Saturday, April 20, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Hababka fudud uu ku gaaro waxmataruhu kursiga madaxtinnimada!

W/Q: Aadam Salaad – Badiic

Qiyamka bulsho leedahay ayaa waxa kadhasha hab-dhaqanka siyaasadeed ee bulshadaasi ku dhaqmayso. Hab-dhaqanka siyaasadeed ee bulsho kastana waxey leedahay xeerar & hagayaal gundhig ay u yihiin qiyamka guud ee bulshadaasi.

Kursiga awoodda

Waxmataraha kurisga madaxtinama ku fariista ama derejada uu bulsho hoggaaminayo gaara, waxaa is dabooli waaya markasta, shaqada siyaasadeed ee laga rabo & falcelintiisa oo noqota falal aan ku habboonayn shaqada uu hayo. Maadaama madaxtinnimadu ama hoggaaminta bulsho ay u baahan tahay xirfad gaar ah, awood hoggaamineed & tilmaamo ku habboon kursiga uu kufariisanayo qofkaasi.

Waxmatare-nimada siyaasaddeedna waxay kamid tahay cudurrada naafeeya shaqada siyaasadda, qofka waxmataraha ahna labo ayuu mid yahay, doqon ama mid isdoqonaysiinaya.

“Qofka caadiga ah (aan xil gaar ah hayn), dadka wuxuu ula dhaqmaa isaga oo isu muujinaya inuu yahay; qof Caqli-badan, Xikmad-badan, Waddani ah, Geesi ah, Aqoonyahan ah, Halyey ah, Naftii-hure ah Iwm. Balse marka uu qofkaasi ku fariisto kursi bulshado loogu adeegayo (Kursiga madaxtinnimada), waxaa soo baxda Waxmatare-nimadiisa (Doqonnimadiisa).”([1])

Maadaama madaxtinnimadu leedahay soojiidasho & bidhaan wanaagsan, bulsho kastaana waxey leedahay Waxmatare (Doqon) doonaya in uu kursigaas madaxtinnimada ku fariisto.

Waxmatare-nimada Siyaasadeed, loolama jeedo doqonnimo & nuqsaan caqli-ahaan uga muuqata qofkaas kursiga madaxtinnimada kufadhiya, balse waa qofka oo kursi bulsho loogu shaqaynayo ku fariista isaga oo aan awooddeedii xirfadeed lahayn.

Haddab, sida sooyaalku ka markhaati kacayo, waxaa jira habab fudud oo Waxmataruhu  xukunka ku gaaro. Waxa ayna kala yihiin sidaan:-

1.Dhaxaltooyo:

Waxayna u qaybsantaa labo qaybood oo kala ah:

B) Dhaxaltooyo Toos ah: arrintaani waxey kadhacdaa inta badan maamullada nidaamkooda siyaasadeed uu kudhisan yahay ‘‘Nidaamka Boqortooyada’’. Nidaamkaani wuxuu fursad siinayaa qof aan aqoon, waayo-aragnimo & xirfad kale ee hoggaamineed aan lahayn in uu aayaha ummad dhan kataliyo, maadaama uu yahay dhaxal-sugaha sharciga ah ee nidaamkaas ama dowladdaas. Habkaan ayaa ah hab fudud oo qof walba uu xukunka ku gaari karo.

T) Dhaxaltooyo Maldahan: habkaan waxaa kaloo loo yaqaan ‘Dhaxaltooyo aan Toos ahayn’; waxey inta badan kadhacdaa dalalka Nidaamka Jamhuuriga ah kudhaqma. Tusaale; markii uu dhinto Madaxweyne, dadkii ku hareereysnaa waxey soojeedinayaan ama kashaqaynayaan – iyagoo dantooda gaar ah ka dhex arkay – in wiilka Madaxweynaha geeriyooday ama cid ay isku hayb yihiin xukunka ay lawareegaan. Iyagoo marin habaabinaya doonitaanka bulshada kana been abuuranaya doorashada.

2. Kuxigeen-nimo:

Siyaabaha fudud ee qof kasta oo waxmatare ah ku gaari karo xukunka waxaa kamid ah; qof Kuxigeen u ah Xaakim ama Madaxweyne gaaray yoolkii bulshadiisu higsanaysay, guulo badanna gaaray, bulshadana kalsooni buuxda kahelay. Kaas oo har iyo habeenba u soo jeeday gudashada masuuliyadda saaaran, uuna culaysinayay xilka uu sido.

Qofkaas Kuxigeenka ah, wuxuu fursaddaas uu xukunka ku gaarayo ku helikaraa oo kaliya qofka uu Kuxigeenka u yahay oo meesha kabaxa (dhinta, ladilo, iscasila Iwm), isagoo halkaas magac & maamuus kaga raadsanaya bulshada qofkaas meesha ka baxay, maadaama uu ahaa  Xaakim ama Madaxweyne waxqab leh lana jecelyahay.

3. Kacdoon aan dhammays-noqon:

Habkani wuxuu kamid yahay siyaabaha ugu layaabka badan ee Waxmataruhu xukunka ku gaaro. Kacdoonada aan dhammayska noqon waxaa loola jeedaa; kacdoon aan lagaarin yoolkii laga lahaa isla markaasna natiijadii laga doonayey aaney kasoo bixin. Sida sooyaalka aad ka arki kartaan, kacdoonadaas kadib dadku way niyad-jabaan, wey isdhiibaan, qalalaase, baqdin iyo cabsi ayaana wehel u noqota.

Taasi waxey keentaa in bulshadaasi ay aqbalaan qofkasta oo nabad-gelyadooda damaanad qaadikaraya, iyaga oo aan eegin qofkaas sooyaalkiisa, afkaartiisa & hab-dhaqankiisa. Halkaas na waxaa fursad kahela qof aan wax waayo-aragnimo, aqoon & mawhibo kale oo maamul lahayn, balse oo kaliya xirfad ciidannimo sheegta (Askari), bulshaduna ay ku tuhmayso in xaaladdaan cakiran uu nabad kusoo dabaalikaro.  Balse nasiib darro, bulshadaasi muddo badan kadib waxey ogaadaan in ammaankii ay ku tuhmayeen qofkaas ay mala-awaal iyo waxba kama-jiraan tahay. 

4.  Geeri Degdeg ah:

Habkaan ayaa ah kan ugu danbeeya, arrintaan ayaa kadhigan, in Madaxweyne ama Xaakim ay kutimaaddo geeri degdeg ah. Kolkaasna iyada oo aan laysku waafaqin ciddii beddeli lahayd, daaha-gadaashiisa uu kasoo boxo qof aan lafilayn, oo markii horena udhowaa Madaxweynaha geeriyooday balse dadku aysan kafilayn khiyaano Iwm, taas cagsigeedana doqon loo arkayay.

Balse qofkaasi wuxuu u gaatamayey oo sugayey kaliya fursad uu xukunka ku gaaro, inta badan na qofkaasi wey adagtahay in uu xukunka kadego.

Aadam Salaad – Badiic
Email: [email protected]
Istanbul – Turkey

—–
([1] ) Maxammed Towfiiq – Qoraaga Buugga Al-Qabaa Al-Siyaasii.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.