Wednesday, November 13, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow
  • Talk of the town

Habdhaqanka Cagjar iyo Calaamadaha Munaafaqa

W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan Xasan

Bani’aadanimada waxyaabaha burburiya ee la isku raacsanyahay waxaa la sheegaa in ay ka midyihiin siyaasi aan damiir lahayn iyo lacag aan la shaqaysan. Labadan arrimoodba waa kuwo aad uga dhexmuuqda bulshada Soomaaiyeed deegaamadooda kala geddisan.

Waxaan haddaba qoraalkan yar ku fiirin doonaa damiirxumada iyo hoggaaminta gurracan ee ninka horjoogaha ka ah maamulka DDS ee xaruntiisu tahay magaalada Jigjiga. MW Mustafe Cagjar.

Waa nin wajiyo badan. Jirjiroole ah oo marba isu ekeysiiya cidda uu raaligelinayo. Dadnimo iyo damiir xakameeya midna ma laha.

Isdiidooyinka hadalladiisa iyo habdhaqankiisu waa kaaf iyo kala dheeri. Waa nin beenta iyo runtu aanay u kala soocnayn. Haddii culimadu u kitaab daydo, waxa uu ku sifoobayaa arrinta halista ah ee muslimiinta looga digay ee munaafaqnimada.

Bal in yar aan ka tilmaamo habdhaqanka iyo hadallada iswada hirdinaya ee looga soo joogay MW Cagjar.

Ilaa hadda waxa uu ku faannaa xorriyatul Qawl baa ka jirta deegaanka haddana qofkii dhaliila maamulkiisa, waxaa si bahdilaad ah oo aan loo marin wadiiqo sharci loogu tuuraa xabsiga. Isaga laftiisa ayaana shirkii Heritage ee Jabuuti ka qirtay in uu isagu dadka xidhxidho oo aanu Abiya Axmed shaqo ku lahayn.

Wuxuu ku hadaaqaa Soomaalinimo, haddana falkasta oo uu sameeyaa waa mid uu iskaga gadayo, kuna raalligeinayo qawmiyadaha uu kabaleefka u yahay ee Amxaarada iyo Oromada.

Caddaalad, sinnaan iyo dawlad wanaag ayuu sheegtaa, haddana waxa uu isku hareereeyay ilma’adeeradii, musuqmaasuqa iyo boobka hantida ummaddana wax dhib ah uma arko cid iskula xisaabtantaana ma jirto.

Waxa uu ku celceliyaa marka uu af Soomaaliga ku hadlayo in uu difaacayo nidaamka federaalka ismaamulka qawmiyadaha ku dhisan ee hadda lagu dhaqmo, haseyeeshee marka uu af xabashiga ku hadlayo ee TV-yada Amxaaradu wareysanayaan wuxuu u sheegaa in nidaamka federaalka qawmiyaduhu uu Itoobiya burbur u keenayo loona baahanyahay in laga guuro.

Waxa uu aaminsanyahay in madaxdhaqmeedku aanay siyaasadda ku lugyeelan, haddana inta uu shiriyo ayuu u yeedhiyaa in ay mucaaradka cambaareeyaan maamulkiisana mid samtalis ah ku tilmaamaan.

Waxaa uu sheegi jiray in deegaanka Soomaalida markii ugu horreysay ay ka dhici doonto doorasho xor iyo xalaal ah, haddana tallaabadii koowaad ee diiwaangelinta codbixyayaasha ayuu kaadhashii inta jawaano ku gurtay uu bakhaaro dhigtay, musharrixiin badan oo la tartami lahaana ka hor istaagay in ay isdiiwaangeliyaan, ka dibna inta keligii garoon cidla ah hadba dhinac u orday yidhi waan guulaysatay oo isku caano-shubay

Waxa uu muslimiinta kala qaybgalaa salaadaha ciidda, dhanka kalena waxa uu ka soo barakaystaa oo u duceeya baadariyada xabashida isagoo khushuuc iyo sujuud isugu dara. Yaab. Ninku horta diimo badanaa.

Waxa uu sheegaa in barakacayaasha Qoloji aanu wax lacag ah oo dhibaatooyinkooda wax looga qabto aanu hayn, haddana waa mas’uulka ugu horreeya ee malaayiin Bir ugu yabooha markasta oo ay dhibaato soo gaadho qawmiyadaha kale.

Waxa uu ururka ONLF oo ah mucaaradka ugu weyn deegaanka Soomaalida ku tilmaamaa kuwo ummadda kala qaybinaya oo magac qabiil wata, ummaddana u horseeeday halaag iyo halgan madhalays ah. Waxaa yaab leh in Cagjar uu shalay ammaanayay ONLF kuna tilmaamayay halgamayaal shacabka naftooda u huray, halka uu magac qabiil kaga eedaynayo, Cagjar waxa uu ahaa ninkii yidhi haddii dadka Oromadu laynaysaa ayna Ogaadeen ahayn yaynaan ka hadlin.

Qofkasta oo ka biya-diida basarxumadiisa waxa uu ku shaabbadeeyaa waa Heego iyo hadhaagii TPLF, haddana waxaa dhinac walba kaga hareeraysan oo lataliyayaal iyo adeegayaal u ah kuwii heegada uu sheego ugu waaweynaa uguna anshaxa xumaa.

Shacabkii waa yaabban yihiin. Dhabanka iyo gacanta ayuun bay isku hayaan. Haddaba Cagjar xaggee loogu soo hagaaga? Bal aan ku soo gabagabeeyo tixdan gaaban:

  • Kaboqaad damiirlaawe ahoo kor laga keenay
  • Kursiga ninkaa lagu fadhiisiyee kaashka guraanaya
  • Ee Kaatoli siduu yahay kiniisadaha aadi
  • Baadariyada ninkaa karaamaynayee kiishashka u buuxshay
  • Bahardaar kalsoonida ka raadinee kumaankum ugu deeqay
  • Qolojina indhaha ka lalinee koob shaaha siinin
  • Een hurdo kaw ka siinayn haddii amxaar kaneeco qaniinto
  • Ee Itoobiyadan kala guurtay weli daba kadlaynaaya
  • Kas xumada ninkaa ku caan baxee kelidiis ordaaya
  • Ee talo lagu kari waayayee kala adkaan dooni
  • Soomaali baan kor u qaaday waa waxaan cidi ka yeelayne
  • Shisheeye kalkaalaw dhammaa kalkaagiiye

W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan Xasan

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.