Muqdisho (WDN)- Howlgal gaar ah oo Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa maleeshiyada Macawisley ay ka sameeyeen deegaanada Ceel Qansax & Ceel Huyun oo ka tirsan gobolka Galgaduud, ayaa lagu khaaarajiyay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Khawaariijta ah.
Cartan iley oo ahaa Gacan-yaraha Koba kutukade ayaa lagu dilay howlgalka, sidoo kale ciidanku waxaa ay burburiyeen Saldhigyadii Kooxda Khawaarijta Al Shabaab ee deegaanadaas. Horjooge Daahir Calasoow oo dhibaatooyin badan ka geeystay Gobollada Galgaduud iyo Sh/dhexe, ayaa sidoo kale lagu dhaawacay howlgalkaan gaarka ah .
Ciidanka XooggaDdalka iyo xooggaga xoreynta deegaanka ee Macawisleyda ayaa sidoo kale maanta weerar culus ku qaaday fariisimo maleeshiyada Khawaarijta Al Shabaab ku lahaayeen tuulada Habar Gacalo, oo hoos tagta deegaanka Budbud oo shalay Cadowga laga xoreeyay.
Ciidamada ayaa howlgalkaas qorsheysnaa ku dilay 9 ka tirsan maleyshiyaadka Khawaarijta, waxaana la burburiyay fariisimihii ay deegaankaas kaga sugnaayeen, iyadoo hadda wali la sii baacsanayo. Sidoo kale Ciidanka Xoogga Dalka ayaa duleedka degaanka Janaale ee gobolka Shabeellada Hoose ku laayey maleeshiyo Al Shabaab ah oo dooneysay inay jidka u galaan kolonyo ka tirsan ciidanka ATMIS.
Saraakiisha ciidanka Xoogga Dalka ayaa warbaahinta qaranka u sheegay inay halkaas ku dileen ugu yaraan 10, kuwaas oo meydadkooda ay warbaahinta u soo bandhigeen. Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgalo is daba jooga kawada koonfurta Soomaaliya, hawlgaladan khawaarijta –Al Shabaab lagaga xoraynayo waddanka ayaa ka mida Wejiga 2-labaad ee dibu xoraynta dhulka ay Al-shabaab maamusho.
Bulshada degan degaanada laga xoreeyey Al Shabaab ayaa aad usoo dhowooyey ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxayna ciidamada la wadaagin dhibaatooyinkii ay ku hayeen dagaal yahanada Al-Shabaab.
Siciid Maxamed Axmed
WardheerNews
Leave a Reply