Guddoomiyaha golaha shacabka oo ku xigeenka ergeyga midowga Afrika iyo hawlgalka ATMIS kala hadley amniga doorashada

Muqdisho (WDN)- Guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa maanta kulan la qaatey saraakiisha hawlgalka ciidmada ATMIS ee ciidamada Midowga Afrika, , isagoo kala hadlay xoojinta iyo sugidda amniga doorashada madaxtinimada dalka oo lagu wado in dhawaan ay dhacdo.

Gooddoomiye Aadan Madoobe iyo Buux oo la shiray saraakiisha ATMIS

Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Xoghayaha Golaha Shacabka Md Cabdikariim Buux, ayaa la shirey ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee midowga Africa Fiona Lortan,ku xigeenka hawlgalka ATMIS Jeneraal William Shume iyo saraakiil kale.

Kulanka guddoomiyaha golaha shacabka iyo saraakiisha midowga Africa ayaa imaanaya saacado kadib markii labada gole ee baarlamaaka 11-aad ay magacaabeen xubnaha guddiga doorashada madaxweynenimada dalka.

Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa maalmahaan wada dadaalo xoogan oo ku aadan sidii loo dadajin lahaa doorashada madaxweynenimada dalka xilli ifafaale wanaagsan oo gabagabeynta doorashada ay muuqato kaddib khilaaf siyaasadeed oo ku aadanaa doorashooyinka labada aqal lasoo marey.

Maxamed Cumar Aaden.
Wardheernews, Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published.