Muqdishu (WDN) Guddoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka Md. Cabdiwali Muudeey, ayaa wareegto uu soo saaray maanta, lagu sheegay in la kala diray guddigii Miisaaniyada Maaliyadda, Qorsheynta iyo la Xisaabtanka Dowladda ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed.
Xildhibaan Mudeey, ayaa sheegay in kala dirida Gudddiga Maaliyadda uu u cuskaday baaris iyo talooyin ka yimid Guddoomiye Xigeenka Labaad, Xogahaya Guud iyo Gacan yaraha Guddiga Maaliyadda iyo khilaad uu sheegay in uu soo kala dhex galay Guddiga Maaliyadda.
Kala dirida Guddiga Maaliyadda ayaa imaneysa ka gadaal markii dhawaan ay soo saareen warbixin lagu sheegay Musuqmaasuq baahsan oo kal jira Wasaarradda Maaliyadda iyo Maamulka gobolka Banaadir lagu lunsaday lacago deeq ah oo ka timid dalka Sacuudiga.
Md. Muudeey ayaa lagu xasuustaa ol’olahii uu u galay riditaaankii Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabk Md Jawaari, isaga oo gacan saar hoose la lahaa Madaxtooyadda Muqdisho.
Wareegtada ka soo baxday Md. Muudeey oo soo gaadhay WardheerNews, ayaa u qorneyd sida hoos ku xusan
Halkan ka akhri Wareegtada Guddoonka Golaha_ku kala dirista Guddiga Maaliyadda
WardheerNews
Leave a Reply