H.E. Fawzia Yusuf ” qorshaha kuma jiro dib u celin qasab ah oo lagu sameeynayo qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Kenya”.

Warsaxafedeed

Ra’iisul wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga H.E. Fawzia Yusuf H. Adam iyo wafdi ay hogaamineyso oo cishooyinkii ugu dambeeyay howlo shaqo u joogay Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya ayaa maanta dib ugu soo laabtay Caasimadda Muqdisho ,iyadoo ka warbixisay heshiiska dowladda Soomaaliya ay la saxiixatay dowladda Kenya oo ku saabsan dib u  celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xeryaha ku yaala wadankaasi.

H.E. Fawzia Yusuf H. Adam ayaa shaaca ka qaaday inay la kaashan doonto dowladda Federaalka Soomaaliya dib u soo celinta qaxootigaasi laanta qaxootiga u qaabilsan Qaramada midoobey (UNHCR) ,iyadoo aanu  qorshaha  ku jirin dib u celin qasab ah , hadba la celin doono qoyskii doorbida inuu ku noolaado dalkiisa iyo deegaankiisa. Waxaa xusid mudan in 3-dii bishan November, heshiis  ku kala saxiixdeen magaalada Nairobi, Ra’iisul wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee dowladda Federaalka Soomaaliya H.E. Fawzia Yusuf Haji Adam iyo Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Kenya H.E. Amina Mohamed , iyadoo heshiiskaasi uu qeexayo in qaxootiga Soomaaliyeed ee tiradiisu lagu sheegay hal milyan oo ruux dib loogu celiyo Soomaaliya inta lagu guda jiro muddo seddex sano ah. Dowladda Kenya ayaa waxaa hadda u diiwaan geshan qaxooti ahaan 610,000 ruux , halka 500,000 qof aan diiwaan geshaneen oo qaxooti ah ay ku kala nool yihiin Xerooyinka Dhadhaab,Kakuma iyo goobo kale .

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda

Follow us on Twitter and Connect to our Facebook page
https://www.twitter.com/mofasomalia

Leave a Reply

Your email address will not be published.