Dibumilicsiga Kaydka WDN: Haddii ay Maryooley Ahaan Lahayd!

Dibumilicsiga Kaydka WDN: Haddii ay Maryooley Ahaan Lahayd!

W.Q. Khaliil C. Xasan

Si ay ku timidba, sannado ka hor, aniga iyo saaxiibbo kale oo Soomaaliyeed oo arrin ka sheekeysanaynna, ayaan u sheegay in saancaddaale aan meel ku kulanay igu yidhi, “ma Marookaan baad tahay?”

Anna, anigoo weydiintaas aad ula yaabban, in aan markiiba si dhakhso ah ugu jawaabay, “maya, waxaan ahay Soomaali.”

Haddaba markii ay weedhaasi afkayga ka soo baxday, ayaa saaxiibbadii aan wada joognay mid ka mid ahi markiiba hadalka ku soo booday oo yidhi, “anigu Soomaali ma sheegto!”

Waa yaab, tolow yuu sheegtaa, muxuuse Soomaalida uu Eebba ka dhaliyay uga cararayaa? Bal adba.

somalia-seaton
Writer Somalia Seaton at Theatre Royal Stratford East, photo by Robert Day

Waxa aan haddaba, arrintan dib u xasuustay ka dib markii aan arkay qoraal ka hadlaya gabadh  qoraa, jilaa iyo iskudubbaride ah oo masraxa Theatre Royal Stratford East Riwaayaddeedu ka socotay.

Dabcan, gabadha aan ka hadlayaa ma aha Soomaali, haseyeeshee waxay sidataa  magac aanan arag iyada ka hor shakhsi loogu yeedhayo. Waxa lagu magacaabaa Somalia Seaton.

Waa magacaas midka i soo jiitay, dibna ii xasuusiyay saaxiibkaygii Soomaaliyeed ee ka faanayay Soomaalinimada.

Inkastoo gabdhaha Soomaaliyeeed loo bixiyo magacyada magaalooyinka, qaarradaha iyo waddamada adduunka qaarkood, haddana ma jirto gabadh  loogu magac daro waddankeeda hooyo sida ay sameeyaan Itoobiyaanka oo aad arkayso gabdho badan oo lagu magacaabo Itoobiya.

Malaha Afrika, Aasiya, Yurub, Iglan, Falastiin iyo Istanbuul in aan u bixinno hablaheenna, waxaa dhaami lahaa innagoo ugu wanqalna Soomaaliya.

Somalia Saeton inkastoo ay bani’aadanimada iyo midabka madaw la wadaagto maryooleyda haddana waa qof shisheeye ah oo aanay waxba u gelin Soomaalida. Waxaa iska dhalay hooyo Nayjeeriyaan ah iyo aabbo jamaykaan ah, waxayna ku dhalatay kuna barbaartay magaaladan London.

Runtii ma hubo, waxayse u badan atahay in magacan ay qaadatay intii ay hawsha masraxa bilowday. Inta badan dadka raba in ay si dhakhso ah u soo caan baxaan, waxay magacooda hore ku bedelaan magac caan ah oo qofkii mar maqlaa aanu dib u ilaawi doonin.

Taas ayaanan filayaa in ay tahay sababta ay gabadhani ku dooratay magaca Soomaaliya. Waayo magacaasi waa mid maalin walba aad kula kulmaysid telefishinada, wargeysyada iyo guud ahaanba warbaahinta caalamka.

Waa wax lagu farxo in waddankeenu caan ka noqdo adduunka, nasiib darraduse waxay tahay in uu ku caan baxay oo lagu bartay waxyaabo aan habboonayn oo sharafta iyo sumcadda qofka Soomaaliyeed fuulxumo weyn ku ah .

Daagaal, dawlad la’aan, fawdo, macaluul, abaar, cudur, qaxooti, dagaal ooge, argagixiso. budhcadbadeed, musuqmaasuq iyo waxyaabo kale oo la mid ahi waa waxa ay dunidu innagu baratay ee aan caanka ku noqonay.

Si kastaba ha ahaatee caannimadaasi waa ta Somalia seaton ay ku dooratay in loogu yeeedho Soomaaliya, saaxiibkayna ku kaliftay in uu Soomaalinimada ka cararo. Allaylahe dhinacay ka istaagtay kamaanu istaagin!

Haddaba su’aasha isweydiinta mudani waxay tahay Somalia Seaton haddii ay Soomaali ahaan lahayd ma la bixi lahayd Soomaaliya?

Anigu, malahayga, ma qabo in ay Soomaaliya la bixi lahayd. Haseyeeshee inta nin cad guursato ayay iskaga dhex bixi lahayd maryooleyda isnacday sida aan ka aragnay shakhsiyaadka Soomaaliyeed ee caan baxay.

Haddaba ogow si kasta oo aad uga cararto, baasaaboorkasta oo aad qaadato, ajnabi kastood guursato, xilkasta oo sare oo aad ka qabato waddan kale, si kastoo aad u caan baxdo, meelkastood ku dhalato, sidii uu hore qoraaga Maxmed Baashe X. Xasan u sheegay Soomaalinimada biyo kaama maydhaan, birina kaama goyso.

Ogow markasta Maryooley baad tahay.

W.Q. Khaliil C. Xasan
WardheerNews
Email: khaliilha484@hotmail.com


Qoraalkani waxa uu hore ugu soo baxay WDN 21kii Okt. 2013.

Leave a Reply

Your email address will not be published.