Guddiga doorashada madaxtinimada Soomaaliya oo soo saarey shuruudaha iyo habraaca musharaxiinta

Muqdisho, Guddiga doorashada madaxtinimada Soomaaliya ayaa soo saarey shuruudaha musharaxiinta xilli maalinta berri ah 8-da bisha May diiwaangelintu bilaabanayso.

Guddiga doorashooyinka madaxtinimada dalka ayaa heer gabagaba ah marinaya udiyaar garowga doorashada madaxweynenimada 10-aad ee Soomaaliya oo lagu wado in ay dhacdo 15-ka bishaan May.

Guddiga ayaa maalinta berri ah lagu wadaa inuu bilaabo diiwaangelinta musharaxiinta madaxtinimada dalka oo ay u taaganyihiin musharaxiin kor u dhaafaysa 20 oo ay ka mid ah yihiin musharaxiin hore dalka xilal uga soo qabtey oo ka mid yahay madaxweynaha waqtigiisu dhammaadey ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dhanka kale guddiga ayaa soo saarey shuruudaha laga rabo musharaxa isu soo taagaya xilka madaxtinimada dalka waxaana ka mid ah inuu saxiix ka keensado 20 xildhibaan ama senetor oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya

Guddigu ayaa sidoo kale waxa uu soo saaray wareegto ku saabsan habraaca doorashada ee musharixiinta xilka madaxweynaha soomaaliya, waxayna u dhignayd sida soosocota:

Mohamed Omar Aden

Wardheernews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.