Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

“HA ARKINA…!”

W/Q Cabdixakiin Marayare

Haddii qof weyni iskudhex qaawiyo Suuqa weyn ee Baakaraha Xamar amma Suuqa Waaheen ee Hargeysa, dad badan baa yaabaya oo ashahaadanaya!Si kaste oo qofkaas lagu asturi karo waa la yeelayaa. Ugu dambeyn in dhar loo xidhayo oo ceebtii la qarinayo ayaynu garanaynaa.

facebookLaakiin haddii qof dharkiisii gashani markale labadaas Suuq lugeeyo cidna wax dareen ah qaadanmayso, waayo dadka magaalada jooga oo dhammi dhar bay xidhan yihiin! Markale ,qofka Faysbuugga iskudhex qaawiya dhar looma xidhi karo sida Bakaaraha iyo Waaheen! Maxaynnu ka yeellnaa dadkan qiyamta iyo anshaxii ummadda wax lid ku ah la yimid?

Haddii lala yaabo ,laga hadlo, la faaleeyo Barnaamijkii sillanaa joogsanmaayo`e, bal wuu sii dararayaa oo fidayaa.Qofkii xumaana waxu uu helayaa magac iyo daawadayaal badan.

Ugu horreyn horta labada mar ee Suuqa iyo Saxaafadda ama warbaahinta (media) arrimuhu way kala duwan yihiin; Suuqa waxa la qaadi karaa tabab fudud oo xumaha lagu hor istaagi karo. Hadal baa joojin kara, haddii kalena gacan baa lagu suulin karaa, hase yeeshee adeegsiga warbaahinta (media) sidaas ma ahan, falalka iyo dadka oo dhammi horteenna ma joogaan ee aalad iyo qalab bay adeegsanayaan.

Farriintu isha midhiqdeeda ayay meel fog gaadhaysaa, qof farriinta laftirkeeda diiddan baa sii faafin kara oo gaadhsiin kara dadkale. Cidda Faysbuugga iyo Yuutubka isku qaawisaa waa cid Bakaaraha isku qaawisay oo aynaan waxba ka qaban karin!
Ciil weynaa!

Culumada Soomaalida ee Faysbuugga iyo Yuutubka wanaagga innaga farta, waxa laga daawasho badan yahay dadka qabyaaladda iyo cawrada dadka ka had`hadla!

Sababta waxaan u maleeyey sabab la`aan inay dadku xumaanta uga jecel yihiin wanaagga! Shiikh kamida Culumada Soomaalida ayaan xalay daawaday. Wadaadkaas Ilaahay xasanaad badan ha siiyee qawlka Eebbeheen iyo Axaadiista Suubbanaha ayuu aad carrabkiisa ugu soo celceliyey. Xumaanta iyo wanaaggu sida ay iftiin iyo dharaar ugu kala cad yihiin Diinteenna ayuu sheegay. Intaas kaga ma hadhine ciqaabta ka dhalata xumaha iyo abaalgudka lagu helo kheyrka ayuu si tafniidan u sharraxay.

Arrimo toddobaadyadan ba Faysbuugyada lagu hadalhayey oo ku aaddan;dad ummadda hortooda huggii ku tuuray bay farriintiisu ugu dambeyn shafka dhigatay oo aad ugu hakatay.Talooyin badan iyo siyaalo lagu xallin karo xumaystaas ayuu taxay.

Shiikhu waxu dadka hadalka ugu soo gaabshey inaan muuqaallada faysbuugyada  la arkin!Taas baa iga gadmiweyday aniga oo iga gantoobtay farriintii Shiikha ee qalbigayga ku susumaysay.

Haddaan wax la arkin oo aan indhaha lafurin sidee xumaha iyo wanaagga loo kala garan karaa?

Inaan waxba la arkin xumuhu kuma joogsado,faysbuugguna waa isgaadhsiin casri ah oo dadku ku xidhiidho.Siyaalo kale oo aynnu ciddan dhagarta wadda uga baxsan karro ma innoo haysaa Shiikhow!

Cabdixakiin M. Maxamuud “Marayare”
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.