Halkuu ku Dambeeyay Kulankii guddiga qabanqaabadda shirka DFS iyo Dowlad Goboleedyada

Muqdisho (WDN)- Waxaa tan iyo intii uu xukunka qabtay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, bishii Febraayo 2017,  sii xumaanayay xidhiidhka Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS)  iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah. Maadaama uu muddo xileedkii DFS iyo Baarlamaanka Federaalku uu ku jiro sanadkii u danbeeyay, ayaa beesha Caalamku culeys saartay in ay kulan isugu yimaadaan madaxda DFS iyo Dowlad Goboleedyada.

Qabanqaabada kulankaasi ayaa ku soo beegantay, xili uu guud aahan caalamka soo foodsaaray cudurka dilaaga ah ee Covid-19, taasi oo wax badan ka badeshay qorshihii shirka.

Waxaa lagu heshiiyay in guddi matalaya DFS iyo Maamul Goboleedyada loo saaro diyaarinta agendada shirka, goorta iyo goobta shirka madaxweynayaasha.

Shirkii u horeeyay ee gudiga farsamo, ayaa dhacay bishi May 27 qaab muuqaal-ka Zoom ee aalada internet-ka (virtual zoom meeting).

Shirka guddiga farsamo waxaa ay Villa Soomaaliya u soo gudbisay agende ay iyadu iskeed u diyaarisay, oo ka koobnaa afar qodob:

1. Doorashadda 2020/21
2 Dib u eegista Dastuurka.
3. Amniga iyo
4 Xiriirka hay’adaha dowliga ah.

Shirkii ugu horreeyey markii laysugu yimid bishi May 27, waxaa xoogga la saaray in  ajendaha lagu soo koobo oo kaliya Doorashadda 2020/21. Dood dheer ka dibna waxaa u suurta gashay gudiga in lagu heshiiyo  kulan kale iyo shir labaad iyo in agenda la soo koobo.

Shirki 2-aad oo lay iskugu yimid isla Muuqaal ahaan barta internetka Zoom (virtual zoom meeting) bishan Juun 2-dii, waxaa aad looga doodday in lagu heshiiyo  oo laysla xadiddo goobta iyo goorta shirka Madaxweynayaasha DFS iyo Dowlad Gobleeyadu isugu imaan doonaan shir fool ka fool ah. Markii la isku af garan waayay in la isla meel dhigo goobta iyo goorta shirka madaxda, waxaa mar kale la balamay in shir sedexaad iyo wada tashi ka gadaal, la isku soo noqdo.

Madaxweynaha Maamulka K/G Md. Lafta Gareen

Shirkii sadexaad wuxuu dhacay maalintii Khamiista ee bishan Juun 5-dii. Dood dheer kadib waxaa la soo jeediyay in shirka madaxdu uu noqdo shir Muuqaal adeegsiga Internet-ka ( Virtual zoom meeting), arinkaasi oo ay  ka soo horjeeedsatay Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed ee Baydhabo. Taasi oo lagu fasirtay in ay Villa Soomaliya ay diiddistaas gacan weyn ku leedahay, oo dabada ka riixayso.

Dad xogxogaal ah oo ku dhow shirkaasi, ayaa u sheegay WardheerNews in Dowlad Goboleedyada Puntland, Hirshabeele iyo Jubbaland ay guddiga shirka iyo beesha Caalamka ku wargeliyeen in haddii aan shirka la qaban inta ka horaysa 10-ka bishan Juun, aanay qayb ka ahaan karin.

Dowlad Goboleedyadaasi Puntland, Hirshabeele iyo Jubbaland, ayaa walaac ka qaba cag jiidka DFS, iyaga oo sheegay in DFS aysan diyaaar u aheyn in wada tashi dhab ah laga yeesho masiirka Doorashooyinka 2020/21, balse ay wado qorshe wakhti lumis ah.

Wararka soo gaadhaya WarheerNews, ayaa sheegaya in go’aankaas culus ee ay qaateen aqalabiyada Dowladl Goboleedyadau, ka gadaal ay beesha Caalamku soo dhex gashay iyaga oo wada dhaqdhaqaaq sidii shirkaasi u qabsoomi lahaa, oo lagu badbaadin lahaa.

Wixii warar ah ee ku soo kordha wadahadlaasi burburay, waxaanu idinkula socodsiin doonaa wararkayaga dambe.

WardheerNews