Muqdisho, Guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa soo afjarey maanta khilaafkii siyaasadeed ee ka taagnaa 16-ka kursi ee xildhibaannada gobolka Gedo ee labada degmo ee Ceelwaaq iyo Garbahaarey lagu kala doortay, kuna dhawaaqay in guddoonka golaha shacabka go’aan arinkaas ka qaatey.
Aadan Madoobe ayaa shaaciyey in xildhibaanada lagu soo doortey degmada Ceelwaaq ay yihiin kuwa marey habraaca saxda ah ee doorashada mudanayaasha golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya.
Go’aanka guddoonka golaha shacabka ayaa soo afmeerey muran in muddo soo jitamay, hareeyeyna cidda baarlamaanka 11aad ku metelaysa gobolka Gedo.
Khilaafkan oo soo gaarey xilligii la dooranayey guddoonka baarlamaanka ayaa sababay in xildhibaanada lagu soo kala doortey Ceelwaaq iyo Garbahaarey ay dibbed joog ka ahaadaan doorashadaas.
War murtiyeed guddoonka golaha shacabka soo saarey ayaa u qornaa sida tan :-


Mohamed Omar Aden
Leave a Reply