Muqdisho (WDN)- Sida lagu faafiyey warbaahinta rasmiga ee dawladda federaalka Soomaaliya, 15 xubnood oo ka tirsan tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal qorshaysan iyo duqayn ciidanka gaarka ah ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen deegaanka Buulo Madiino oo tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.
Xubnahaan Alshabaab ee la laayay oo si gaar ah uu ugu daba jiray Sirdoonka Soomaaliya, ayaa ahaa firxadkii ka bad baaday howlgal 23-kii bishaan laga fuliyay deegaanka Buulo Madiino. Kaas oo lagu dilay 49 ka tirsan maleeshiyaadka kooxdaasi.
Ciidanka gaarka ah ee hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa burburiyay gaadiid ay ku baxsanayeen maleeshiyaadka Alshabaab iyo hubkii ay wateen kadib duqeyn dhanka cirka ah oo xigey hawlgal dhanka dhulka ah.
Dhanka kale Al-shabaab ayaa si wayn loogu jabiyay dagaal maanta ka dhacay deegaanka Qaayib ee gobalka Galgaduud, ka dib markii Al Shabaab weerar qaraxyo ismiidaamin ah oo xigay dagaal fool ka fool ah ku qaadeen ciidanka xoogga dalka iyo maleeshiyaadka deegaanka ku qaadeen.
Warbaahinta dawladda ayaa sheegtey in hadda si buuxda deegaankaasi ay gacanta ugu hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, iyada oo lagu sii daba jiro firxadka Alshabaab, kuwaasi oo weerarka ka dib dib u gurtey.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay ayadoo kaashanaysa shacabka in ay sii wadi doonto ciribtirka kooxda argagixisada Al-Shabaab, si loo helo xasilooni ay ku naaloodaan ummadda Soomaaliyeed oo kooxdani ay in muddo ah caburin iyo xasuuq ku haysay.
Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply