![](https://wardheernews.com/wp-content/uploads/2023/06/khaliif.jpeg)
Guddoomiyihii Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdirissaq Khaliif Axmed ayaa sheegay in uu dhammaanba xilalkii uu ka hayay Somaliland iska casilay.
Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif oo muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa magaalada ay colaaddu ka taagantahay ee Laascaanood ayaa horey u sheegay in uu la mawqifyahay garaadada beeshiisa oo iyagu si cad uga horyimid maamulka Somaliland ee uu xilka ka hayay.
Xeer ilaalinta Somaliland ayaa hore ugu gudbisay Golaha Wakiillada ee Somaliland in la laalo xubinnimadiisa Golaha Wakiillada, waxaana dacwadda xeer ilaalinta oo uu ku saxiixan xeer ilaaliyaha Somaliland Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan lagu eedeeyay ‘inuu jabiyay dastuurka Somaliland.
Golaha wakiillada Somaliland ayaa la filayaa in ay dhawaan buuxin doonaan jagada uu banneeyay Cabdirisaaq Khaliif iyadoo shakhsiyaadka la hadalhayo in ay beddeli doonaan uu ka mid yahay Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo jagadaas hore ugula tartamay Cabdirisaaq Khaliif.
WardheerNews, Hargeysa
Leave a Reply