la xiray wadooyinka soogala magaalada. Waxay wararku sheegayaan in intii uu socday howlgalka ay dadka ku sugnayeen xaafadahooda oo aanay  jirin cid lagu arkayay gudaha magaalada.

Baaritaan_BalatweynWaxaa dadka inta badan laga soo qabqabtay guryaha ay daganaayeen oo ay ciidanka ugu galeen.Howlgakan ayaa ah kii ugu horeyay   oo ay si wadajir ah  u sameeyaan  ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlda Soomaaliya ee kusugan magaalada Beledweyn.

Modooyinkii  la soo dhaafay ayaa xaafada Howlwadaag ee ku taal dhinaca Galbeed ee magaalada Beledweyne, waxaa ka dhacayay qaraxyo loo adeegsaday bambada gacanta laga tuuro sida ay sheegayaan saraakiisha Ciidnka Dowlada ee magaalada Baladweyn ee xarunta gobalka Hiiraan oo ku dhawaaqay in ay howlgalada lasii wadi doono tan iyo inta ay xaalada caadi ka noqoto.

Hawlgalkan ayaa  ah markii ugu horeysay ee baaritaan nuucani ah laga sameeyo Baladweyn.

Maxamed Amiin
WardheerNews
Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.