Diiwaangelinta musharaxiinta madaxtinimada oo Muqdisho ka billaabmatay

Muqdisho, Waxaa maanta si rasmi ah magaalada caasimadda ah ee Muqdisho uga bilowday diiwaangelinta musharaxiinta doonaysa inay u tartamaan xilka madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.

Shariif Sh. Axmed

Madaxweynihii hore ee KMG Soomaaliya ahna xildhibaan ka tirsan golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa noqdey musharixii ugu horreeyey ee is diiwaangeliya, qaatayna shahaadada musharaxnimo, isagoo dhamaystirey dhammaan shuruudaha guddiga doorashadu soo saareen.

Shariif Sheekh Axmed ayaa ka mid musharaxiinta ugu cadcad ee doonaya qabashada xilka madaxweynaha Soomaaliya, waxaana maalmihii lasoo dhaafay uu wadey kulamo xooggan uu la qaadanayo xubnaha labada aqal iyo siyaasiyiinta ku milan ololaha doorashada.

Sidoo kale waxaa is diiwaangeliyey musharaxiin kale oo uu ka mid yahay C/Qaadir Cosoble Cali iyo Xasan Cali Khayre iyo musharaxiin kale.

Isdiiwaangelinta musharaxiinta ayaa soo gabagaboobaysa maalinta berri ah sida guddigu tilmaamey, waxaana sharaxan musharaxiin kor u dhaafaysa 20.

Guddiga doorashada madaxtinimada dalka ayaa si habsami ah u wada qabanqaabada iyo dhammaystirka hawlaha loo igmadey, waxaana aad u yar waqtiga doorashada ka harsan iyadoo ku beegan 15-ka bishaan May.

Mohamed Omar Aden

Wardheernews,Muqdisho