Gudiga Cusub ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo Xilka la Wareegay

Muqdisho (WDN)- Agaasimaha cusub ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka ahna La-taliyaha dhaqaalaha u qaabilsan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Aadan Hoosow, ayaa maanta xarunta madaxtooyada qaranka xilka kula wareegay, iyada oo uu badalayo  agaasimihii hore  ee golahaasi Dr. Cali Ciise Cabdi.

Gudiga Cusub ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo Xilka la Wareegay

Xaflad ballaaran oo uu xilka kula wareegayey agaasimaha cusub ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa ka dhacdey Villa-Soomaaliya. Gudiga Dhaqaalaha Qaranka oo ka kooban 9 xubnood, ayaa la asaasay bishii Julay ee 2018, kadib markii lagu magacaabay dikreeto uu soo saaray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Gudiga ayaa ujeedooyinka loo aasassay ay ka mid tahay:

  • Dejinta qorshayaasha iyo istraatijiyadda dhaqaale ee dalka,
  • Jaangoynta siyaasad ku salaysan qorshayaasha iyo maamul wanaaga dhaqaale ee dalka iyo
  • Daraasaadka laxidhiidha kobcinta iyo maareynta caqabdaha dhaqaale ee dalak soo wajaha iyo talobixinta qorshyaasha dhaqaalaha

Guddiga oo ay horey uga mid ahaayeen khubaro dhinaca dhaqaalaha ku xeel dheer ayaa bishii Nof 10-keedii Madaxweyne Xasan kala diray.

Dad badan ayaa ka biyo diidday isbadalka lagu sameeyay xubnaha gudiga, iyada oo marka la is barbardhigo khibrada iyo aqoonta gudigii hore iyo kan cusub ay aad ku kala durugsna yihiin.

Golaha dhaqaalaha qaranka ayaa ah hay’ad muhiim iyadoo qeyb weyn ka ah kobcinta dhaqaalaha dalka iyo dajinta siyaasad dhaqaale oo la jaanqaadi karta dunida horumartey iyo suuragelinta adeegsiga tiknolojiyadda casriga ah ee lagu horumariyo dhaqaalaha dalka.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.