W/Q Sh. Axmed Cabdisamad
Qarax baa Xamar ka dhacay. Dad baa ku dhintay, dad kalena waa ku dhaawacmeen, dadna waa ku cayroobeen. Alshabaab baa sheegtay inay ka dambeeyeen.
Dowladda iyo dowladgoboleedyada ayaa iskhilaafay ama baarlamaanka iyo golaha wasiirada ayaa is-haya ama madaxweynaha iyo wasiirka koowaad baa kala taagan.
Mayee doorashaa soo dhow oo loo diyaargaroobayaa, wax kale oo dhana waa la joojiyey.Xataa mushaarooyinkii ciidanka iyo hay’adaha dowladda doorashooyinka ayaa lugu galayaa.
Labo qabiil baa isku dilaya baadiyaha, in dagaalku magaalada soo gaarana waa laga baqayaa ama labo kooxood oo ciidanka dowladda ah ayaa is rasaaseeyey ama labo dowladgoboleed baa dagaal culus ka dhex socdaa.
Dadyowgaas loolanadu ka dhex socdaan ayaa xilka badbaadada shacabku saarnaa, iyagaana isu muuqda ee ma arkaan dadkaan baab’aya iyo masaa’ibta ummadda ku socota.
Dhaqanka soomaalidu wuxuu ahaan jirey : oodo dhacameed say u kala sarreeyaan baa loo kala qaadaa iyo waranka isha kaaga taagan miyaan kaa bixiyaa mise waranka dabada kaaga taagan, iyo bal horta aan fariistee midka dabada iiga taagan iga siib laakiin hadda arrintu waxay ku socotaa: balada ina wada dilaysa inoo daayoo aynu horta innagu kala ciil-beelno.
Malaha mushkiladu maamuladaan iyo ciidamada nabadgalyada laga sugayo maahee dadkeena ayaaba halaagga iyo haantaawilifka isla raba?.
Aniga oo waxa dhacaya aad uga walwalsan baa waxaa ii waramay nin jooga mid ka mid ah dalalkii dhaawaca la geeyay.Wuxuu yiri:
dhaawac aad u liita ayaa isbitaalo liita la geeyay, dhaawac fudud oo telefoono ku sheekaynayana isbitaaladii fiicnaa ayaa la geeyay Dadka sidaas yeelayana waa dad qaraabo la ah dhaawaca laakiin kuwii sii xigay oo ladnaa ayay u dooreen meeshii ay u baahnaayeen kuwa liita!. Kolkaan xogtaas dhagaystay ayaan gartay in waxa nugu dhacaya aan annagu isu geysanay ee Ilaahay cidna ma dulmiyo.
Dad aan iyagu isu naxayn cidna uma naxdo, lax walbana shillalkay isdhigto ayaa lugu qalaa ee soomaaliyeey aynu dib isugu noqono oo Alle u toobadkeeno oo aynu ka harno dambiyada aynu caadaysanay oo isdilka iyo isdulmintu ugu daranyihiin. Haddii kale sidaan ka bixi maynee waynu ku sii jiraynaa illaa ruqo ninkii lahaa dabada hayo ma kacdee!.