Thursday, May 16, 2024
Wardheer News
  • Featured
  • Slideshow
  • Warar

Hawlaha Adeegyada Bulshada ee Deegaanka Soomaalida oo Musuqmaasuq Ragaadiyay

Madaxweyne Mustafe Cagjar

Xaaladda deegaanka Soomaalida siiba dhinaca xafiisyada bixiya adeegyada bulshada ayaa laga dayrinyaa iyagoo maalinba maalinta ka dambeysa ay ka sii daraya noqdayna kuwa fadhiid ah oo gabay hawlihii loo igmaday.

Wararka laga ka helayo caasimadda deegaanka ee Jigjiga ayaa sheegaya in xafiisyada dawladda badankooda ay yihiin kuwa wax hawl iyo waxqbad bulsho oo la tilmaami karo aanay ka socon , iskuna beddeleen goobo asxaabtu ku qaxweyso oo lagu sheekaysto.

Musuqmaasuqa iyo xatooyada xoolaha ummadda ayaa gaadhay heerkii abid ugu darnaa iyadoo mas’uuliyiinta hay’adaha dawladduna ku tartamaan dhisidda guryo waaweyn iyo maalgashiga meherado la isugu faano iyagoon habayaraatee qabin wax cabsi ah maadaama sharcigii iyo isla xisaabtankii meesha ka baxeen.

Qaybaha adeegga ee sida gaarka ah bulshada u saameeya sida waxbarashada , caafimaadka iyo shaqo abuurka ayaa u muuqda kuwo aad u kooban tayadooduna liidato iyadoo isbitaaladiina noqdeen qashin qub ay bisaasku u hoydaan.

Arday wax ku baranaysa dhirta hoostooda

Waxaa nasiib darro ah in madaxda iyo mas’uuliyiinta dawladdu ay dhex fadhiyaan dhismayaal qurux badan oo aad loo qalabeeyay ayna ku baxday hanti fara badan isla markaana wax shaqo iyo adeeg bulsho oo la sheegi karo oo ka socdaa aanay jirin, dhanka kalena ay ubadka soo koraya ee deegaanku ay wax ku bartaan dhirta hoosteeda iyagoo aan haysan fasallo iyo agabkii kale ee lagamamaarmaanka u ahaa waxbarashadooda.

Layaab ma leh marka aad fiirisid xaaladda waxbarashada ee deegaanka Soomaalida in aan aragno arday tiro badan oo ku guuldarraysata imtixaanada shahaadiga ah ee Itoobiya iyo kuwa jaaamacadaha lagu galo.

Dayaca ka muuqda adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada deegaanku waa astaan innoo muujinaysa karti darrada iyo maamul xumada xilligan ku habsatay deegaanka Soomaalida ee uu horjoogaha ka yahay madaxweyne Mustafe Cagjar.

Madaxweyna Cagjar oo isagu ka arriminayay deegaanka Soomaalida afartii sano ee u dambeysay islamarkaana deegaanku ku naaloonayay xilligaas nabadgelyo ka dib markii ururkii ONLF la galay heshiis nabadeed dawladda Itoobiya ayaa u muuqda mid ku guul darraystay wax ka beddelka nolosha shacabka Soomaalida ee muddada dheer dhibbanyaasha u ahaa maamulladii kala duwanaa ee ka arrimin jiray Itoobiya.

Iyadoo dhallintii Soomaaliyeed ee ka qalinjabiyay jaamacaduhu ay ku shaqo la’yihiin deegaankooda ayaa haddana deegaanka Soomaalidu noqday meel ay u soo shaqo tagaan qawmiyadaha kale ee Itoobiya oo aad moodo in iyaga la siiyo mudnaanta koowaad marka ay noqoto dhanka shaqaalaysiinta.

Madaxweyne Cagjar ayaa intii uu xilka hayay ku caan baxay iska dhaadhicinta madaxda ka arrimisa Addis Ababa iyo maamulka Oromada maadaama ay Oromadu xilligan hoggaanka u hayso Itoobiya si uu maalmo ugu sii nagaado kursiga.

Dr Xuseen Xaashi

Maamulkii deegaanka ayaa la sheegayaa in uu u gacangalay koox beelaysan oo uu horseed ka yahay wasiirka madaxtooyada Xuseen Xaashi Qaasim oo hadda lagu naanayso mulkiilaha dawladda.

Waxaa iyana meesha ka baxay mucaaradkii la xisaabtami lahaa dawladda, kuwaas oo ay naafaysay qabyaalad iyo karti xumo ka dib markii maamulka Cagjar u adeegsaday hantidii ummadda sidii uu u kala jabin lahaa mucaaradka oo markiisii horeba iska liitay halka shakhsiyaad aad u dhaliili jirayna uu xabsiga dhigay.

Si kastaba ha ahaatee maamulka madaxweyne Cagjar oo shacabku aad ugu hanweynaa markii ay xukunka la wareegeen lana filayay in uu wax ka qaban doono baahiyaha asaasiga ah iyo guud ahaanba dhibtooyinka ka jira deegaanka ayaa noqday mid lagu hungoobay iyadoo shacabkuna hadda ay aad u quudaraynayaan in taliska Addis Ababa uu isbeddel ku samayn doono hoggaanka sare ee deegaanka Soomaalida.

Waxaan shaki lahayn si kasta oo isbeddel loogu sameeyo maamulka deegaanka in aanay wax macno leh soo kordhinayn ilaa inta laga helayo mas’uuliyiin damiir leh oo ku yimaada rabitaanka shacabka wax walbana ka hormariya danaha muwaadiniinta ay mas’uulka ka yihiin.

W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan Xasan

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.